Cabdi iley wax kasta halagu sheego laakiin nin uu si sahlan Guuleed Casoowe uga baxsan karo dabinadiisa laguma wado. Waxay dad badan aad ula yaabeen markuu Cabdi iley iska fogeeyay ka dibna uu xabsiga dhigay Guuleed Casoowe oo ahaa ninkii ka soo saaray booskii uu ku soo caan baxay ee ahaa qaraaca iyo dilka islaamaha oo keenay saaxada siyaasadda. Waxyaaba badan oo qarsoon ayaa jira, hasa ahaatee waxaa hubaal ah in mudadii uu la socday Casoowe oo aad u yaqaano Cadi iley uu waxyaaba badan ka ogyahay isla marahaantaana uu malafyo badan meel sii dhigtay maadaama uu ka filayay inuu marun qalaci doono. Sidaa darteed, wuxuu sii urursaday Guuleed Casoowe kayd uu isku badbaadiyo oo markii ay timaado in naftiisa lagu gorgortamo uu miiska soo saaro. Hasa ahaatee waxay dad badan is-weydiinayaan Cabdi iley oo shakigii uu ka qabay Casoowe ay hadda u cadaatay muxuu samayn doonaa.
Shabakadda OgadenToday waxay qortay in wariyaheeda oo booqday xabsiga ay qaar kamid ah maxaabiista iyo booliska ilaaliya xabsigu u sheegeen in uu Guuleed soo jeediyay qorshe gorgortan ah kaas oo uu ku dalbanayo in lasii daayo isagoo taa badalkeediina sheegay inuu xafidayo siro badan oo uu ka hayo madaxda ugu saraysa kililka.
Wuxuu sheegay sida ay qortey OT inuu hay ohayo Guuleed casoowe muuqaalo muujinaya xumaan ay wada samaynayaan qurbajoogtii Ogaadeenya tagtay iyo wasiiro iyo masuuliyiin ka mid ah kililka. Waana hubaal arintaa.
Waxaa kaloo uu sheegtay Guuleed inuu hayo xogo badan oo isugu jira cadaymo maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan dil uu Cabdi Ilay sameeyay iyo video ay iska duubeen madaxda ugu saraysa kililka oo samaynaya falal anshax xumo ah oo ay la samaynayaan dumar Soomaali iyo xabashi ah.
Ma’aha markii ugu horeysay ee Cabdi iley ay soo wajahaan arimahanoo kale. Marka bustooladanoo kale madaxa laga saaro, Cabdi iley wuxuu soo ururiyaa ehelada shaqsigaa gaar ahaan kuwa ugu jilicsan sida waalidiinta, xaasaska iyo qaraabada dhow. Qaar badan ayuu sidaa ku aamusiiyey, hasa ahaatee arintan ka soo yeedhay Guuleed Casoowe waxay naxdin badan ku beertay sida ay sheegtay OT masuuliyiin badan oo kililka ah oo hadda wadnaha farta ku haya kana baqaya inuu sheego ama soo saaro waxyaabo ay isla ogaayeen, iyadoo la sheegayo in aragtida wasiirada kililku ay u badan tahay in lasii daayo marka laga reebo Cabdi iley oo la sheegayo inuu ka hayo sir dambi wayn ku noqon karta.
ONA.
Whatever may be said about Cabdi iley, he is not considered a man from whose traps Guuleed Casoowe could easily escape. Many people were greatly surprised when Cabdi iley distanced himself from and then imprisoned Guuleed Casoowe, the man who took him out of the position in which he had become notorious, namely the beating and killing of Muslims, and brought him into the political arena. Many hidden things exist, but what is certain is that during the period Casoowe, who knows Cadi iley very well, was with him, he came to know a great deal about him, and at the same time he set aside many files, since he expected that he would one day turn on him. Therefore, Guuleed Casoowe gathered for himself a reserve with which to save himself, which he would put on the table when the time came for his life to be bargained over. However, many people are asking what Cabdi iley, whose suspicion of Casoowe has now become clear to him, will do.
The OgadenToday website wrote that its reporter, who visited the prison, was told by some of the prisoners and the police guarding the prison that Guuleed had put forward a negotiation plan in which he demands to be released, stating that in return he would keep the many secrets he holds about the highest leaders of the region.
As OT wrote, he said that Guuleed casoowe holds footage showing misconduct committed together by diaspora members who went to Ogadenia and some ministers and officials of the region. And that matter is certain.
Guuleed also claimed that he holds a great deal of information, consisting of audio and video evidence, about a killing that Cabdi Ilay carried out, and a video that the highest leaders of the region recorded of themselves committing immoral acts with Somali and Habesha women.
This is not the first time Cabdi iley has faced matters like these. When a pistol like this is pointed at his head, Cabdi iley gathers the relatives of that individual, especially the most vulnerable ones such as parents, spouses and close relatives. He has silenced many in this way, but this matter coming from Guuleed Casoowe has, as OT reported, instilled great alarm in many officials of the region, who now have their hearts in their mouths, fearing that he will tell or reveal things they knew together, while it is said that the view of the regional ministers is mostly that he should be released, except for Cabdi iley, who is said to be the one about whom he holds a secret that could amount to a major crime.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
