Opens in a new tab

Weeraro Ciidanka ONLF ku Qaaday Kuwa Cadowga ah oo uu kaga Dilay in Kabadan 30 Askari oo Ethiopian ah.

ONA14 February 2012
Read in English

Waxa Wakaalada Wararka Ogadeniya (ONA) soo gaadhay daggaalo horey u dhacay oo khasaaraha cadowga la gaadhsiyay aan hadda helnay tafaasiishooda. kuwaas oo dhacay dhamaadki bishii January iyo horaanti bishan Febraayo halkaas oo guud ahaan Woyanaha looga dilay in ka badan 30 Askari. Ciidanka jwxo oo dagaalo joogto ah lagala ciidamada doolka ah ee u soo tafaxaytay in ay dadka ogaadeenya  ku dulnoolaadaan islamarkaana hantaan oo ay gacanta ku dhigaan khayraadka raabaanka ah ee  ceegaaga dhulka ogaadeenya, ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay goobaha dagaalka

Ciidanka JWXO oo lagu yaqaan  adkaysi iyo dhiirranaan goobaha dagaalka ayaa marwalba waxa uu cadawga  gaadhsiiyaa khaasare naf iyo maalba ah

Hawlgaladii ugu danbeeyay ayaa waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  in ka badan  30 askari  iyadoo dhaawac badana loo gaystay

Dagaaladii ugu danbeeyay ee nasoo gaadhayna waxay kala dhaceen.

23/1/12 Dagaal ka dhacay Qudhaca
cabdi dheere   ee deegaanka Marsin waxaa ciidanka cadawga  lagaga dilay 5askari  waxaana lagaga dhaawacay 3kale

23/1/12 Dagaal ka dhacay Camalay oo ka tirsan Danood  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 5 askari  8 kalena waa lagaga dhaawacy

24/1/12 Dagaal ka dhacay  Quruuruxle  oo ka tirsan  degmada Shaygoosh  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 7askari  waxaanana lagaga dhaawacay 5kal

27/1/12 Dagaal ka dhacay Doofaare oo ka tirsan degmada Danood  waxaa ciidanka cadawga lagag dilay 3 asakri waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

31/1/12 dagaal ka dhacay  Hula oo ka tirsan degmada   Sagag waxaa ciidamada cadawga lagaga  dilay 3 askari  waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

7/2/12 Dagaal ka dhacay Likolay oo ka tirsan  deegaanka  Garbo waxaa ciidanka cadawga  lagag a dilay 5 askari.

2/2/12 Dagaal ka dhacay  Maakuule   oo ka tirsan iimay bari waxaa cadawga kaga  dhintay  3 illaa 5 askari.

8/2/12 Dagaal ka dhacay   Hulla  oo ka tirsan degmada Sagag  waxaa ciidanka cadawga  lagaga dilay 2Askari.

8/2/12  Dagaal ka dhacay  Dooya khadaro oo ka tirsan degmada Dhuxun waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  hal askari.

Waxaa kale  oo jira dagaalo aanaan wali ka hayn faahfaahi   rasmi ah   sida

Duud-eriile,Digo-wayne,Garbaalayo,colfadhiisay, shiil barako,fadala-wayn,Cagajugle, magaalo-cad, Qabriga faarax cigaal,iyo dusmo.

ONA

La wadaag