Ciidanka jwxo waxa uu weerar iyo kamiino joogto ah ku qaaday ciidanka cadawga, kuwaas oo uu ku gaadhsiiyay khasaare kala duwan
Dagaaladan oo isugu jiray Weerar, Mir, Dhabbagal, iyo Iskudhacyo , ayaa dhamaan waxaa gacanta sare ku lahaa Ciidanka Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya ,waxaana lagu sadqeeyay oo dhagta dhiiga loo daray in kabadan 14 askari oo ciidanka cadawga ahaa ,sidoo kale waxaa lagu dhaawacay 13 askari oo qaarkood ay halis ahaayeen, dagaaladaas ayaa lagaga furtay hub iyo saanad ciidan oo kala duwan. Dagaaladan lagu jabiyay cadowga waxa ay dhaceen 27 bishi January ilaa 7 Bisha February ee sanadkan 2012.
Dagaaladaasina waxay u kala dhaceen sidan
27/1/12 Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Wardheer waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 5 sakri waxaana lagaga dhaawacay 4 kale
29/1/12 Dagaal ka dhacay Duud-ciid ku yaal duleedka magaalada Qabari-dahar waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari tira kalana waa lagagag dhaawacay
2/2/12 Weerar lagu qaaday ciidan roondo ah magaalada Wardheer waxaa cadawga lagaga dilay 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale
6/2/12 Duumo oo ka tirsan degmada Baabili fal cadawga lagu fuliyay waxaa lagaga dilay 4 sakar tirokalena waa lagaga dhaawacay
7/2/12 Dagaal ka dhacay Buuralayda Bhabajiriso oo ku dhaw magaalada Birqod waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale
Waxaa kale oo jira dagaalo aanaan ilaa hada faahfaain buuxda laga hayn kuwaas oo u badnaa dagaalo habeenimo waxayna ka kala dhaceen ,Garbo,hareeri wadhi, lafta balalada, lo’ gargaar haro shiniile,iyo ceel madigaan,
Wararka gudaha Ogadeniya kala soco ONA.
ONLF forces have carried out continuous attacks and ambushes against enemy troops, inflicting various losses on them
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
