Gacan-ku-dhiigle ayaa dil toogasha ah ku dilay amin barqadii ah 19kii bishan Ogosto Allaha u naxariistee Cabdirizaq Cabdi (Tiibaa) oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha Qaxootiga Somalida Ogadenya ee xerada Ifo oy maamulaan Qaramada Midoobay iyo Dawladda Kenya oo nabadgalyo siisay. Shahiid Cabdirizaq Tiibaa waxay da’diisu ahayd 50 jir wuxuuna ifka kaga tagay xaas ka kooban 3ex gabadhood iyo 6ex wiil.
Gacan-ku-dhiiglaha oo markii hore ka baxsaday goobta, ayay booliiska Kenya markii dambe soo qabteen, wuxuuna isku daygii baxsadkiisa ku dhaawacay sargaal ka mid ah booliskii qabtay oo ugu dambayntii dhigay xabsiga.
Wararka soo gaadhaya JWXO waxay muujinayaan inay jiraan qaar kale oo caawinayey gacan-ku-dhiiglaha. Waxaan ilaa hadda la baadhayaa qofka uu yahay dambiilaha iyo ujeedada uu u toogtay, iyadoo la sheegayo in mid kale la qabtay xalay oo loo haysto inuu ku lug leeyahay arintan.
Waa markii afaraad ee dil noocanoo kale ah loo gaysto muwaadiniin qaxootiga Ogadenya ee Kenya jooga sanadkan. 5tii Bishii Febraayo 2011 ayaa lagu toogtay xerada qaxaootiga ee Ifo- Dhadhaab Allaha u naxariistee Kamas Dhabar Jibarte iyadoo dhaawac halis ah uu gaadhay Roble Muse. Isla Febraayo 18kii 2011 waxaa lagu dilay magaalada Gaarisa Allaha u naxariistee Maxamad Dubad. Saddex bilood ka dibna oo ahayd 20kii bishii Juun ayaa laga afduubay Allaha u naxariistee Cabdi Cabdulaahi magaalada Nairobi oo maalin ka dib laga helay maydkiisii meel y ku soo tuureen. Inkastoo baadhitaano ay socdaan hadana wax loo qabtay ma jiraan dilalkaa foosha xun.
Xidhiidhka ka dhexeeya dhamaan dadkaa la dilay waxaa weeye inay ahaayeen dad ka soo horjeeda xukuumada Itobiya ee KT Meles oo diidan gumaysiga. Nidaamkan argagixiska ah ee lagu bartilmaansanayo qaar ka mid ah siyaasiyiinta shacabka Somalida Ogadenya ee jooga dawladaha dariska ah wuxuu sii shidi doonaa halganka ka socda Ogadenya wuxuuna gaadhsiin doonaa heer cusub oon horey loo arag taasoo wiiqi doonta nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika.
Wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonaa.
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya.
Press Release
August 20, 2011
A gunman shot and killed the late Cabdirizaq Cabdi (Tiibaa), may Allah have mercy on him, in the late morning of the 19th of this month of August. He was one of the leaders of the Somali Ogadenia refugees in Ifo camp, which is run by the United Nations and the Government of Kenya, which provides its security. The martyr Cabdirizaq Tiibaa was 50 years old and leaves behind a family of 3 daughters and 6 sons.
The gunman, who initially fled the scene, was later caught by the Kenyan police. During his attempt to escape, he wounded one of the police officers who arrested him, and he was eventually put in jail.
Reports reaching the ONLF indicate that there were others who were assisting the gunman. The identity of the perpetrator and his motive for the shooting are still under investigation, and it is reported that another person was arrested last night who is suspected of involvement in this matter.
This is the fourth time this year that a killing of this kind has been carried out against Ogadenia refugee citizens living in Kenya. On the 5th of February 2011, the late Kamas Dhabar Jibarte, may Allah have mercy on him, was shot dead in the Ifo-Dhadhaab refugee camp, while Roble Muse was seriously wounded. On 18 February 2011, the late Maxamad Dubad, may Allah have mercy on him, was killed in the town of Gaarisa. Three months later, on the 20th of June, the late Cabdi Cabdulaahi, may Allah have mercy on him, was abducted in the city of Nairobi, and a day later his body was found where it had been dumped. Although investigations are under way, nothing has been done about those heinous killings.
The link between all of those killed is that they were people opposed to the Ethiopian government of PM Meles who rejected colonialism. This terrorist system of targeting some of the politicians of the Somali people of Ogadenia living in neighbouring countries will further inflame the struggle taking place in Ogadenia and bring it to a new level never seen before, which will undermine peace and stability in the Horn of Africa.
We will keep you informed of any further developments.
Ogaden National Liberation Front (ONLF).AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
