
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenia
War-Murtiyeed – Guddiga Fulinta JWXO
Waxaa Shir ku qabsaday taariikhdu markay ahayd 19 -22 bisha Janaayo 2012, goob ku taala gobolka Buckinghamshire ee dalka UK, Guddiga Fulinta Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenia. Shirka Guddiga Fulintu oo xubnaha qaarkood habka telecom ahaan ay uga qaybgaleen ayaa lagu falanqeeyay marxallada uu marayo halganka xaqa ah ee Somalida Ogadenia ay ugu jirto siday dalkooda ooga xorayn lahaayeen gumaysiga Itoobiya, xaaladda guud ee ay ku sugan tahay Ummadda Somaliyeed iyo guud ahaa jawiga siyaasadeed ee Geeska Africa iyo adduunkba.
Kadib markuu Guddiga Fulinta JWXO si qoto dheer uga baaraandegay xaaladahaas wuxuu soo saaray qodobadan:
1. In Xaaladda bani’aadami nimo ee Dalka Ogadenia ay ka sii darayso oo cadowga Ummadda Somaliyeed ee Itoobiya ayan waxba ula hadhin sidii ay u gumaadi lahayd Somalida Ogadenia- Ha ahaato; cuno qabatayn xag ganacsi iyo xag mucaawano caalami ah, dil, dhac, kufsi iyo xabasi sharci darro ah oo aan loo kal aaba yeelayn yar iyo wayn toona.
2. In inta Itoobiya ay gumaysiga iyo cadaadiska ku hayso Somalida Ogadenia uu halganku socon doono iyadoo nooc kastoo cadaadin iyo cabudhin ah oy la timaado Itobiya uusan joojin doonin geedi socodka xoraynta Somalida Ogadenia
3. Wuxuu Guddiga Fulinta u hambalyeeyay kuna qanacsan yahay, dadaalka iyo geesinimada ay muujiyeen CWXO oo guulo isdaba jooga ah ka muujiyay goobaha dagaalka, isla markaasna gacan ka gaystay badbaadaada Shacabka Somalida Ogadenia.
4. Wuxuu sidoo kale u hambalyaynayaa Guddiga Fulinta hawl wadeenada iyo Jaaliyaadka dibedda oo si cad u maquuniyay isku daygii cadowga iyo kabo qaadkiisa inuu jahawareer ka abuuro dibedda.
5. Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay si buuxda u garab taagantahay soo celinta qaranimada Somalia, isla markaasna waxay ugu baaqaysaa walaalahooda Somali inay ka koraan qabiilka iyo xukun jaclaysiga oo ay u soo jeestaan danta guud, fahmaana in Itoobiya ay tahay cadow aan marnaba laga yaabin inay dan Soomaaliyeed yagleesho oo ay ka koraan kuwa u adeegaya danaha Itobiya ama ka talo qaata.
6. JWXO waxay diyaar u tahay markii ay abuuranto duruuf ay ugu muuqato inuu saamixi karo wadahadal lagaga hadlayo aaya katashiga Somalida Ogadeniya inay ka qayb qaadanayso haddii uu jiro garab dhex-dhexaadiya iyo goob aamin ah. Wadahadaladaas waa inay ahaadaan mid dhaymaystiran (comprehensive principled negotiations) siduu qeexayo go’aanka Golaha dhexe ee JWXO.
7. JWXO waxay si buuxda u taageersan tahay shacabka Eritrea een walaalaha nahay, saadadooda iyo qaranimadooda in aan lagu soo xadgudbin.
Baaq
1. JWXO waxay ugu baaqaysaa Qaramada Midoobay inay gutaan waajibkooda ku aadan bad’baada iyo xaqsiinta shacabka Somalida Ogadenia, kaasoo ku qeexan cahdiga Qaramada Midoobay ee ah in shucuubtu ay xaq u leeyihiin aaya-katashigooda iyo inaan dowladna ku xad-gudbi karin xuquuqda insaanka iyo xuquuqda siyaasadeed ee shucuubta. Sidoo kale waxay cadaynaysaa JWXO in Qaramada Midoobay waajibaadkii kaga aadanaa shacabka Somalida Ogadenia ay ka gaabiyeen oo iska indha-tireen si badheedh ah jawr- falka Itoobiya ay u gaysatay Somalida Ogadenia.
2. JWXO waxay ugu baaqaysaa adduun-waynaha in Geeska Afrika uusan degayn ilaa xal waara oo caadil ah laga gaadho qaddiyadda Ogadenia kaas oo ku iman kara oo qudha ayadoo shacabka Somalida Ogadenida afti madax bannaan oo caalamku kormeerayo oo ay aayahooda kaga tashanayaan laga fuliyo, sidaas daraadeed in xalka Geeska Afrika lagu daro xallinta qaddiyadda Somalida Ogadenia
3. JWXO waxay ugu baaqaysa walaalahooda Somali in ay taageeran halganka xaqa ah ee ka socda Ogadenia oo ay ka koraan aragtida maan-gaabnimada ah ee qabiilka ku dhisan oo ay ogaadaan haddii Ogadenia ay xoroowdo Somali oo idil ay dan u tahay oo dhulkoodii oo xoroobay u yahay.
4. Sidoo kale JWXO waxay ugu baaqaysaa shucuubta Itoobiya ee kala duwan in aanay gacan ku siinin taliska Itoobiya gumaadka iyo duudsiga uu ka wado Ogadenia, maadama ay dhalintooda ku baa’bayaan hawdka Ogadenya oo aanay lahayn, lahaana doonina ebidkeed. Inay ka taliyaan sidii shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika ay ugu wada noolaan lahaayeen darisnimo wanaag ku dhisan nabadgalyo, cadaalad iyo iskaashi.
Cambaarayn
JWXO waxay guud ahaan cambaaraynaysaa siyaasadda gumaysi ee Taliska Ethiopia uu kula dhaqma hayo shacabka Somalida Ogadenia.
Guddiga Fulinta JWXO
Bukinghamshire, UK
22 January, 2012
Ogaden National Liberation Front
Communiqué – ONLF Executive Committee
The Executive Committee of the Ogaden National Liberation Front held a meeting from 19 to 22 January 2012 at a venue in Buckinghamshire, UK. The Executive Committee meeting, which some members attended by telecom, analysed the stage reached by the just struggle in which the Somalis of Ogadenia are engaged to liberate their country from Ethiopian colonialism, the general situation of the Somali nation, and the overall political climate of the Horn of Africa and the world.
After the ONLF Executive Committee deliberated in depth on these situations, it issued the following points:
1. That the humanitarian situation in Ogadenia continues to worsen, and that Ethiopia, the enemy of the Somali nation, has spared nothing in its efforts to annihilate the Somalis of Ogadenia – be it through blockades on trade and on international aid, killings, looting, rape, and unlawful imprisonment that spares neither young nor old.
2. That as long as Ethiopia continues to colonise and oppress the Somalis of Ogadenia, the struggle will continue, and no form of oppression or repression that Ethiopia brings will stop the liberation process of the Somalis of Ogadenia.
3. The Executive Committee congratulated, and is satisfied with, the effort and bravery shown by the ONLA, which has achieved successive victories on the battlefields and at the same time contributed to the protection of the Somali people of Ogadenia.
4. The Executive Committee likewise congratulates the activists and the diaspora communities, who clearly defeated the attempt by the enemy and its stooges to create confusion abroad.
5. The Ogaden National Liberation Front fully stands by the restoration of Somalia's statehood, and at the same time calls on its Somali brothers and sisters to rise above clannism and the love of power and to turn towards the common interest, and to understand that Ethiopia is an enemy that can never be expected to build Somali interests, and to rise above those who serve Ethiopia's interests or take orders from it.
6. The ONLF is ready, when circumstances arise in which it appears that dialogue on the self-determination of the Somalis of Ogadenia is possible, to take part in it if there is a neutral mediator and a safe venue. Those talks must be comprehensive (comprehensive principled negotiations), as defined by the decision of the ONLF Central Council.
7. The ONLF fully supports the people of Eritrea, who are our brothers and sisters, in ensuring that their sovereignty and statehood are not violated.
Appeal
1. The ONLF calls on the United Nations to fulfil its duty regarding the protection of, and the granting of rights to, the Somali people of Ogadenia, as defined in the United Nations Charter, which states that peoples have the right to self-determination and that no state may violate the human rights and political rights of peoples. The ONLF also makes clear that the United Nations has fallen short of its obligations towards the Somali people of Ogadenia and has deliberately turned a blind eye to the atrocities Ethiopia has committed against the Somalis of Ogadenia.
2. The ONLF calls on the international community to recognise that the Horn of Africa will not be stable until a lasting and just solution is reached on the Ogadenia question, which can only come about through holding an independent, internationally monitored referendum in which the Somali people of Ogadenia decide their own future; therefore, the resolution of the question of the Somalis of Ogadenia should be included in the solution for the Horn of Africa.
3. The ONLF calls on its Somali brothers and sisters to support the just struggle taking place in Ogadenia, to rise above the narrow-minded, clan-based outlook, and to understand that if Ogadenia is liberated, it is in the interest of all Somalis and is their own land that has been liberated.
4. The ONLF likewise calls on the various peoples of Ethiopia not to assist the Ethiopian regime in the annihilation and oppression it is carrying out in Ogadenia, since they are sacrificing their youth in the Ogaden bush that does not belong to them and never will. It calls on them to consider how the peoples living in the Horn of Africa could live together in good neighbourliness built on peace, justice and cooperation.
Condemnation
The ONLF condemns in general the colonial policy that the Ethiopian regime is pursuing against the Somali people of Ogadenia.
ONLF Executive Committee
Bukinghamshire, UK
22 January, 2012AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
