Addis Ababa: Wariyaashi Ree Sweden oo shalay lasoo taagay maxkamada TPLF ee Addis Ababa- ayaa waxa lagu caddeyn kari waayay inay yihiin argagaxiso middaas oo Taliska qalafsan ee TPLF uu ku eedeyay wariyaasha. Wariyaasha ayaa marki la weydiyay inay fal argagaxiso u yimaadeen ayaa ku jawaabay maya iyaga oo madaxa lulaya aadna u layaabana eedeyntaas. Eedeynta wariyaasha laguhayo ayaa aha sawiro iyo iyaga oo lasheegay inay lasocdeen dad kamid ah jabhada ONLF. Wariyaasha waxa ay sheegeen inay dhulka kuso galeen viso la’aan rabeena inay kawaramaan xaalada shacabka somalida Ogadeniya.
Qaadiga Maxkamada Shimalis ayaa u sheegay dadkii u doodayay wariyaasha inay muddo bil ah kusoo diyaarsadaan kiiska ay ku difacayaan wariyasha soona hordhigaan maxkamada. Waxyaalaha lagu eedeyayay wariyaasha aya waxa kamid ah inay si sharci darro ah wadanka kusoo galeen, iyo inay moraalka jabhada ONLF kor u qaadayeen siinayeena talooyin iyo waxyaalo kale oo lamid ah.
Sida aan ka war qabno Dhulka Ethiopia ma kajiraan maxkamado madax banaan sikasta ha ahaato e Maxkamada taliska TPLF ee Addis Ababa ayaa ku qanci weydey in maxbuusiinta lagu qaado kiiski horey loogu eedeyay ee ahaa fal argagaxiso inay wariyaashu wadeen. Haddana Saas oo ay tahay Qaadiga maxmakada oo lagu magacabo Shemsu ayaa sheegay in laba qof oo kale oo ahaa dadki la socday labada wariye oo somali ah xukunkooda bari laqaadi doono laguna xukumi doono kiis argagax-sanimo kaas oo xukunkiisu yahay xabsi daayima ama dil. Waxuuna sheegay in labadan qof aysan isdifaacin. Balse waxa xaqiiqa in dadka la socday labada wariye aasan loo sameyn cid u dooda oo difaacda. Waxana sharciga Ethiopia qoraya in qofkasta helo qareen u dooda. Taas ayaa waxa ay ku tusinaysa in wax caddaalad ah oo ka jirta aysan jirin maxkamadaha Ethiopia oo ah mid ay maamulaan taliska qalafsan ee TPLF kaligood. Shacabka Somalida ah ee Ogadeniyana waxa taliska qalafsan uu xalaalsaday xidhaygooda iyo dilkooda cid alaale cidii isku dayda inay kawarantana waxay ku qaadeyaan cabudhin iyo xidhay sida wariyaasha ree Sweden, Wariyaashii horey u xidheen ee New York Times iyo Daily telegraph iyo haayadaha Caalamiga ah Red Cross, MSF iyo Hayadi u danbeysey ee Amnesty international kuwaas oo dhamaan wadanka laga saaray.
Maxkamadaha Ethiopia ayaa ah kuwo aan madaxbanaaneyn waxaana ay hoos tagaan taliska TPLF. Hadda ka horna waxa kiiskan labada wariye ka hadlay kaligi taliyaha Zenawi oo sheegay in labada wariye lagu xukumi doono fal Argagax.
Shacabweynaha Ogadaeniya iyo Guud ahaanba Shucuubta Ethiopia ee ku hoos dulman taliska TPLF ayaa xukunka wariyaasha iyo xaaladoodaba aad uga walbahaarsan waxaana aad loo eegaya talabada uu taliska TPLF ku dhaqaaqi doono. Jaaliyadaha Somalida Ogadeniya ee Wadamada Ree Galbeedka ayaa banaanbaxyo iyo warqado cabasho ah u qoray midowga Europe iyo wadanka Sweden si ay cadaadis usaaraan uguna howlgali lahayen sidii lagu soo deyn lahaa wariyaasha aasan wax ay galabsaden jirin.
ONA
Addis Ababa: The Swedish journalists who were brought yesterday before the TPLF court in Addis Ababa could not be proven to be terrorists, which is what the brutal TPLF regime had accused the journalists of. When the journalists were asked whether they had come to commit a terrorist act, they answered no, shaking their heads and very surprised at that accusation. The charges against the journalists are photographs and the claim that they were travelling with people from the ONLF front. The journalists said that they entered the territory without visas, wanting to report on the situation of the Somali people of Ogadenia.
The judge of the court, Shimalis, told the people defending the journalists to prepare within a period of one month the case with which they will defend the journalists and to present it to the court. Among the things the journalists were accused of are that they entered the country illegally, and that they were raising the morale of the ONLF front and giving it advice and other similar things.
As we are aware, there are no independent courts whatsoever in the territory of Ethiopia, but the court of the TPLF regime in Addis Ababa was not persuaded that the prisoners should be tried on the case of which they had earlier been accused, namely that the journalists were carrying out a terrorist act. Yet even so, the judge of the court, who is named Shemsu, said that two other people, who were the people travelling with the two journalists and who are Somali, would be sentenced tomorrow and would be convicted on a terrorism case, the sentence for which is life imprisonment or death. He also said that these two people did not defend themselves. But the truth is that the people travelling with the two journalists were not provided with anyone to plead for and defend them. And the law of Ethiopia states that every person shall get a lawyer to defend them. This shows you that there is no justice whatsoever in the courts of Ethiopia, which are run by the brutal TPLF regime alone. As for the Somali people of Ogadenia, the brutal regime has made their imprisonment and killing permissible, and anyone at all who tries to report on it is subjected to repression and imprisonment, like the Swedish journalists, the journalists from the New York Times and the Daily Telegraph whom they detained earlier, and the international organisations Red Cross, MSF and most recently Amnesty International, all of which were expelled from the country.
The courts of Ethiopia are not independent, and they fall under the TPLF regime. Previously, the dictator Zenawi spoke about the case of the two journalists, saying that the two journalists would be convicted of a terrorist act.
The general public of Ogadenia, and the peoples of Ethiopia in general who are oppressed under the TPLF regime, are very concerned about the sentencing of the journalists and their situation, and the step the TPLF regime will take is being watched very closely. The Somali Ogadenia communities in the Western countries have held demonstrations and written letters of complaint to the European Union and to the country of Sweden, so that they would put on pressure and work towards the release of the journalists, who had not committed any crime.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.