
Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 4 bishan August ay waraysatay VOA-da laanta af xamaariga Mudane Xassan Maclin oo ah kaaliyaha Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO ee xafiiska arimha Ethiopia. Waxaa kale oo la waraysatay ururada Ginbot 7 iyo ururka Afar peoples party. Arimaha laga wareystay ayaa waxaa ka mid ahaa shirkii ay 3xda urur ku yeesheen London.
Waraysigii mudane Xasan lala yeeshay ayaa u dhacay sidan.
Su’aal
• Maxuu ahaa ujeedada shiraka aad ku qabateen London maalintii axda ee ay bishu ahyd 31/07/2011?
Jawaaab Xassan Macllin.
Shirku wuxuu ku saabsanaa sidii aanu isaga kaashan lahayn dhincyo badan sida Militaryga, dhaqaalha iyo siyaasdaba isla markaana aanu isugu soo dhawayn lahayn bulshooyinka dulman iyo kuwa la gumaystaba si ay cudooda u mideeyan oy isaga tuuri lahaayeen xukummada kaligii taliye Meles Zenawi.
Sida la wada ogyahay wax uu uula hadhay kaligii taliye Meles Zenawi ummadaha Ethiopia ee dulman & Ogadeniyaba ma jirto. Xasuuq jogata ah, boob cad, kufsi iyo xadhig, abaaro iyo macaluul dad keen ah & dhulkii beeraha ku haboonaa oo laga gadayo shirkado ajanabi ah ama shisheeye ah, intaasna waxaa dheer shidaalka Ogdaeniya oo uu marba shirkad inta uu heshiis been been ah la galo dadkii deegaankana la baro kicinayo.
Su’aal
• Idinku u jeedadiinu maxay tahay ma in aad gooni isu taagtaanbaa mise waa in aad Ethiopia ka go’daan?
Jawaaab Xassan Macllin.
Sida aad la socotaan Ogadeniya taarkhdeedu mudo dheer ayay soo jirtay ma ahan maanta mid wakhti yar lagu badali karo.
Waxaan la wada soconaa sidii ay dawlada Ingriisku ugu wareejisay dalka Ogadeniya waligood shacabka Ogadenya waxba lama waydiinin, xukuumadaihii Ethiopia ka soo talinayayna dadkanagu waxaan gumaysi ahayn kama aynan arag, tan maanta joogtaaba ha u daraato e. Dadka reer Ogadniya waxay xaq u leeyiin in xaqooda la siiyo cadaaladana la ilaaliyo, loona ogolaado in ay aayahooda ka tashadaan.
Su’aal
• Idinku (ONLF) hubka ma waxaad u qaadateen in aad 100% Ethiopia ka go’daanbaa miyanan idiin dhaamin in aad shacbiga reer Ethiopia ee walaalandin ah aad la noolaataan?
Jawaaab Xassan Macllin.
Sida aan horay kuugu soo sheegay anagu xukuumadaha Ethiopiada wax wanaag ah shabkanagu kumuusan arag, waxaan ka ahayd dil, kufsi , cadadis, iyo xadhgi aan loo kala aabo yeelin, sidaas darteed anagu hubka waxaanu u qaadanay in dadkanaga sida uu sharciga caalmiga ah uu dhigayo in afti laga qaado, iyaga ayayna u taala in ay go’ayaan iyo in kale.
Waxaa kale oo aynu la soconaa haddii ay qowmiyadi qowmiyad kale ay gumaysato oo ku tumato xaquuqal insaanka in aanay wada noolaan karin. Ethiopian-nimoda xoog kuma iman karto.
Anaga shacbiga la dulmay ayaan nahay, shacabka Ethiopia waa dad iyaguba dulman oo walaaladeen ah. Waxaan dadkanaga marba la soo marin akrin waa xukumadahii Ethiopia ka soo taliyay tan hadda joogataaba ha u daraato e.
Waxaynu wada oganahay in ay maanta Europe, North America, south east Asia ay mudoobeen. Africana wax u diidayaa in ay midowdo ma jiro, laakiin midow ma iman karo meel ay cadaalda daro, dulan iyo gumaysi uu ka jiro. Ethiopian-nimadu waa in ay ku timaadaa rabitaanka dadka e ma ah mid xoog ku iman karta.
ONA.
Yesterday, 4 August, the Amharic service of VOA interviewed Mr Xassan Maclin, deputy head of foreign affairs of the ONLF at the Ethiopia affairs office. The organisations Ginbot 7 and the Afar People's Party were also interviewed. Among the issues raised in the interview was the meeting the three organisations held in London.
The interview with Mr Xasan went as follows.
Question
• What was the purpose of the meeting you held in London on Sunday, 31/07/2011?
Answer, Xassan Macllin.
The meeting was about how we could cooperate in many areas, such as military, economic and political, and at the same time bring together the oppressed and colonised peoples so that they could unite their strength and throw off the rule of the dictator Meles Zenawi.
As everyone knows, there is nothing the dictator Meles Zenawi has spared the oppressed peoples of Ethiopia and Ogadenia. Ongoing massacres, open looting, rape and imprisonment, droughts and famine he has brought upon the people, and the arable land being sold to foreign or outside companies. On top of that is the oil of Ogadenia, for which he keeps signing fraudulent agreements with one company after another while displacing the people of the region.
Question
• What is your aim: is it to become independent, or to secede from Ethiopia?
Answer, Xassan Macllin.
As you know, the history of Ogadenia goes back a long time; it is not something that can be changed in a short time today.
We all know how the British government handed over the country of Ogadenia; the people of Ogadenia were never asked anything, and from the governments that have ruled Ethiopia our people have seen nothing but colonisation, let alone the present one. The people of Ogadenia have the right to be given their rights, to have justice upheld, and to be allowed to determine their own destiny.
Question
• Did you (ONLF) take up arms in order to secede 100% from Ethiopia? Would it not be better for you to live together with the people of Ethiopia, who are your brothers?
Answer, Xassan Macllin.
As I told you earlier, our people have seen nothing good from the Ethiopian governments, only killing, rape, oppression and indiscriminate imprisonment. Therefore, we took up arms so that, as international law stipulates, a referendum be held for our people, and it is up to them to decide whether to secede or not.
We also know that if one nationality colonises another nationality and tramples on its human rights, they cannot live together. Ethiopian-ness cannot come by force.
We are the oppressed people; the people of Ethiopia are also an oppressed people and are our brothers. What our people keep being put through is the doing of the governments that have ruled Ethiopia, let alone the present one.
We all know that today Europe, North America and South East Asia have united. Nothing prevents Africa from uniting, but unity cannot come where there is injustice, oppression and colonisation. Ethiopian-ness must come through the will of the people; it is not something that can come by force.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
