Su’aashan dad badan oo Somali ah, gaar ahaan siyaasiyiinta ayaa waxay ugu muuqataa inay la mid tahay inagoo isweydiina –Dayaxa ma u duulin karnaa saaruukh- laakiinse anigoo waliba xog-ogaal waramaya waxaan u arkaa inay tahay su’aal la’isweydiin karo oo waliba ay ku jirto badbaadadii Somaliya maanta in su’aashaa la’is weydiiyo.
Dadka aqoonta u leh culuumta meletariga waxay yidhaahdaan; Difaaca ugu wanaagsan waa adigoo weerara cadawgaaga (The best defense is a good offense). Taasoo loola jeedo, intuusan cadawgaaga ku mashquulinin adiga mashquuli.
Hadaan hoos ugu daadago dulucda qoraalka anigoo horeyba u sii sheegay inay jiritaanka Somalida ku jirto in lala dagaalamo oo la’iska celiyo Itobiya, waxaa laga yaabaa dadka qaarkii inay u fahmaan neceybka aan u qabo Itobiya (maadaama aan ahay Somalida Ogadenya) inaan ku salaynayo ra’yigayga oo aan jeclaan lahaa in aan cadawgayga u helo saaxiib Somaliyeed.
Waxay dadka qaba ra’yigaa ku gar heli lahaayeen hadaanay Itoobiya dagaal kula jirin Somalida kale oo colaada Itobiya ay ku ektahay Ogadenya/Somaligalbeed. Marbase haddii ay iskusi ula dagaalamayso jinsiga Somaliga ah oo damaceedii ahaa inay sii gumaysato Somalida Ogadenya ay soo dhaaftay maanta, haddana ayba hororsanayso Xamar iyo Hargaysa waxaan u malaynayaa qofka igula dooda xujadaas inay u gaynayso un fulaynimo ama daba-dhilifnimo ama diin yaraan.
Dagaalka markii muslimiinta la farayay wuxuu Ilaahay ku tilmaamay inuu yahay wax la kohsado (necbaado) hasa ahaatee ay u tahay khayr iyo wanaag, sababtoo ah marka lagugu kalifo dagaal eed ku baxsan weydo nabad jeceylkaagii, hadaad la dagaalami weydo cadawga, waxaad bixinaysaa oo lagaa qaadanayaa wax kastoo qaali ka ahaa agtaada oy diinta ugu horeyso.
Itobiya uguma horeyso maanta inay damacdo ciidda Somaliya. Wuxuu ahaa boqor Minilik ninkii kula dooday dawladaha Yurub markay weydiiyeen inuu u sheego xadka Boqortooyada Abyssinia ee yidhi; .. Dhanka Bariga xadka Imbaraadooriyadda Itobiya waa badweynta Hindiya (Indian Ocean). Markii lagu yidhi dalka aad sheeganayso waxaan ugu tagnay oo kali ah dad Somali ah, jawaabtii uu siiyay waxay noqotay “..waa qabiilo Itobiyaan ah oo xoolaha noo raaca.”
Laga bilaabo waagaa ilaa maanta isma badalin damacii Itoobiya ee ahaa inuu xadkeedu noqdo Indian Ocean-ka. Nin ka mid ah ardaydii dhigan jirtay dugsiyada Qalafe (Missionary school) ayaa wuxuu iiga sheekeeyay waagii uu booqashada ku yimid magaalada Qalaafe boqorkii Itobiya ee Xayle Salaase in ardayda la xafidsiiyay inay ku soo dhaweeyaan hees af amxaari ah oy ku jirto ” Goor ay noqotaba calanka Itobiya Xamar waa laga taagi”.
Waxaa hubaal ah in dhiigyacabka hadda ka taliya Itobiya Meles Zinawi uu dabasocday raadkaa markuu calankiisa ka sudhay madaxtooyadii Somaliya ee Xamar. Hadaanay reer Muqdisho ka dagaalamin oo kumanaanka wiil aan loo hurinna waligeed kama aanay baxdeen Itobiya Muqdisho. Isu sheegi mayno inay dad Somali ah oo siyaasiyiin ah ku soo garqaadeen Itoobiya qabsashadii Xamar. Sababtoo ah gumaysi oo idil waxaa la socda qaar ka mid ah dadka la gumaysanayo.
Qorshaha u dajisan Itobiya ee aanay waligeed ka tanaasulaynin ilaa ay aragto umad iska difaacada waa siday mar kale ugu soo noqon lahayd Xamar iyadoo laga yaabo marka labaadee ay soo galayso in lagu soo dhaweeyo caleemo qoyan oo raali laga yahay, ka dib marka laga waayo Somaliya qof jecel oo u heelan inuu difaaco dalka iyo diinta.
Arimahaasoo idil markaad isu wada gayso waxaa kuu soo baxaysa qaacidadii ahayd (“?? ?? ??? ?????? ??? ?? ??? ????) waxaan ku hureynin lagama leexleexdo.
Shacabka Somaliyeed waxaa lagu midayn karaa oo kali ah in la tuso cadawgooda dhabta ah inuusan ahayn qabiilka la dariska ama deegaanka ay wadaagaan. Colaada sokeeyaha waxaa lagaga bixi karaa un in si dhab ah loo arko cadawga ka faa’idaysanaya burburka Somaliya ee sugaya inuu ugu dambaynta mayd garaaco inta soo hadha. Qorshaha Itobiya waa inuusan damin dabka ka shidan Somaliya oo sida xaabada la’isgu ururiyo marka uu dabka sii damayoba ay kolba koox horleh u soo hubayso.
Itoobiya ma hayso awood ay maanta kula dagaalanto Somali oo u midaysan difaaca dalkooda iyo diintooda. Waxay kula dagaalamayso waa isku dirkooda iyo adeegsiga siyaasigii aan horey u soo tilmaanay ee u noolaa un calooshiisa.
Somaliya lagama dhisi karo 5-8 dawladood oo madax banaan oo midwalba goonideeda loo aqoonsado. Lagamana unki karo khilaafadii islaamka ee burburtay. Maanta waxay taagan tahay in la badbaadiyo jiritaanka qaranimadii Somaliyeed si bal haybadii ay umaddan lahayd loo soo celiyo. Taasina waxay ku iman kartaa oo kali ah in la arko oo la gooyo gacanta shiheeye ee dhex mulaaqaya.
Xigasho – Somalistar iyo Somalimidnimo.
To many Somalis, especially politicians, this question seems like asking ourselves, "Can we fly to the moon in a rocket?" But speaking as someone well informed, I see it as a question that can be asked, and indeed one whose asking today bears on the very survival of Somalia.
People with knowledge of military science say: the best defence is attacking your enemy (The best defense is a good offense). What is meant is: keep your enemy busy before he keeps you busy.
As I go deeper into the substance of this piece, having already stated that the existence of the Somalis depends on fighting and repelling Ethiopia, some people may take it that I am basing my opinion on my hatred of Ethiopia (since I am a Somali of Ogadenia) and that I would like to find a Somali ally against my enemy.
Those who hold that view would be right if Ethiopia were not at war with the other Somalis and its hostility were limited to Ogadenia/Western Somalia. But since it is fighting the Somali people as a whole, and its ambition has gone beyond continuing to colonise the Somalis of Ogadenia and it is now even threatening Xamar and Hargaysa, I think that whoever argues that case with me is driven only by cowardice, servility or weak faith.
When Muslims were commanded to fight, God described it as something disliked (hated) yet which is good and beneficial for them, because when war is forced upon you and your love of peace finds no way out, if you fail to fight the enemy you will give up, and have taken from you, everything dear to you, foremost among them your religion.
Today is not the first time Ethiopia has coveted Somali soil. It was King Minilik who, when the European powers asked him to state the borders of the Abyssinian Kingdom, argued with them, saying: ".. To the east, the border of the Ethiopian Empire is the Indian Ocean (Indian Ocean)." When he was told that in the land he was claiming they had found only Somali people, his reply was: "..they are Ethiopian tribes who herd our livestock."
From that time until today, Ethiopia's ambition for its border to be the Indian Ocean has not changed. A man who was one of the students at the schools of Qalafe (Missionary school) told me that when the Ethiopian emperor Xayle Salaase came to visit the town of Qalaafe, the students were made to memorise an Amharic song to welcome him that contained the words "Whenever it may be, the Ethiopian flag will be raised over Xamar".
It is certain that the bloodsucker now ruling Ethiopia, Meles Zinawi, was following in those footsteps when he hung his flag on the Somali presidential palace in Xamar. Had the people of Mogadishu not fought and sacrificed thousands of young men, Ethiopia would never have left Mogadishu. We will not hide from one another that Somali people, politicians, helped Ethiopia capture Xamar. This is because every colonisation is accompanied by some of the people being colonised.
Ethiopia's set plan, which it will never abandon until it sees a nation able to defend itself, is how to return once more to Xamar, perhaps entering the second time welcomed with fresh leaves and approval, after there is no one left in Somalia who loves and is devoted to defending the country and the religion.
When you put all these matters together, you arrive at the formula (“?? ?? ??? ?????? ??? ?? ??? ????) that which you do not sacrifice for cannot be swerved from.
The Somali public can be united only by showing them that their real enemy is not the neighbouring clan or the one they share territory with. The civil conflict can be ended only by truly seeing the enemy that is exploiting the collapse of Somalia and waiting to finally deliver the death blow to what remains. Ethiopia's plan is that the fire burning in Somalia must not go out, and that, like gathering firewood, whenever the fire is dying down it arms a new group each time.
Ethiopia does not have the power today to fight Somalis united in defending their country and their religion. What it fights them with is setting them against one another and using the politician we described earlier, who lives only for his belly.
Somalia cannot be built out of 5-8 independent states, each recognised separately. Nor can the collapsed Islamic caliphate be revived from it. What stands today is the need to save the existence of Somali nationhood so that the dignity this nation once had can be restored. And that can come only by seeing and cutting off the hand of the instigator that is stirring things up among us.
Source - Somalistar and Somalimidnimo.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
