Opens in a new tab

Warar Dheera oo ka Soo Baxay Dagaalkii Qabridahar 4 April iyo Hawlgalo Kale oo ay Fuliyeen Cwxo

ONA5 April 2012
Read in English

Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya dagaalkii  ka dhacay magaalada Qabri dahar 4 april 2012  kaas oo lagula wareegay xaafada loo yaqaan xaafad Ceel xaar  ee magaalada.

Dagaalkan ayaan wararkii hore waxaan idiinku soo gudbinay  in cadawga lagaga  gubay  baabuur nooca dagaalka ah.

Hadaba wararka soo gadhaya  wakaalada wararka ogaadeenya ONA  ayaa  sheegaya in khasaaraha cadawga soo gaadhay  uu intaa ka  badan  yahay.

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay in cadawga lagaga dilay  12 askari islamarkaana lagaga dhaawacay  15  kale kuwaas oo intooda badan dhaawacyo halis ah ay qabaan , waxaa kale  la naafeeyay baabuur labaad oo ah nooca dagaalka kuawa loo yaqaan cabdi bilayaasha  oo si dhab ah u hawl gabay.

Dagaalkan ayaa badalay  hadalhaynta  iyo sheekada  goobaha laga qaxweeyo  ee magaalada Qabri dahar .

Isla taariikhdaa  ayay ciidamada  jwxo dagaal ku galeen magaalada Ciinlay ee degmada Dhagaxbuur waxayna halkaa ku dileen  2 askri  mid kalana way ku dhaawaceen

26/ march   dagaal ka dhcay  Waraabalay oo ka tirsan degmada Wardheer  ayaa ciidanka cadawga looga dilay  1 askari midkalana looga dhaawacay

 

2/4 /12 dagaal ka dhacay Geelwara  oo ka tirsan degamada Fiiq waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa looga dhaawacay

dagaaladan ayaa isugayn waxaa cadawga ka soo gaadhay  khasaare balaadhan kaas oo dhinaca kale abuuray jawi kaftan  iyo faalo laga dareemayo magaalada qabri dahar

hawlgaladan  ayaa qayb ka  ah qorshayaal ay maalmahan daadihinayeen cwxo oo waxyeelo kala duwan  cadawga lagu soo gaadhsiinayay

ONA

La wadaag