
Ururka UNPO waxa uu jira hadda 20 sanno waxaana la asaasay sanadkii 11/February/1991. Waxaana lagu asaasay Magalada Hague ee Wadanka Holland. Mudadii uu ururkaan jiray waxa uu suurto galiyay in qowmiyadaha aan codka laheyn ee san heysan dowlad matasha inay cod u noqdaan waxana ururkan uu noqday Haayad lamid ah Qaramada Midobay oo kale. Ururkan waxa uu qowmiyadahaas uu codka u yahay uu gaadhsiya cabashadooda fagarayaasha caalamka, sida Kulamada EU iyo UN-ta.
Somalida Ogadeniya waxa u matala UNPO oo xubin buuxa ka ah Ururka ONLF ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya oo ku biiray 6 February 2010. Taas oo ka dhigaysa In Ogadeniya ay ku jirto 2 Sanno oo kamil ah Marka ururkan 20 Sano gaadho daddisu. Mudadaas kooban Ururkan UNPO maxuu ku soo kordhiyay qadiyada Ogadeniya ee lagu baadi goobayo Xoriyada Iyo aaya ka tashiga somalida Ogadneiya.
Laba Sanno waa muddo aad u yar, Balse waxa xasuus mudan In UNPO ay qabteen ama kaalin libaax leh ka qaateen Shirar heerkoodu aad u sareeyo oo qadiyada Ogadeniya ay ku shaacinayaaan waxaana xasuus mudan kulankii loogu magacdaray:
Hearing on Human Rights in Ogaden, European Parliament, Brussel.
Shirkaas oo baarlamaanka Europe ay ku qiimeynayeen xaalada xuquuql insaan ee Ogadeniya Canbaareyna loogusoo jeediyay taliska Gumeysiga ah ee Ethiopia bishii March 2010. Waxa kale oo isna isla sanadkaas ay soo qaban qaabiyeen shirkale oo ka dhacay Guriga Baarlamaanka Europe December 2010 oo ay UNPO soo qaban qaabisay kaas oo lagu magacabay.
Ethiopia’s Stalled Democracy: A Spotlight on the Ogaden
Sido kale sanadki tagay ee 2011 waxa ay kaalmo heersare ah oo isugu jira shirar lagu qabtay Guriga Baarlamanaka Europe iyo Goobo kale oo UNPO isugu timidba ay qadiyada ogadeniya kaga qeyb qaateen shaacintooda. waxana kaso qaadan karna kulanki weynaa ee

Event At United Nations: Oppression In Ethiopia’s Ogaden Region
Kulamada Joogtada ah ee UNPO ay qadiyada Ogadeniya u qabatay waxaa barbar socday inay wararka muhiimka ah ee ku saabsan qadiyada Ogadeniyana ay gudbiso oo gaadhsiiso hayadaha caalamiga ah iyo kuwo dawliga ah ee wax kaqaban kara. Waxayna wararka Ogadeniya ee ay soo saarto Jabhadu gaadhsiin jireen meelo muhiim u ah qadiyada shacabka Somalida Ogadeniya.
Haddaba Ururkan UNPO oo sharciyadiisa uu ku dhisanyahay ay kamid tahay inay u doodaan shucuubta laga awooda badan yahay ee u halgamaya xoriyadooda sidii ay ku heli lahayeen aayo ka tashigooda ayaa waxa soo baxaysa in ururkan uu qadiyada Ogadeniya uu u qaatay si xooggan ahmiyad balaadhana uu siinayo.

warbixintii xuska sanad guurada 20aad ee ururka UNPO ugu dabbaal dagayay ayaa waxa ay kusoo saareen bogga hore sawir weyn oo ku sawiranyahay nin somalida Ogadeniya ah oo ku tukanaya Masaajid ku yaala dhulka Somalida Ogadeniya. Arrinkaas ayaa waxa ay tilmaam u tahay Ururkan sida uu daacada uga yahay innu taagero qadiyada Somalida Ogadeniya oo ah mid wayaadan danbe xiiso badan ay siiyaan beesha caalamku.
ONA.
The organisation UNPO has now existed for 20 years; it was founded on 11 February 1991. It was founded in the city of The Hague in the Netherlands. During the time this organisation has existed, it has made it possible for voiceless nations that do not have a state representing them to gain a voice, and the organisation has become a body similar to the United Nations. This organisation serves as the voice of those nations and conveys their grievances to international forums, such as EU and UN meetings.
The Somalis of Ogadenia are represented in UNPO by the ONLF, the Ogaden National Liberation Front, which is a full member of the organisation and joined on 6 February 2010. This means that Ogadenia will have been in it for 2 full years when this organisation reaches 20 years. In that short period, what has UNPO contributed to the cause of Ogadenia, which seeks the freedom and self-determination of the Somalis of Ogadenia?
Two years is a very short period, but it is worth remembering that UNPO held, or played a leading role in, very high-level conferences at which the cause of Ogadenia was publicised, and worth remembering is the meeting named:
Hearing on Human Rights in Ogaden, European Parliament, Brussel.
That conference, at which the European Parliament assessed the human rights situation in Ogadenia and condemnation was directed at the colonial regime of Ethiopia, took place in March 2010. In the same year they also organised another conference held at the European Parliament building in December 2010, which was organised by UNPO and was named: See hereEthiopia's Stalled Democracy: A Spotlight on the Ogaden
Likewise, last year, 2011, they provided high-level support, including conferences held at the European Parliament building and other venues where UNPO convened, through which they took part in publicising the cause of Ogadenia. Among these we can mention the major meeting
Event At United Nations: Oppression In Ethiopia's Ogaden Region
Alongside the regular meetings that UNPO has held for the cause of Ogadenia, it has also transmitted important news about the cause of Ogadenia and delivered it to international and governmental bodies that are able to take action. And they used to deliver the Ogadenia news issued by the Front to places that matter to the cause of the Somali people of Ogadenia. Now, this organisation UNPO, whose statutes include advocating for overpowered peoples who are struggling for their freedom so that they may attain their self-determination, appears to have taken up the cause of Ogadenia strongly and to be giving it wide importance.
In the report commemorating the 20th anniversary that the organisation UNPO was celebrating, they published on the front page a large photograph showing a Somali man from Ogadenia praying at a mosque located in the land of the Somalis of Ogadenia. This is an indication of how sincere this organisation is in supporting the cause of the Somalis of Ogadenia, a cause to which the international community has in recent times been giving great interest.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

