Waxaa shalayto oo ay taariikhdu aheyd 21-010-2011 lagu qabtay hawlka dhaqanka iyo fanka ee magaciisa ladhoho Little Theatre oo ku yaala badh-tamaha magaalada Central Port Elisabeth siminaar looga hadlayay is-dhexgalka bulshooyinka kala badalan ee ku nool gobolka Nelson Mandela Bay.
Siminaarkan ooy soo qabanqaabiyeen laba hayadood oo kala ah IHASA iyo AFRICA UNITE oo ah urur bulsheedyo u dhaq-dhaqaaqa horumarinta arimaha bulshada, ayaa lagu martiqaaday urururo bulsho oo ay ka midtahay OGADEN COMMUNITY IN SOUTH AFRICA (JOKA) Iyo Somali community SASA
Jaaliyada ogadeniya ee JOKA ayaa ka heshay marti qaad haayada AFRICA UNITE oo ay horay u wada lahaayeen wada shaqeen waxana ka qeeb galay shirkaas wafti ka socda jaaliyadda oo ka koobnaa 4 xubnood.
Inkasta oo waxyaaba badan looga hadlay siminaarka hadana dulucdu waxay ahayd isfahansiinta bulshooyin ku kala duwan dhaqanka, dhaqaalaha , luuqada iyo diintaba.
Dadka sida wayn uga hadlay work shops- ka waxa kamid ahaa kuxigeenka duqa magaalada port Elizabeth oo ku nuux-nuuxsaday sida bulshadu isugu baahantahay isdhexgalkuna u yahay furaha horumarka bulshooyinka. Wuxuu si gaar ah u sooqadatay in joogitaanka Somalidu yahay mid faa iido dhaqaale u keenaya dalka islamarkaa ay tahay in la abuuro xidhiidh-bulsho oo sii adkeeya isdhexgalka iyo isfahanka dadka kuwada nool halmeel. waxay gabadhaasi, kuxigeenka duqa magaalada ihi si dhiiran ugu kaftantay in loobaahanyahay in Somalidu guursato dumarka deegaanka si ay u dhalaan bay tidhi ciyaal qurux badan islamarkaana noola wadaagaan magacaanta Sipho iyo Bongaani hadalkas oo sacab iyo qosolba kadhexkiciyay shirka.
Waa markii koobaad ee aqoon iswaydaarsi noocan oo kale ah la qabto waxayna umuuqataa inay tahay mid lagu dajinayo siyaasada ku saleesan arimaha kasoo kordhay gobolka Gauteng oo shisheeye nacayb kusalaysan.
Dadka hadlayay waxay aad ugu cel-celiyeen sida loogu baahany in somalidu ka qaybqaadato arimaha kobcinaya is-dhexgalka iyo is aaminaada bulshooyinka wadanool.
Nin horay u ahaanjiray danbibaadhe iyo sirdoonka qaranka oo hadda hawlgab ah ayaa sitoosa carabka ugu dhuftay inay jiraan dad laga soo dhoofiyay wadamo kale oo siyaasadoodu xuntahay si ay u soo dilaan dad wadankan nabadgalyo u soo doontay arintaas oo dadku aad ugu dhag taagay ayuu ku sheegay inay tahay arin uuna rabin inuu halkan ku falanqeeyo isagoo sheegay in baadhis lagu samayn doono arintaas.
Samenaarkan oo furmay 8.30 subaxnimo ayaaa soo xidhmay 4tii galbanimo wuxuuna ku soo xidhmay is af garad iyo in lasii wado semanaarada iyo shirarka noocan ah lana xoojiyo siyaasada community si ay isu bartaaan .
ONA/ KA
Yesterday, dated 21-010-2011, a seminar on the integration of the different communities living in the Nelson Mandela Bay region was held at the culture and arts hall called the Little Theatre, located in the centre of Central Port Elisabeth.
This seminar, organised by two organisations, IHASA and AFRICA UNITE, which are community organisations working to advance social affairs, was attended by invited community organisations, among them the OGADEN COMMUNITY IN SOUTH AFRICA (JOKA) and the Somali community SASA
The Ogadenia community JOKA received an invitation from the organisation AFRICA UNITE, with which it had previously worked, and a delegation from the community consisting of 4 members took part in the meeting.
Although many things were discussed at the seminar, the main point was mutual understanding between communities that differ in culture, economy, language and religion.
Among those who spoke at length at the workshops was the deputy mayor of the city of port Elizabeth, who emphasised how communities need one another and how integration is the key to the development of communities. She specifically raised that the presence of Somalis brings economic benefit to the country, and that social ties must be created that further strengthen the integration and mutual understanding of people living together in one place. That lady, the deputy mayor, boldly joked that Somalis need to marry local women so that, she said, they give birth to beautiful children who will also share with us the names Sipho and Bongaani, remarks that drew both applause and laughter from the meeting.
This is the first time such a knowledge-sharing event has been held, and it appears to be one aimed at shaping policy based on the recent developments in Gauteng province, which are rooted in xenophobia.
The speakers strongly reiterated the need for Somalis to take part in matters that promote integration and trust among the communities living together.
A man who was formerly a detective and in national intelligence, and who is now retired, directly touched on the existence of people brought in from other countries with bad politics in order to kill people who came to this country seeking safety. On this matter, to which people listened very attentively, he said it was an issue he did not want to analyse here, stating that an investigation would be carried out into the matter.
This seminar, which opened at 8.30 in the morning, closed at 4 in the afternoon, and it concluded with mutual agreement and on continuing such seminars and meetings and strengthening community policy so that they get to know one another.
ONA/ KA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

