Ururka OYSU laanta gobolka Eastn Cape ayaa 10.5.2011 shir balaadhan uga furmay xafiiska magalada Pe xafada Kostn. Shirka ayaa waxaa furmay abaarihii 7.30 salada duhur xoghayiihi ururka Maxamad yare. Ka dib waxaana sidii caadada aheyd lagu soo dhaweyey sheekh Xuseen haybe oo wacadi diini ah qiimo badana ka soo jeediyeye goobta. Sheekha ayaa ku talimaamay dagalka ka socoda Ogadenia inuu yahay mid xaq ah u dhexeeya shacab la gumaysto oo xaq u dirir ah oo muslimiin ah iyo gumaysato, sidaa darteed ay waajib ku tahy ruux walboo muslim ah inuu ka qeyb qaato halgankaa.
Waxaa lagu soo dhaweeyay ka dib halgame Cumar Mahamud oo ka hadlay waxa qabadka ururka iyo xaaladaha ka aloosan caaalmka gaar Koonfur Afrika. Waxaa intaa ka dib lagu soo dhaweyey hogaanka arimaha bulshada ee jaaliyada JOKA mudane Xassan Cabdi ow-Nur (Xassan qubi) oo shirka lagu marti qaaday. Wuxuu u soo jeediyey xubnihii fadhiyay shirka khudbad dheer oo qiro leh oo taabaneysa dhinacyo badan. Waxaa hadaladiisi ka mid ahaa; nin ayaa geesinimo lagu amaani jiray. Wiil uu adeer u yahay ayaa ku yidhi; adeer raga maxaada dheertahy oo laguu dhahaa waa geesi? Wuxuu ku yidhi; adeer farteyda qaniin ana taada ii dhiib. Wiilkii ayaa qaniinay, isagoo fartiisiina uu u dhiibay inuu qaniino adeerkii. Midwalba tagtii. Wax yar kadib ayuu wiilkii cabaaday. Wuxuu yidhi ninkii; adeer geesinimada laguu sheegi waa intaa un. Inaad adkeysato daqiiqado. Sidaa darteed ayuu yidhi Xassan qubi; waa in la adkeysto, si cadawgu u hor cabaado.
Hadaladaa ka dib; waaxaa lagalay doorashadi iyadoo gudidii farsamadu ay soo dhigeen Cabdi naasir Aweys, mana jirin wax la soo garb dhigay dhamaana waa lagu qanacay isagoo helya codkii 100%.
Intaa kadib waxaa lagu soo dhaweyey Ardo koos oo ah gabadh abwaanad reer Ogadenya ah. Waxay ka hadashay Ardo in loo bahan yahay in la muujiyo dadaal dheer iyo isku xidhnaan. Waxay ka hadashay Ardo dhibaatada lagu hayo shacabka gaar ahaan haweenka Ogadenya.
Shirka oo marba marka ka dabaysa aad loo sii xiisonayey ayaa waxaa hees cusub oo qiiro leh ku soo ban dhigay abwaan Cabdirahamaan Siciid oo uu la jiibinayey Maxamed Cabdi Cilmi. Midhah heesta ayaa waxaa ka mid ahaa;
Dhalintii Dalkeygoow – Hadaad Maanta Dhoofteen – War Miyaydun Dhimateen.
Heesta oo ahayd mid aad u qiimi badan dib ayaan idinka daawadsiin doona hadii Alle idmo. Waxaa kadib khudbad koban soo jeediyey xooghayihii cusbaa halgame Cabdi naasir Aways oo ka codsaday xubnaha inay iskaashi iyo wadashaqayn yeeshaan.
Ka dib waxaa la falanqeeyay hawlaha u yaala dhalinyarada OYSU ee Koonfur Afrika iyo qorshaha hawlaha mudan in la qabto. Markii la eegay dhibaatada uu gumaysiga ku hayo shacabka wuxuu ururka OYSU ee Koonfur Afrika Canbarayn laxaadle dhalada kaga tuuray gumasiga Itobiya iyo kuwa u shaqeeya ee gumaadka ba’an ku haya shacbka dulman ee S.Ogadenia.
Si gaar ah wuxuu ururka u canbaarayn hayaa maxaysatada loo yaqaano hawaarin (Liyu Police) een u kala aabayeelin gumaadka ay ku hayaan yar iyo waayeel, gaar ahaan ardayda oo ah dad aad ugu nugul xabsiga iyo jidhdilka.
Ururku waxa uu dhaleecayn aan la soo koobi karin shirka uga gudbin hayaa kuwa isku magacaabaya jaliyada Itobiya ee K.Afrika oo soo gaadhay maalmihii la soo dhaafay waddaanka.
Wuxuu shirka bogaadin u soo jedineynaaa jaaliyada JOKA oo talaabo firifircoon ka qaadatay furida xafiiskan.
Omar Jigjiga – ONA/KA
On 10.5.2011, the Eastern Cape regional branch of the Ogaden Youth and Students Union (OYSU) opened a broad meeting at its office in the city of Pe, in the Kostn neighbourhood. The meeting was opened at around 7:30, at the time of the midday prayer, by the union's secretary, Maxamad Yare. Afterwards, as was customary, Sheekh Xuseen Haybe was welcomed, and he delivered a religious sermon of great value at the venue. The Sheikh advised that the war taking place in Ogadenia is a just one between a colonised people, who are Muslims fighting for their rights, and the colonisers, and that it is therefore a duty for every Muslim to take part in that struggle.
Afterwards, freedom fighter Cumar Mahamud was welcomed; he spoke about the union's activities and the situation unfolding in the world, particularly in South Africa. After that, the head of social affairs of the JOKA community, Mr Xassan Cabdi Ow-Nur (Xassan Qubi), who had been invited to the meeting as a guest, was welcomed. He delivered to the members attending the meeting a long and passionate speech that touched on many aspects. Among his words was the following: there was a man who used to be praised for his bravery. A boy whose uncle he was said to him: "Uncle, what do you have more than other men, that you are called brave?" He told him: "Nephew, bite my finger, and give me yours." The boy bit him, while also giving his own finger to his uncle to bite. Each of them bit the other. After a short while, the boy cried out in pain. The man said: "Nephew, the bravery that is attributed to me is just that: enduring for a few minutes." Therefore, Xassan Qubi said, we must endure, so that the enemy cries out first.
After these speeches, the election began, with the technical committee putting forward Cabdi Naasir Aweys. No one was put forward against him, and everyone agreed, with him receiving 100% of the vote.
After that, Ardo Koos, a female poet from Ogadenia, was welcomed. Ardo spoke about the need to show sustained effort and unity. Ardo spoke about the suffering inflicted on the people, particularly the women of Ogadenia.
The meeting, which grew increasingly exciting as it went on, saw the poet Cabdirahamaan Siciid present a new and passionate song, accompanied in the chorus by Maxamed Cabdi Cilmi. Among the lyrics of the song were:
Youth of My Country - If You Emigrate Today - Hey, Have You Died?
We will show you the song, which was very valuable, later, God willing. After that, the new secretary, freedom fighter Cabdi Naasir Aways, delivered a fine speech in which he asked the members to cooperate and work together.
Afterwards, the tasks facing the OYSU youth in South Africa and the plan of work that deserves to be carried out were discussed. Considering the suffering inflicted by the colonisers on the people, the OYSU in South Africa strongly condemned the Ethiopian colonisers and those who work for them, who are committing severe atrocities against the oppressed people of S. Ogadenia.
In particular, the union condemns the militia known as Hawaarin (Liyu Police), who do not distinguish between young and old in the atrocities they commit, especially against students, who are people highly vulnerable to imprisonment and torture.
Through the meeting, the union conveys immeasurable criticism of those calling themselves the Ethiopian community of South Africa, who arrived in the country in recent days.
The meeting extends its commendation to the JOKA community, which took an active step in opening this office.
Omar Jigjiga - ONA/KA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

