Atlanta (Gerogia):- Seeye Abraha oo ahaa wasiirkii horee Gaashaan-dhiga Itobiya isla markaana xubin sare ka ahaa ururka TPLF ayaa shir uu ku qabtay magaalada Atlanta ee dalka Mareykanka ka sheegay inuu ururkii TPLF noqday xisbi qoys isagoo raaciyay waa xisbi ay yeesheen qoyska Meles Zinawi iyo afadiisa Azeb Mesfin.
Wuxuu sheegay Abraha oo hadda ka mid noqday mucaaradka ahna madaxa xisbiga Medrek, inay Itobiya mareyso hadda xaalad u dhiganta maalmihii ugu dambeeyay xukuumadii Col Mingistu Haile-mariam, taasoo ahayd buu yidhi nolosha oo noqotay mid aad u adag iyo kacdoon shacab oon la qarin karin. Sicir bararka ayaa cirka isku shareeray oo gaadhay 30%, musq-maasuqa ayaa noqday arin caadi ah, iyadoo ay Itobiya ka horeyso xagga musuq-maasuqqa Kenya oo arintaa caan ku ahayd.
Meles wixii ka dambeeyay doorashadii 2005 wuxuu abuuray xisbiyo aan jirin iyo waliba haya’do dacayadeed oo sidoo kale loogu talagalay inay u shaqeeyaan xisbiga xukunka haya. Wuxuu tusaale u soo qaatay 10 million oo birr oo doorashooyinka soo socda loo qoondeeyay xisbiyada siyaasiga, in 9 million la siiyay EPRDF intii soo hadhay oo kali ah loo tuuray xisbiyada kale, iyadoo xisbiigiisa Medrek la siiyay 3500 taasoon ku filnayn buu yidhi inaan hal habeen ku kiraysano hall aan ku shirno.
Wuxuu yidhi Mr. Seeye Abraha EPRDF-ta oo arimaha xuquuqda aadanaha aad ugu tuntay ayaa waxay bilaabeen inay yidhaahdaan waxaan nahay; -Xukuumad Horumarin ku hawlan- oo warbaahinta dalka aan loo ogolayn inay wax kale ka hadlaan. Waxay mamnuuceen xataa warbahinadii kale sida idaacadda Germalka ee Deutsche Welle ee afka Amxaariga inay ka hadlaan wax aan ahayn horumar oo sidaa digniin lagu siiyay. Hasa ahaatee si kastoo ay isugu dayaan EPRDF-tu inay been ka sheegaan arimahaa, hadana dhibaatada dhaqaale ee dalka haysata waa wax aan la qarin karin oo dadweynaha ay ka hadlaan sida saboolnimada ka jirta Itobiya iyo nolosha sii kacaysa.
Waxaa kaloo uu ka hadlay oo ahaa arimaha sida aadka ah looga dooday qorshaha kooxda loo yaqaano – Andinet- isagoo yidhi dadka Itobiya waa inay sameeyaan kacdoon aan hubaysneen. Wuxuu ugu baaqay dadweynaha inay heshiiyaan oy iscafiyaan oy iska kaashaadaan xukunka sidii loo ridi lahaa. Wuxuu sheegay Seeye Abraha oo ahaa wasiirka gaashaandhiga in 90% ciidanka Itobiya ay yihiin Tigree, isagoo yidhi qudhooda way jecelyihiin inay helaan xoriyad iyo dawlad qaanuun ku dhisan. Waa in Itobiyaanku diyaar u noqdaan in lawada noolaado oo la’is cafiyo ayuu ku dhawaaqay, isagoo ogsoon dambiyada ay ka galeen shucuubta Itobiya. Su’aalo badan oo la weyday ayaa waxaa ka mid ahaa booliiska federaalka taasoo uu yidhi la mid ma’aha booliiska caadiga ah ee waa ciidan loogu talagalay inay ka hortagaan oy baabi’yaan kacdoonada shacbiga ee ka dhaca magaalooyinka iyo agagaaradooda.
Waxyaabaha kalee lagaga hadlay shirkaa waxaa ugu badnaa in dagaaladii horey u dhacay la iloobo oo loo wada jeedsado sidii la’isaga ridi lahaa xukunka qoys ee Meles iyo afadiisa ee dhibaatada ku haya shacabka Itobiya, iyadoo daqiiqad aamusnaan ah loo istaagay YeneSew Gebre oo ahaa ninkii macalinka ahaa ee isgubay iyo dhamaan kuwa naftooda u huray xoriyadda, cadaaladda iyo sinaanta.
Akhri
ONA.
Atlanta (Georgia):- Seeye Abraha, Ethiopia's former Minister of Defence and a former senior member of the TPLF, told a meeting he held in the city of Atlanta in the United States that the TPLF has become a family party. He added that it is a party owned by the family of Meles Zinawi and his wife Azeb Mesfin.
Abraha, who has now joined the opposition and heads the Medrek party, said that Ethiopia is currently going through a situation resembling the final days of Col Mingistu Haile-mariam's government. That situation, he said, was one in which life became extremely hard and a popular uprising could not be hidden. Inflation has skyrocketed, reaching 30%, and corruption has become commonplace, with Ethiopia now ahead of Kenya, which was notorious for it.
After the 2005 election, Meles created parties that do not really exist, as well as propaganda bodies that were likewise designed to serve the ruling party. As an example, he cited the 10 million birr allocated to political parties for the upcoming elections: 9 million was given to the EPRDF and only the remainder was thrown to the other parties. His own party, Medrek, was given 3,500, which he said is not even enough to rent a hall for one night to hold a meeting.
Mr. Seeye Abraha said that the EPRDF, which has severely trampled on human rights, has begun to say "We are a Development-Oriented Government," and the country's media are not allowed to talk about anything else. They have even barred other media outlets, such as the Amharic service of the German radio station Deutsche Welle, from talking about anything other than development, and have warned them accordingly. However, no matter how hard the EPRDF tries to lie about these matters, the economic hardship gripping the country cannot be hidden, and the public talks about it, such as the poverty in Ethiopia and the ever-rising cost of living.
Among the other issues he spoke about, which were also hotly debated, was the plan of the group known as "Andinet," saying that the people of Ethiopia must carry out an unarmed uprising. He called on the public to reconcile, forgive one another and cooperate on how to bring down the regime. Seeye Abraha, the former defence minister, said that 90% of the Ethiopian army are Tigrayans, adding that they themselves want to have freedom and a government based on the rule of law. He declared that Ethiopians must be prepared to live together and forgive one another, while being aware of the crimes committed against the peoples of Ethiopia. Among the many questions he was asked was one about the federal police, which he said are not like ordinary police but are a force designed to prevent and crush popular uprisings in the cities and their surroundings.
Most of the other topics discussed at the meeting centred on forgetting past wars and uniting in the effort to bring down the family regime of Meles and his wife, which is oppressing the Ethiopian people. A minute of silence was observed for YeneSew Gebre, the teacher who set himself on fire, and for all those who sacrificed their lives for freedom, justice and equality.
Read
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
