Opens in a new tab

Warqad Muhiim ah oo ka Hadlaysa Waxii Loola Tagay Cabdi Iley iyo Doorka Sh. Shakuul

ONA11 December 2011
Read in English

Gumaysiga iyo shaydaanka waxay ka midaysan yihiin qofka ay ku shaqaysanyaan ee ogolaada dabinada ay u daadinayaan inuusan qiimi agtooda ka yeelan. Sababtoo ah labadaba waxay si dhab ah u ogyihiin waxayaabaha ay ugu yeedheen qofkaa inuu u fuliyo iyo gorgortanka ay la galeen inay tahay halaagooda iyo halaaga shacabkooda. Waxaana la xaqiijiyay taariikh ahaan in marka ugu dambaysa uu gumaysiga  ku gacan-saydho oo candhuuf kaga tufaa indhaha midkuu soo adeegsaday. Waxaan heynaa warbixina badan oo waqtigeeda aan u soo bandhig doono umadda oo muujinaya inay soo dhawaatay kala tagii gumaysiga iyo qaar badanoo isu haysta inay yihiin minyaradii gumaysiga.

Waxaan ogaanay in miisaaniyad xoogan uu gumaysiga ugu talagalay gorgortanka lala galayo qaar ka mid ah bulshada S.Ogadenya, miisaaniyaddaa oo loo soo marinayo laba nin oo magacooda ugu soo diraya kharash xoogan qofkay is-leeyihiin halganka shacabka Ogadenya ayuu dhibaato gaadhsiin karaa hadaad gaysaan Jigjiga oo teleefishinka Cakaaro uu ka muuqdo.

Labada nin ee hadda loo adeegsado bixinta lacagta la siiyo dadka la rabo in laga daawado Telefishinka Cakaaro ayaa waxaa ugu horeeya ninka lagu magacaabo Shakuul oo ah maalqabeen jooga Nairobi (Islee Mall). Waxaan haynaa Shakuul inuu ka mid ahaa labada magacooda ku soo diray kharash gaadhaa 40,000 oo doolar midkood walba oo la siiyay dhalinyaradii ka falaagowday SC.

Waxay dadka qaarkii isweydiiyaan ujeedada uu ka leeyahay Shakull arimaha noocan ah oo haba yaraatee akhlaaqda toosan iyo diinta islaamka ee magaceeda uu huwan yahay aan midna u roonayn.

Si kastaba, waxaan ogsoonahay arinta ugu horeysa ee qofka markuu tago jigjiga laga doonayo inuu ka hadlo waa inuu muujiyo inuu u gafay Itobiya oo dambi ka galay, kana soo noqday wuxuu aaminsanaa, haddana uu diyaar u yahay inuu ka daba tago haday jiraan wax uu ku taray halganka Ogadenya ka socda.

Waxaa nalooga soo saaray xafiiska Cabdi iley warqad ay u qoreen (hoos ka fiiri)  kooxdii ka tirsanaan jirtay mashruuca SilentCry ee shilaamdka ka doortay mabada’ay aaminsanaayeen iyo saaxiibadood. Warqadaa ayay ku sheegayaan inay u yimaadeen Jigjiga say u beenin lahaayeen filimkii laga sameeyay dhibaatada shacabka loo gaystay, iyagoo codsanaya in arintaa laga taageero.

Somaali oo horey hadal u dhamaysay oo tidhi; – Dhariga maxaa karka ka keenay? Haatan; inay Itobiya ka raadiso caalamka kuna bixiso laaluush xoogan sidii loo keeni lahaa Jigjiga qurba-joogta Ogadenya iyagoon loo kala aabayeelin inuu yahay xubin firfircoon oo bulshada halgamaysa ka mid ah ama yahay kuwa la yidhaahdo noloshay ka dheceen, kuma iman gumaysiga oo loo foorarsado sida ka muuqata Somali badan ood moodo inay darajo ku gaadheen soo salaanka dhiigyacabka GA Meles Zinawi. Arintaa waxay ku timid dhiiga iyo geesinimada naftood-hurayaasha JWXO.

 

ONA.

 

 

La wadaag