Cabdiraxmaan Sh Mahdi Hoggaanka HAD oo Socdaal hawleed ku maraya wadanka Australiya ayaa kulan la yeeshay ururka dhalinta OYSU Perth, kulankaas oo kadhacay magalada Perth ee cariga Australia. Kulanka oo ahaa mid aad iyo aad u heersareeya ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururka dhalinyarada iyo ardayda S.Ogadenia (OYSU).
Waxaa Hoggaanka Arrimaha dibada kulankan ku wehelinayay masuliyin kale oo ka tirsan Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya.
Kulanka ayaa lagu furay Aayadaha Quraanaka Kariimka ah, ka dibna xoghayaha ururka OYSU-Perth Axmed Sheekh Aadan ayaa halkaas warbixin kooban kasoo jeediyay kana xogawaramay waxqabadka ururka khaasatan bilihii oogu danbeeyay. Xoghayuhu waxa uu ka hadlay guulaha lataaban karo ee ururka OYSU Perth ku guulaysteen mudadii oogu danbaysay haday noqon lahayd isku xirka bulshada, baraarujinta dhibaatooyinka kajira Ogadenia iyo wiliba sidii laysaga kaashan lahaa caqabadaha horyaala umada S.Ogadeniya.
Hadalo kooban oo xubnaha Ururka OYSU ay kusoo dhaweynayaan Hoggaanka Arrimah dibada kadib iyo xogag laxidhiidha shaqooyinka Ururka OYSU Perth, ayaa waxa lagusoo dhaweyay Hoggaanka Arrimaha Dibada JWXO Dr Cabdiraxmaan Mahdi.
Cabdiraxmaan sheekh Mahdi oo ka ka mid ah asaasayaasha jabhadda ONLF ayaa sidoo kale ahaa Xubinihii asaasay ururkii dhalinyarada ee WSLF shaqooyin badan iyo masuuliyadona kasoo qabtay hawlihii dhalinyarada ee waagaa oo ahaa sidii ay dhulkooda hooyo uga xoreyn lahayen gumeysiga madow. Gudoomiyaha Arimaha Dobadda mudane C/raxmaan ayaa ka soo jeediyay kulanka warbixin dheer oo cilmiyaysan oo ku aadan shaqooyinka laga doonayo inay qabtaan Ururka Dhalinta khaastan kuwa gobanimo doon iyo nidaamyada ay maraan. Wuxuu Hoggaanku aad u amaanay dhalinta OYSU meelkasta oo ay caalamka ka joogaan waxuuna ku amaanay shaqada wanaagsan ee muuqata ay ka fuliyaan qaaradaha Adduunka. Si gooni ah waxa uu uga hadlay sida uu ugu faraxsanyahay dhalinta Perth ee OYSU dhismahooda iyo shaqooyinki ay qabteen ee ay la wadagaan.
Hogaamiyaha oo hadalkiisii sii wata ayaa ku tilmaamay dhalinyaradu in ay tahay madaxdii barito loogana baahanyahay in waxqabadkooda sii laban laabaan asaga oo sheegay in uu aad iyo aad oogu faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay uga hana qaadeen da’yarta S.Ogadenia dhamaanba caalmka dacaladiisa.
Waxa kale oo Hoggaanku xog faahfaahsan kasiiyay halganka Somalida Ogadeniya iyo maanta kaalinta ay dhalinyaradu ku leedahay. Siyaasadaha isbadalay ee caalamka iyo Gumeysiga sii dhacaya tabihiisa gumeysi. waxa kale oo uu xog kasiiyay dhalinta ciidanka JWXO iyo fariimo badan oo ka aadan gudaha Ogadeniya.
Oogu danbayntii, xubnihii madasha fadhiyay ayaa fursad u helay in ay dareenkooda cabiraan isla markaana su’aallo waydiyaan mudane Maadey kuwaas oo kuwajahnaa xaalada guud ee kajirta Ogadenia.
Hogaanka Dibada ee JWXO Dr Cabdiraxmaan (Maaday) ayaa safaro ku maraya wadanka Australiya halkaas oo uu wareeg dheer oo jaaliyadaha Somalida Ogadeniya uu kula kulmi doono gobolada Pacific.
Wixii kalee kasoo kordha safarka Dr Maadeey kala soco shabakada Ogaden News Agency (ONA)
ONA Perth.
The meeting was opened with verses of the Holy Quran, after which the secretary of OYSU-Perth, Axmed Sheekh Aadan, presented a brief report there and spoke about the organisation's activities, especially in recent months. The secretary spoke about the tangible successes that OYSU Perth has achieved in the recent period, whether in connecting the community, raising awareness of the problems in Ogadenia, or how to cooperate in overcoming the challenges facing the Somali people of Ogadenia.
Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi, who is one of the founders of the ONLF, was also one of the founding members of the WSLF youth organisation and carried out much work and many responsibilities in the youth activities of that era, which were about how they would liberate their motherland from black colonialism. The Chairman of Foreign Affairs, Mr C/raxmaan, delivered a long and scholarly report at the meeting on the work that youth organisations are expected to do, especially those seeking freedom, and the systems they go through. The leader greatly praised the OYSU youth wherever they are in the world and commended them for the good and visible work they carry out across the continents of the world. In particular, he spoke about how pleased he is with the Perth youth of OYSU, their organisation and the work they have done and shared.
The ONLF Head of Foreign Affairs, Dr Cabdiraxmaan (Maaday), is travelling through Australia, where he will make a long tour meeting the Somali Ogadenia communities in the Pacific regions.
Follow any further developments on Dr Maadeey's trip on the Ogaden News Agency (ONA) website.
ONA Perth.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

