Opens in a new tab

Warsaxafadeed – Somaalida Ogadenya oo Dacweynaysa Itobiya

ONA13 February 2012
Read in English

Qareeno ka socda Jaaliyadda Somalida Ogadenya ee dalka Koonfu Afrika ayaa u gudbinaya dacwad iyagoo cuskanaya Mucaahadada Rooma 27aad – 2007 ee Hirgalinta Qaanuunka Maxkamada Caalamiga ee Dambiyada. Mucaahadadaa oo dalka Koonfur Afrika uu aqoonsan yahay.

Waxaa la hordhigi doonaa dacwadaha xafiiska Komishineerka Booloska, Madaxa Booliska Koonfur Afrika, Agaasinka Dambi Baadhista, Xeer Ilaliyaha Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada Hague.

Waxaa la horkeeni doonaa markhaatiyo muujinaya dambiyada laga galay xuquuqul insaanka jaaliyadda Somaliyeed ee Ogadenya. Sidoo kale, waxay ka codsanayaan qareenada in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo arimahaa oo hadii la xaqiijiyo la xukumo kuwii dambiyadaa ka galay shacabka daraja kasta haka joogo xukuumadda iyo ciidanka Itobiya.

Ka soo qaybgalayaasha waxaa la xasuusinayaa in;

Taariikhda la qabanayo : 15ka Feberaayo 2012

Waqtiga : 11ka Subaxnimo.

Goobta waa : 1st Floor, The Newtown, 37 Quinn Street. Newtown, Johannesburg

kala xidhiidh : Najiyya telka: 011 8361731

Ibrahim Vawda
Senior Researcher – Media Review Network
Tel: 012 374 6987
Cell: 072 295 0088
Email: webmaster@mediareviewnet.com

 

ONA.

 

La wadaag