Sweden – Gumaysiga oo bilaabay qorshe raad-gadasho ah oo la doonayo inay fulinayaan kooxihii is-dhiibay oo marna loo soo xidhayo shaati diineed marka kalena shaati ah waa ONLF oo shireysa ayaa meela kala duwan lagu fashilyay. Waa fadeexadii labaad ee ku qabsata gumaysiga dalka Sweden halkaasoo ay doonayeen inay ku qabtaan waxay ugu yeedhaan shir lagu maaweeliyo gumaysi kalkaalka oo lagu niyad jabiyo shacabka halgamaya ee gudaha.
Waxaa ka horeeyay isku day kale oo 14kii isla bishan May ay koox sidanoo kale loo soo abaabulay damceen inay shirkan oo kale ah ku qabtaan Koonfur Afrika magaalada Johannesburg. Kooxdii halkaa isugu timid ayay dhalinyaro cadhaysan oon maqli karin magaca la yidhaahdo Somalida Itobiya isku xeereen goobtii ay fadhiyeen halkaasoo uu ka dhacay gacan ka hadal ku dambeeyay inay ka cararaan raashinkii ay safaaradda gumaysiga u soo dhigtay goobta. Wariyahii wakaaladda oo joogay ayaa warbixintii uu nooga soo qoray waxaa ka mid ahaa; ” .. maqaayada lagu cunteeyo ayey isugu tageen ayagoo ah 11 daba-dhilif, nasiibdaro way haleeli waayeen inay xataa cuntadii cunaan. Mid ba meel ayuu ka dhacay, waxaan bada baadiyeye police ka wadanka.” Shirkaa la doonayay in lagu qabto Johannesburg oo ku magacawnaa ONLF-tii xarootay ayaa waxaa loo soo wakiishay inay abaabulaan daba-dhilifyada kala ah Fu’aad Xidh-kayoome oo ka tagay Ingriiska iyo Cabdulaahi qamaam oo ka tagay mareykanka.
Shirkan ay isku dayeen inay ku qabsadaan magaalada Borlange ayaa isaguna ku dhamaaday fashilaad fool xun sida ay qortey shabakadda OgadenToday oo tidhi;
OT – Shir la isku dayay in lagu qabto magaalada Borlange ee wadanka Sweden ayaa ku dhamaaday fashil kadib markii ay shirkaas hor istaageen ururka OYSU iyo Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee wadanka Sweden.
Shirkan oo ujeedadu ahayd in la isugu yeedho dad kasoo jeeda Jamhuuriyada Soomaaliya iyo kuwa u dhashay Ogaadeenya ayaa waxaa sidoo kale la qorsheeyay in uu kasoo qaybgalo safiirka dawlada Ethiopia u fadhiya wadanka Sweden.
Qabanqaabiyayaasha shirkan ayaa ahaa Cabdiqaadir Cagmadhige iyo Faarax Cabdisamad oo isku dayayay inay halkaas ka yidhaahdaan hadalo lagu raali galinayo dawada Ethiopia oo ay ugu talagaleen inay dadka kaga dhaadhiciyaan in wadanku nabad yahay Ethiopiana ayna dadka laynin.
Isku daygan nabada lagaga sheekayn rabay ayaa kusoo hagaagay dhawr maalmood kadib xasuuq lagu dilay in kabadan 100 qof oo shacab ah oo ay ciidamda Ethiopia ku dileen wadanka Ogaadeenya.
Wariyaha Ogadentoday ugasoo warama wadanka Sweden ayaa xaqiijiyay in shirkaasi uusan dhicin kadib markii ay goobta tageen dhalinyar ka tirsan ururka OYSU iyo xubno jaaliyada kamid ah oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Jaaaliyada Ogaadeenya ee wadanka Sweden mudane Cabdinaasir Gadhwayne.
Shirkan oo ay warbaahinta u hadasha dawlada Ethiopia ku sheegeen in ay kasoo qayb galeen ilaa 500 oo qof ayaa waxaa sidii wax u dhaceen soo bandhigay ururka OYSU-Sweden oo ku baahiyay video ay ka duubeen shirkaas fashilmay bartooda ay ku leeyihiin facebook-ga.
ONA.
Sweden - The colonizer has launched a diversionary plan to be carried out by groups that surrendered, which are dressed at one time in a religious shirt and at another time in the shirt of "ONLF holding a meeting". The plan has been foiled in various places. This is the second scandal to befall the colonizer in Sweden, where they wanted to hold what they call a meeting, one meant to entertain the colonizer's collaborators and to demoralize the struggling people inside the country.
It was preceded by another attempt on the 14th of this same month of May, when a group organized in the same way tried to hold a similar meeting in Johannesburg, South Africa. Angry youths who cannot bear to hear the name "Somalis of Ethiopia" surrounded the venue where the group had gathered. A scuffle broke out there, which ended with the group fleeing from the food that the colonizer's embassy had laid on at the venue. The agency's reporter who was present wrote in his report to us, among other things: " .. they gathered at the restaurant where they were being fed, 11 lackeys in all; unfortunately, they were unable even to eat the food. Each one fled in a different direction, waxaan bada baadiyeye police ka wadanka." The meeting that was to be held in Johannesburg in the name of the defunct ONLF had been entrusted to the lackeys Fu'aad Xidh-kayoome, who came from England, and Cabdulaahi qamaam, who came from America, to organize.
The meeting they attempted to hold in the city of Borlange also ended in an ugly failure, as reported by the OgadenToday website, which said:
OT - A meeting that was attempted in the city of Borlange in Sweden ended in failure after the OYSU and the Ogadenia Somali Community in Sweden blocked it.
The meeting, whose purpose was to bring together people from the Republic of Somalia and people born in Ogadenia, had also been planned to be attended by the Ethiopian government's ambassador to Sweden.
The organizers of the meeting were Cabdiqaadir Cagmadhige and Faarax Cabdisamad, who were trying to make statements there to please the Ethiopian government, intending to convince people that the country is at peace and that Ethiopia is not killing people.
This attempt to talk about peace came a few days after a massacre in which more than 100 civilians were killed by Ethiopian troops in the country of Ogadenia.
OgadenToday's reporter in Sweden confirmed that the meeting did not take place after youths from the OYSU and members of the community, led by the Chairman of the Ogadenia Community in Sweden, Mr Cabdinaasir Gadhwayne, went to the venue.
The meeting, which the Ethiopian government's mouthpiece media claimed was attended by up to 500 people, was shown as it actually happened by OYSU-Sweden, which posted a video it recorded of the failed meeting on its Facebook page.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
