War deg deg ah oo hadda ONA soo gadhay ayaa sheegaya inay ciidamada Woyaanuhu xidheen saraakiil sar sare oo ka tirsan wadanka Koonfurta Sudan. Sarakiishan la xidhay ayaan waxaa kamid ahaa. Lt. General Dor Manjur Gatluak iyo Let. General Thomas Mabir Dhol.
Warku waxa uu intaas ku daray inay jiraan saraakiil kale oo laxidhay hasa yeeshee aan wali magcaydooda la haynin. Saraakishan ayaa waxaa lagu xidhay gobolka Gambella oo baryahan xasilooni daro badani ay ka jirto.
Sidii aan wararkanagii hore idiinku soo gudbinayba waxaa kasocda gobolka Gambella xasuuq shacabka ku dhaqan gobolkaas loo gaysanayo iyo dagaalo u dhaxeeya Jabhada hubaysan ee Gambella Peoples Liberation Movnment(GPLM) & ciidamada Woyanaha. Xaalada gobolkan ayaa baryahan danbe kasii daraysa maalinba maalinta ka sii danbaysa ay dagaaladu sii xoogaysanayaan.
Kala soco ONA wararka ka soo kordha haddii ebo yidhaahdo,
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
