
Ma istaahilin inaan waqti iskaga lumino qoraalada uu is-moodsiinayo jaajuuska wax ku qorqora boggaa inuu guul ku gaaray soo qoridda waxyaabo uu ku tilmaamayo inay tahay sir uu kala soo dhex baxay waraaqaha ay isu dirayaan madaxda jabhadda.
Ugu horeyn halgamaha JWXO ma mooga doorka uu sirdoonka Itobiya ku leeyahay arintan iyo in shabakaddan ay tahay qayb ka mid ah shirqoolada loo maleegayo shacabka S.Ogadenya. sidoo kale in cadawga markuu ka quustay inuu JWXO kaga adkaado goobaha dagaalka uu bilaabay dagaal xagga dacaayadda ah oo hadafka uu ka leeyahay ay u cadahay halgamaaga JWXO.
Waxaan ogsoonahay in labadii sanee ugu dambaysay uu cadawga xoogga saaray kuna guuldareystay inuu shacabka u kala qaybiyo ururo iyo beelo iska soo horjeeda. Waxaan ogsoonayn isku dhacyadii hadafka lahaa ee la maareyn kari waayay ee kooxdii Ajo-gudhay ay gudaha ka fulinayeen iyo isku daygoodii ahaa inay abuuraan garab ay u bixiyaan ONLF oo isla hadhaagii Itixaadka ah oo la dagaalama CWXO si loo yidhaahdo waxaa dagaal uu ka dhex socdaa laba garab oo ONLF ah. Waxaan ku arki jirnay shabakaddan qoraaladii sidaa ahaa ee marwalba lagu soo qori jiray. Waxaan ogsoonayn doorkii fitna abuurka ahaa ee Cabdi iley uu ka fashiliyay Xaajo markuu runta ka sheegay inay iyagu dileen soona bandhigay maydkii Alaha u dambi dhaafee Dr. Doolaal. Waxaan ogsoonahay isku dayga ilaa maanta ay wadaan inay u kala saraan shacabka beelo iyo qabaai’il kala dan ah oo iska soo horjeeda. Shirqoolkii noocaa ahaa oo idil ee gumaysiga uu ku fulinayay Xaajo waa lagu soo guuldareystay.
Waxaa hadda socota mashruuc ah – Sir Culus – iyo hebel ayaa sidaa qoray, oo cadawga uu ka soo minguuriyay barnaamijkii Wikkileaks ee fashilyay arima farabadan oo si hoose loogu maleegayay caalamka. Waxaana ka mid ahaa arimaha uu soo bandhigay Wikkileaks cabsida uu ka qabo Wayaanaha halganka shacabka S. Ogadenya iyo ururka ONLF. Wikkileaks waxaa lagu soo bandhigay shirqooladii ay maleegayeen waxa loo yaqaano caalamka qarsoon (the underworld), taasoo ka cadhaysiisay dawladihii laga fashilyay, gaar ahaan Mareykanka oo ka cabsaday in la aamini waayo maadaama wixii la’isla qasan jiray banaanka ay soo dhegeen ragiisa.
Iyagoo ku dayanaya arintii Wikkileaks ayuu cadawgka khashiinka ah oo adeegsanaya Xaajo bilaabey waayadnba mashruucan ah –Sir-Culus- oy leeyihiin waxaan helnay qoraalo muhiim ah oo madaxda JWXO ay is-weydaarsanayeen. Shacabka ay ugu talagaleen inay ku jahawareeriyaan arintan ayaa leh kalmada kama dambaysta ah, umana muuqato mid ka gadmaysa oo ka duwan mashaariicdii gumaysiga iyo xaajo ee horeyba u fashilmay.
Waxaa hubaal ah isku day kasta oo gumaysiga uu damcay inuu ku wiiqo midnimada shacabka iyo habsami u socodka halganka inay JWXO ka dhaxashay guul iyo horumar. Jaajuuskan lagu adeeganayona waxaan colaad iyo nac ahaynoo uu ka korosaday isku dayadiisii hore ma jirin, beentan loo soo dhoodhoobayna kuwii ka horeeyay waxba ma dooriso.
Guusha shacabka gobanimadoonkaa iska leh.
ONA.
We should not waste our time on the writings of the spy who scribbles on that website, who imagines he has succeeded in publishing things he describes as secrets he extracted from letters exchanged between the leaders of the front.
First of all, ONLF fighters are well aware of the role Ethiopian intelligence plays in this matter, and that this website is part of the conspiracies being hatched against the people of Ogadenia. They are likewise aware that the enemy, having given up hope of defeating the ONLF on the battlefield, has begun a propaganda war whose aim is clear to ONLF fighters.
We know that over the past two years the enemy focused its efforts on dividing the people into opposing organisations and clans, and failed. We know about the purposeful clashes, which could not be managed, that the Ajo-gudhay group was carrying out internally, and their attempt to create a wing they called ONLF, made up of the same remnants of Itixaad, that fights the ONLF, so that it could be said that a war is going on between two wings of the ONLF. We used to see such writings regularly published on this website. We know about the role of sowing discord that Cabdi Iley foiled for Xaajo when he told the truth that they themselves had killed the late Dr. Doolaal, may God forgive him, and put his body on display. We know of the attempts they continue to this day to divide the people into clans and tribes with differing interests that oppose one another. All such conspiracies that the colonisers were carrying out through Xaajo have failed.
There is now an ongoing project called "Grave Secret" and "so-and-so wrote this," which the enemy copied from the WikiLeaks programme that exposed numerous matters being secretly plotted around the world. Among the matters WikiLeaks revealed was the fear the Woyane have of the struggle of the people of Ogadenia and of the ONLF organisation. WikiLeaks exposed the conspiracies being hatched by what is known as the hidden world (the underworld), which angered the governments whose schemes were foiled, especially the United States, which feared it would no longer be trusted since what used to be whispered in secret had been exposed by its own men.
Imitating the WikiLeaks affair, the treacherous enemy, using Xaajo, has recently begun this project called "Grave Secret," in which they claim, "We have obtained important documents exchanged between ONLF leaders." The people whom they intended to confuse with this matter have the final word, and it does not appear that this will turn out any differently from the projects of the colonisers and Xaajo that have already failed.
It is certain that every attempt by the colonisers to weaken the unity of the people and the smooth progress of the struggle has brought the ONLF success and progress. This spy being used had nothing other than the hostility and hatred he harboured from his earlier attempts, and these lies being fabricated will change nothing about those that came before.
Victory belongs to the freedom-seeking people.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
