Riwaayadii loogu magacdaray “Qabkii Beenta ahaa haku Quusto Gumetyste” ayaa lagu daawaday habeenkii Sabtida ahayd masraxa weyn ee Mineapolis Convention Center. Riwaayaddan oo Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardeyda Ogadeniya ee Gobolka Minnesota ay soo diyaariyeen ayaa waxaa kaalin lixaad leh ka qaatey Maamulka Jaaliyada Ogadeniya ee Minnesota.
Riyaawaydan oo ahayd mid aad u qiimi badan ayaa waxaa si aad ah uga soo qaybgaley shacabweynaha Ogadeniya ee Gobolka Minnesota iyo guud ahaan dadweynaha Soomaliyeed oo buuxiyey goobtii Riwaayada loogu talagaley. Dadka qaar ayaa waxay ka soo safreen Gobolo ka fog Minnesota, sida Mossuri iyo Nebreska.
Dhalinyarada Jileysay Riwaayadan ayaa waxay ahaayeen dhalinyaro aad u da’yar oo inkastoo aanay dhamaantood fanka horey uga soo qaybgelin hadana aad moodaysay in ay yihiin jilayaal ruug cadaa ah marka aad eegto qaabka ay wax u jilayaan iyo murtida Riwaayadan xambaarsantahay. Dhalinyarada ayaad dhamaantood ka dareemaysay in ay ka muuqato qiiro wadanimo iyo shucuur dheeraad ah, marka aad u fiirsato qaabka uu mid kastaa u matalayo kaalinta Riwaayada kagaga aadan, iyaga oo soo xasuusanaya waxyaabo badan oo ay markhaati ka ahaayeeen intii aysan ka soo haajirin dhulkoodii hooyo ama waxyaabo ay kula kulmeen qurbaha. Sida dhalinyarada daadka raacdey ee dhaqan doorsoonku ku dhacey iyo kuwa ku sifoobey Dabaqoodhinimada Doolka ah.

Dadweynihii ka soo qayb galay Riwaayada ayaa iyagu goobta ka muujiyey wacdaro iyo qiiro wadanimo. Inta badan waxaad arkeysaa iyada oo dadweynuhuu isku darayaan sawaxan, sacab iyo istaagid aan kala joogsi lahayn.
Riwaayadan ayaa waxaa ku jirey heeso, dhaantooyin iyo geeraaro qiiro galiyey dadwynihii ka soo qayb galay.
Dhinaca kale, jilayaasha Riwaayada ayaa waxaa ka mid ahaa Gabadh lagu magacaabo Xaliimo Gobaad iyo Wiil lagu magacaabo Maxamed Good oo iyagu ka soo kicintey cariga Ingiriika si ay uga qayb qaaataan dhigista Riwaayada. Wiilkan iyo Gabadhan oo ka mid ah dhalinta Cariga Ingiriiska ee wadanka UK ayaa markii xidhiidhiyaha Riwaayadu ku soo dhaweeyey magacadoodo ay dadweynihii Goobta fadhiyey isku dareen saxab aan kala joogsi lahayn iyo istaagid ay ku soo dhaweynayaan Xaliimo Gobaad iyo Maxamed Good.

Sidoo kale, waaxaa Riwaayada Marti sharaf ku ahaa Fanaanada Qaranka Soomaaliyeed ee Fartuun Birimo oo ka soo safartey Dalka Canada. Fartuun Birimo ayaa markii ay masraxa soo istagatey waxay dadweynihii isku dareen sacab iyo istaagid lagu soo dhaweynayo Fanaanadan Soomaaliyeed. Faruuun Birimo ayaa xalay goobta ka dhigtey wacdaro soo jiitey ka soo qayb galayaashii Riwaayada, iayada oo qaatey Dhaantooyin iyo heeso isagu jira jaceyl iyo Wadani.
Dhankasta marka laga eego munaasabadan xalay ka dhacday Gobolka Minnesota ayaa ahayd munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay jawi aad u qurxoona ku dhamaatay.
Qoraal laguma soo koobi karo wacdarihii ay xalay soo bandhigeen Ururka Midowga Ardeyda Ogadeniya ee “Xidigaha Minnesota”.
Si kastaba ha ahaatee, da’yarta qurbaha ku nool ee Ogadeniya ayaa beryahan bilaabey Riwaayado ay dadka ku abaabulayaan, waxaana sanadahan socda mawjad xoog badan iyo kacdoon ay wadaan dhalinyarada Qurbaha. Kuwaas oo wada abaabulo dhiinacyo badan taabanaya, sida Riwaayadaha, ka qayb galka shirararka Caalamiga ah e ee lagu gorfeeyo Geeska Afrika iyo tababaro ay iyaga dhexdoodu isu fidiyaan.
Waxaan maalmaha soo socda soo badhigi doonaa Wareysiyo kooban oo aan ka qabaney qaar ka mid ah ka soo qaybgalayaasha Riwaayada iyo Qabanqaabiyaayaasha oo maqal iyo muuqaal ah.
ONA/Minnesota
The play titled "Let the Colonizer Drown in His Pride of Lies" was staged on Saturday night at the main theatre of the Mineapolis Convention Center. The play was prepared by the Ogaden Youth and Students Union (OYSU) in the State of Minnesota, and the Ogadenia Community Administration of Minnesota played a significant role in it.
The play, which was of great value, was very well attended by the Ogadenia public in the State of Minnesota and by the Somali public in general, who filled the venue designated for the play. Some people travelled from states far from Minnesota, such as Mossuri and Nebreska.
The youth who acted in the play were very young, and although not all of them had taken part in the arts before, you would have thought they were veteran actors when you looked at the way they performed and the wisdom the play carried. In all of the young people you could sense visible patriotic passion and deep emotion when you observed the way each of them portrayed their role in the play, as they recalled many things they had witnessed before they emigrated from their motherland or things they had encountered in the diaspora. Such as the youth who were swept away by the flood, whose culture changed, and those who took on the character of Dollar-driven rootlessness.
The public who attended the play, for their part, displayed excitement and patriotic passion at the venue. Most of the time you would see the public combining cheering, applause and standing ovations without pause.
The play included songs, traditional dances and chants that stirred the emotions of the public who attended.
On the other hand, among the actors in the play were a young woman named Xaliimo Gobaad and a young man named Maxamed Good, who came from England to take part in staging the play. When the play's master of ceremonies welcomed this young man and young woman, who are among the youth of England in the UK, by name, the public seated at the venue erupted into unceasing applause and stood to welcome Xaliimo Gobaad and Maxamed Good.
Likewise, the guest of honour at the play was the Somali national artist Fartuun Birimo, who travelled from Canada. When Fartuun Birimo stood on the stage, the public erupted into applause and stood to welcome this Somali artist. Last night Faruuun Birimo put on a spectacle at the venue that captivated those attending the play, performing traditional dances and songs that combined love and patriotism.
From every angle, the event that took place last night in the State of Minnesota was a highly organised event that ended in a very beautiful atmosphere.
Writing cannot capture the spectacle presented last night by the Ogadenia Students Union, the "Stars of Minnesota".
In any case, Ogadenia youth living in the diaspora have recently started organising plays through which they mobilise people, and in recent years there has been a powerful wave and movement led by the youth in the diaspora. They organise activities touching on many areas, such as plays, participation in international conferences that examine the Horn of Africa, and trainings they provide among themselves.
In the coming days we will present short interviews, in audio and video, that we conducted with some of the attendees of the play and the organisers.
ONA/MinnesotaAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

