
27 sano oo uu xabsi ku jirey kaddib, ayaa Mandela loo doortay inuu noqdo madaxweynihii u horeeyey dalka K/Afrika ee si xor ah loo soo doorto. Xukuumadii uu soo dhisay ayaa noqotay tii ugu horeysey ee kadhigta K/Afrika meel ay u simanyihiin ama isku xaq yihiin dadka kala midabka ah ee u dhashay dalkaas. Kumana uusan dhaqaaqin wax aargoosi ahoo uu u geystey xubnihii ka tirsanaa xukuumadii xabsiga ku haysey 27ka sano.
Dhaq-dhaqaaqii Mandela iyo xabsigii lagu riday
18kii July 1918 ayuu Nelson Rolihlahla Mandela ku dhashay meesha lagu magcaabo Qunu, oo u dhow tuulada Umtata/Transkei. Abihiiis, Henry Mgadla Mandela, wuxuu ahaa hoggaamiyaha degaanka Thembuland [chief councillor]. Markuu dhintayna waxaa derejadaas loo caleemasaaray Mandela. Waqtigaas Mandela wuxuu ku hamiyay in uu noqdo qareen [Layer].
Mandela waxaa laqoray Healdton Methodist Boarding School, kadibna wuxuu shahaadada BA degree ka bilaabay Fort Hare. Waqtigaas [1940] oo uu katirsanaa ururka SRC wuxuu ka qaybgalay mudaharaad ardaydu dhigeen, sababteeda ayaana looga eryey waxbarashadii. Dadkii waqtigaas lala cayriyey waxaa kamid ahaa Oliver Tambo. Kadib wuxuu Mandela waxbarashadii ku dhamaystirtay qaabka loo yaqaan “correspondence” ee Johannesburg, wuxuu isu diiwan geliyey LLB ee jaamacada lagu magcaabo “University of the Witwatersrand”.
1944 Mandela waxa uu ka qayb qaatay asaaskii ururka dhallinyarada ee ANC ee lagu magcaabo ANC Youth League. Ururkaas oo markii dambe qaab-siyaadkiisa ay ANC dijisey sannadkii 1949.
1952 waxaa Mandela loo doortay hoggaamiyaha Ololihii lamagac,baxay “Ololihii Kumadax adayga” ee lagaga soo horjeedey kala faquuqa dadka xagga sharciga. Wuxuuna waqtigaas u safray meelo kala duwan oo K/Afrika ah suu u abaabulo ololahaas. Waxaa lagu xakumay in la joojiyo ololahaas, waxyar ka dibna waaba la mamnuucay, waxaana Mandela lagu ganaaxay in uusan ka bix ikarin Johannesburg. Waqtigaas wuxuu Mandela abuubuley “Qorshihii la magac baxay [M – Plan], kaasoo faracyadii ANC-da loo kala jejebiyey unugyo qorsoodi ah oo si qarsoodi ah u hawlgala.
Isla sannadkii 1952 ayaa Mandela iyo Tambo waxay K/Afrika ka fureen xarun sharciga oo ahayd tii ugu horeysey ee wadanka ay yeeshaan dadka madow. Waqtigaas Mandela wuxuu ahaa madaxweyne ku-xigeenka ANC oo heer qaran ah iyo madaxweynaha Transvaal ee isla ururkaas ANC.
Codsi wadajira oo ay qoreen ama saxiixeen qaybta qareenada ee loo yaqaanay “Transvaal Law Society” oo ahaa in habka qareenimda laga xayuubiyo Mandela ayaa waxaa diidey maxkamada sare K/Afrika [Supreme Court].
Sannadihii 50-maadkii qaybtiisii dambe waxaa Mandela lagusoo oogey dacwad ah “Khiyaamo Qaran”. Isaga ayaana ahaa waqtigaas qareenka is-difaacaya.
1960kii ayaa ANC la mamnuucay kaddib xasuuqii Sharpeville. Waxaana Mandela la xiray 1961 kadib markii uu dhuumaalaysi galay suu u abuulo shirweyne qaran. Isla sannadkaas waxaa asaasmay ururka “Umkhonto we Sizwe (MK)” oo ah garabka ciidan ee ANC. Waxay bilaabeen curyaamin hawlaha dawlada iyo dhaqaalaha ah taasoo uu, Mandela hogaamiye ka ahaa.
1962 ayuu Mandela u ambabaxay dalka Algeria si uu u soo qaato tababar xagga Milleteriga ah iyo inuu soo agaasimo tababar ay qaataan xubnaha kalee MK. Markii uu dalka kusoo laabtay ayaa la xidhay iyadoo lagu soo eedeeyey in uu wadanka si sharci darro ah uga baxay iyo in uu dhiirigeliyey mudaharaad, taasoo isagu isu noqday qareenka is-difaacaya. Waxaana bishii November 1962 lagu xukumay shansano oo xadhig ah. Intii uu xabsiga ku jirey ayaa lagu soo oogey xukunkii lamagac baxay “Rivonia trial” kaas oo lagusoo eedeeyey curyaamin ama kharibaad qaran, waxaana lagu xukumay xabsi daa’im ama madaxaagu ha-ku-furto.
Mandela waxaa lagu xidhay xabsiga aadka loo ilaaliyo ee ku yaal jasiirada yar ee Robben, xabsigaa oo loo yaqaan “Robben Island Prison”. Waa jasiirad yar oo 7Km gudaha ugu jirta badda u dhow magaalada Cape Town. Bishii April 1984 waxaa Mandela loo bedeley xabsiga loo yaqaan “Pollsmoor Prison” oo ku yaal Cape Town. Bishii December 1988 ayaa loo wareejiyey xabsiga “Victor Verster Prison” oo u dhow Paarl taas oo ahayd meeshii uu ugu dambayntii kagasoo baxay xabsiga.
27kaa sano ee uu xidhnaa, Mandela, wuxuu xabsiga u noqday goob waxbarasho taasoo uu isagu abaabuli jirey in ay maxaabiistu waxbartaan, lamana soo sheegin in uu marna ka tanaasuley mowqifkiisii iyada oo xataa loo soo bandhigay in la cafin doono.
Sanadihii toddobaatanaadkii wuxuu diidey aqbalaada Transkei, sanadihii 80maadkiina wuxuu diidey soo jeedintii PW Botha ee ahayd in xoriyad la siinayo hadii uu joojiyo “rabshadaha” .
Qaybta 2aad ayaan kaga bogan doonaa sii dayntii Mandela iyo wixii ka dambeeyay.
Omar jigjiga ONA/SA
After 27 years in prison, Mandela was elected to become the first freely elected president of South Africa. The government he formed was the first to make South Africa a place where people of different colours born in that country are equal or have equal rights. And he did not take any revenge against members of the government that had held him in prison for the 27 years.
Mandela's Activism and His Imprisonment
Nelson Rolihlahla Mandela was born on 18 July 1918 in a place called Qunu, near the village of Umtata/Transkei. His father, Henry Mgadla Mandela, was the leader of the Thembuland area [chief councillor]. When he died, Mandela was crowned with that rank. At that time Mandela aspired to become a lawyer [Layer].
Mandela attended Healdton Methodist Boarding School, and then began a BA degree at Fort Hare. At that time [1940], while he was a member of the SRC organisation, he took part in a demonstration held by students, and because of it he was expelled from his studies. Among those expelled with him at that time was Oliver Tambo. Afterwards Mandela completed his studies through the method known as "correspondence" in Johannesburg, and he enrolled for an LLB at the university called the "University of the Witwatersrand".
In 1944 Mandela took part in founding the ANC youth organisation called the ANC Youth League. That organisation's policy was later adopted by the ANC in 1949.
In 1952 Mandela was elected leader of the campaign named "the Defiance Campaign", which opposed legal discrimination between people. At that time he travelled to various places in South Africa to organise that campaign. It was ruled that the campaign be stopped, and shortly afterwards it was banned outright, and Mandela was restricted from being able to leave Johannesburg. At that time Mandela organised "the plan named [M - Plan]", in which the branches of the ANC were broken up into secret cells that operated secretly.
In the same year, 1952, Mandela and Tambo opened a law office in South Africa, which was the first in the country owned by black people. At that time Mandela was the national deputy president of the ANC and the Transvaal president of the same organisation, the ANC.
A joint petition written or signed by the section of lawyers known as the "Transvaal Law Society", which sought to strip Mandela of his right to practise as a lawyer, was rejected by the South African high court [Supreme Court].
In the latter part of the 1950s, Mandela was charged with "High Treason". He was at that time the lawyer defending himself.
In 1960 the ANC was banned after the Sharpeville massacre. Mandela was arrested in 1961 after he went into hiding to organise a national convention. In the same year the organisation "Umkhonto we Sizwe (MK)", the armed wing of the ANC, was founded. They began sabotaging government and economic operations, of which Mandela was the leader.
In 1962 Mandela travelled to Algeria to receive military training and to arrange training for other MK members. When he returned to the country he was arrested and accused of leaving the country illegally and of inciting demonstrations, in which he again became the lawyer defending himself. In November 1962 he was sentenced to five years in prison. While he was in prison he was charged in the trial named the "Rivonia trial", in which he was accused of national sabotage or destruction, and he was sentenced to life imprisonment, or "until your head is released".
Mandela was imprisoned in the maximum-security prison on the small island of Robben, a prison known as "Robben Island Prison". It is a small island lying 7km out in the sea near the city of Cape Town. In April 1984 Mandela was transferred to the prison known as "Pollsmoor Prison" in Cape Town. In December 1988 he was moved to "Victor Verster Prison" near Paarl, which was the place from which he was finally released from prison.
During the 27 years he was imprisoned, Mandela made the prison a place of learning, where he himself used to organise education for the prisoners, and it was never reported that he once gave up his position, even when he was offered a pardon.
In the 1970s he refused to accept Transkei, and in the 1980s he rejected PW Botha's proposal that he would be given freedom if he stopped the "violence".
In Part 2 we will cover Mandela's release and what followed.
Omar jigjiga ONA/SAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
