Ka dib markii kor loo qaaday tayada iyo tababarka CWXO oo lagu biiriyay ururo si gaar ah u tababaran oo loogu talagalay inay fuliyaan hawlaha gaarka ah (commando operations), waxaa ciidamada cadawga lala beegsaday bilihii la soo dhaafay weeraro isdaba joog ah oo khasaare baaxad leh gaadhsiiyay cadawga. Hawlgalada ay naftood-hurayaasha ka fuliyeen meela kala duwan oo dalka ka mid ah ayaa niyadjab weyn ku riday cadawga, sida ay ilo-wareedyo ka agdhow xafiisyada cadawga na soo gaadhsiiyeen in saraakiisha cadawga oo jahawareersan ay go’aano shacabka lagaga aargoosanayo qaateen kuwaasoo la fashilin doono.
Dagaaladii ugu dambeeyay een helnay waxaa ka mid ah hawlgal laga fuliyay Qolaji oo u dhexeysa Baabili iyo Jigjiga, halkaasoo ay CWXO dhabada u galeen baabuurta cadowga oo wadada socotay. Halbaabuur ayaa la burburiyey oo khasaare weyn lagu gaadhsiiyey wixii saarnaa.
29/9/2011 dagaal ka dhacay ceelka Eybar cade oo ka tirsan degmada Dhanaan waxaa cadawga lagaga dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.
2/10/2011 waxay CWXO kamiin ka Kaleen wadada u dhaxaysa Docol iyo Shilaabo waxayna halkaas kaga dileen ciidanka cadawga 5 askari waxaana lagaga dhaawacay 6 kale. Waxay soo sheegeen dadka shacabka ah in 2dii bishan deegaanka Raaso ay weerar ku qaadeen dad shacab ah ciidamada ka amarqaata ina Iley oy halkaa ku dileen 3 qof oo shacab ah kuna dhaawaceen 8 kale. waxayna ay la wareegeen in ka badan 100 qori oo ay lahaayeen dadkaasi.
Isla 2dii Bishan baabuur ay wateen ciidamada cadawga oo si argagax wadada uga baxay meesha lagu magacaabo Uubataale waxaa ku dhaawacmay 11 dabaqoodhi.
5/10/2011 fal ay si badheedh ah CWXO uga fuliyeen suuqa maagalada Qoriile waxaa lagu dilay hal askari oo cadawga ah.
7/10/ 2011 dagaal ka dhacay ceelka caanka ah ee Bulaale waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 11 askari waxaana lagaga dhaawacay 15 askari oo kale
8/10/2011 dagaal ka dhacay magaalada Dhagaxle waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 1 askari mid kalana waa lagaga dhaawacay.
9/10/2011 dagaalka dhacay Maroodiga oo ka tirsan deegaanka Garbo waxaa cadawga lagaga dilay 2askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dhanka kale waxaa jira xadhig iyo tacadiyo isugu jira jidh-dil iyo toogasho oo cadawga uu meela kala duwanoo dalka ka mid ah ka fuliyay. Tacadiyadaa uu cadawga kaga aargoosanayo dadweynaha shacabka ah ayaa hadda noqday qodob meela badan oo caalamka ah laga hadal hayo ka dib markii ay jaaliyadaha Ogadenya gaadhsiiyeen meela kala duwan.
ONA.
After the quality and training of the ONLA were raised and specially trained units designed to carry out special operations (commando operations) were incorporated into it, enemy forces have in recent months been targeted with successive attacks that inflicted extensive losses on the enemy. The operations carried out by the self-sacrificing fighters in various parts of the country have dealt a major blow to the enemy's morale, as sources close to the enemy's offices have informed us that the confused enemy officers have taken decisions to retaliate against the civilian population, which will be thwarted.
Among the latest battles we have received is an operation carried out at Qolaji, which lies between Baabili and Jigjiga, where the ONLA ambushed enemy vehicles that were travelling along the road. One vehicle was destroyed and heavy losses were inflicted on those aboard it.
On 29/9/2011, in a battle that took place at the Eybar cade well, which belongs to Dhanaan district, 2 enemy soldiers were killed and 3 others were wounded.
On 2/10/2011, the ONLA laid an ambush on the road between Docol and Shilaabo, where they killed 5 soldiers of the enemy forces and wounded 6 others. Civilians reported that on the 2nd of this month, in the Raaso area, forces taking orders from Ina Iley attacked civilians, killing 3 civilians there and wounding 8 others, and they seized more than 100 rifles that belonged to those people.
On the same day, the 2nd of this month, a vehicle carrying enemy forces veered off the road in panic at a place called Uubataale, and 11 militiamen were injured.
On 5/10/2011, in a deliberate operation carried out by the ONLA in the market of the town of Qoriile, one enemy soldier was killed.
On 7/10/2011, in a battle that took place at the well-known Bulaale well, 11 soldiers of the Woyane forces were killed and 15 other soldiers were wounded
On 8/10/2011, in a battle that took place in the town of Dhagaxle, 1 soldier of the enemy forces was killed and another was wounded.
On 9/10/2011, in the battle that took place at Maroodiga, which belongs to the Garbo area, 2 enemy soldiers were killed and 3 others were wounded.
On the other hand, there are arrests and abuses ranging from torture to shootings that the enemy has carried out in various parts of the country. These abuses, through which the enemy is taking revenge on the civilian public, have now become an issue being discussed in many places around the world after the Ogadenia diaspora communities brought them to various places.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

