Opens in a new tab

Wararka Aduunka: Madaxda Ree Galbeedka oo Ummada Muslimiinta ugu Tahniyadeeysay Bisha Barakaysan ee Ramadaanka

ONA19 June 2015
Read in English

Raisal Wasaaraha Dalka Britain, David Cameroon oo soo saaray filim uu ugu tahniyadaynayo ummada Muslimiinta ah ah ee ku nool dalka UK iyo caalamkaba isaga oo kawaramay kaalinta ay muslimiintu ka qaataan horumarka dalka UK. Sidoo kale madaxweynaha Dalka mareykanka oo isaga horey looga bartay innuu soo saaro filim uu kaga hadlayo bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa sanadkan soo saarin Filim muuqaal ah balse boggiisa White House waxa uu kusoo saaray warqad uu ugu tahniyadeynayo ummada Muslimiinta isaga oo ugu bishaareynaya bisha barakeysan ee Ramadaan. Hoos ka daawo Hadalkii David Cameroon uu kaga hadlay muslimiinta oo uu sheegay inay kamidyihiin ummada dalka UK oo ay ku jiraan Baarlamaanka dalkiisa, Wasiiro ka yihiin dowladiisa isalamrkaasna ay Qeyb kayihiin bulshaweynta ku nool dalka UK, David Cameron ayaa sidoo kale Iftaar la qaadan doona Muslimiinta Dalka Ingiriiska.

ff

La wadaag