
Maqaal aad u xiisa badan ayuu arintaa ka qoray Mr. Thomas C. Mountain oo ah saxafi madaxbanaan oo wax ka qora arimaha Geeska Afrika, isagoo ku bilaabay maqaalkiisa;
Sanadkii 2006dii ayuu beeralay Somali ah suuqa keenay dalagii uga soo baxay beertiisa, isla waqtigaa ayay haya’adda WFP bilowday inay u qaybiso Somalida raashinkii sanadka dhan loogu talagalay. Kumanaan tan oo raashin lacag la’aan ah oo suuqa la soo dhoobay waxay ku kaliftay beeralaydii Somaliyeed inay waayaan qof wax ka iibsada ka dibna sidaa ayay ku khasaareen.
Kumanaan beeralay Somali ah oo cadhaysan ayaa ku soo banaanbaxay meelihii ay WFP wax ku qaybinayeen. Si ay xaaladda u dajiyaan waxay ballan qaadeen WFP inay baadhitaan ku samaynayaan arinta, waxayna cadeeyeen inay khalad ka galeen beeralayda Somaliyeed taasoo aan dib dambe u dhici doonin.
Hasa ahaatee 2007dii ayay sidii horoo kale WFP suuqa u keeneen una qaybiyeen raashin mucaawano ah laakiin markan waxaa ilaalinayay ciidankii Itobiyaanka ahaa. Afar sano ka dib oo raashinkaa kolna la keenayay kolna la waynayay, abaaraha inta badan Somaliya ku dhuftay miyaan la odhan karin WFP ayaa qayb ka ah oo musmaarkii ugu dambeeyay ku dhuftay naxashkii la saaray beerihii Somaliya.
Mr. Thomas C. Mountain wuxuu intaa raaciyay inay ku saxsanaayeen Shabaabka markay ka soo eryeen WFP meelaha ay gacanta ku hayaan Kuunfurta Somaliya. Wuxuu isweydiiyay iyadoo dhowr bilood ka hor un ay WFP 70% ka jareen raashinkii ay siin jireen milyanka qof ee Somalida ah miyaan rumaysan karnaa maanta inay yidhaahdaan waxaan ka walwalsanahay dhibaatada ay abaaraha u keeneen shacabka Somaliyeed?
Wuxuu yidhi oo kale; WFP waxay ka mid tahay haya’daha yar ee loo ogolaaday inay ka dhex shaqeeyaan Ogadenya oo daris la ah Somaliya. Waxay mamulaan dhowr meeloo ay riwaayad ahaan wax ku qaybiyaan, iyagoo aan wax la sheego oo raashin ah u gaynin afartii sanee la soo dhaafay 90% dadka ku tabaalaysan Ogadenya oo abaaraha Geeska Afrika ku dhuftay ay dhibaateeyeen. Kobtan waa meesha ay ciidmada Itobiya iyo jabhadda ONLF ay ku dagaalamayeen tobankii sanee la soo dhaafay. WFP talaabada ay qaaday ee ah inay meelaha ay joogaan ONLF aysan raashinka geynin waxay ka mid tahay istraatiijiyada lagula dagaalamo jabhadaha ee ah, “hadadan kaloonka soo qaban karin, baliga ka madhi biyaha (“if you can’t catch the fish, drain the lake”.)
Laba bilood ak hor ayay koox WFP ah oo ka soo noqday goob ay daganaanyeen si khalad ah oga leexdeen wadadii ay ciidamada Itobiya u sheegeen inay maraan, ka dibna waxay ka soo dul dheceen meel ay ciidamada Itobiya ku laynayeen oy ku boobahayeen dad shacab ah oo lagu eedeeyey inay taageero siiyeen jabhadda ONLF. Sida muuqata waxay isku dayeen ina dib isu majiiraan hasa ahaatee ciidankii Itobiya ee laynta u joogay meesha ayaa ku furay rasaas oo kobtii ku dilay mid ka mid ah shaqaalihii WFP kuwii kaloo dhaawac ahna xeradii ciidanka ayay ula keceen.
Waxay isla waqtigiiba ku dhawaaqday Itobiya inay argagixisada ONLF soo weerareen kooxda WFP oy dileen mid ka mid ah, kuwii kalena afduubeen, hasa ahaatee ay ku daba joogaan.
Laba maalin ka dib ayay ciidankii ONLF weerar ku qaadeen xeradii lagu haystay kooxda WFP oy ka soo furteen iyagii iyo qaar kaloo maxaabiis ah oo kobtaa ku xidhnaa. Waxay Itobiya ku raadisay dayaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca, hasa ahaatee kuma aanay guulaysan oo kooxdii WFP iyagoo nabad qaba ayay jabhadda ONLF ku wareejiyeen WFP iyagoo filayay inay WFP runta ka sheegto siday wax u dheceen, hasa ahaatee ilaa maanta arintaa kama aanay hadlin, mana aanay cambaareynin dilka loo gaystay shaqaalaheeda.
Xaasaska kuwii la soo daayay waxay ku noolyihiin meelaha ay ciidanka Itobiya maamulaan. Sidoo kale dadka la gubay tuulooyinkoodii, ama la laayay reerahoodii xaalkoodu waa afkiina haysta ama sidii loo galay kuwii idnka horeeyay umbaa laidiin gali. Wuxuu qoraaga caalamka weydiiyay, siduu ku ogaan karaa caalamka dadkaa reerahooda la laayay hadii laga soo eryay Ogadenya haya’dihii oo idil (the Red Cross, Doctors Without Borders and WFP). Waa sheeko dhamaatay.
Wuxuu ku soo gunanaday; 10 malyan oo Somali ah oo ku nool Ogadenya ayaa abaaraha la liita iyo cunaqabataynta la saaray, WFP-na arintaa way ka aamusantahay, sidaa darteed way kula jirtaa xasuuqa.
Hadaba WFP inay tahay khayr wade iyo inaysan ahayn adiguba xukun.
Thomas C. Mountain
A very interesting article on this matter was written by Mr. Thomas C. Mountain, an independent journalist who writes about Horn of Africa affairs, who began his article as follows:
In 2006, Somali farmers brought the crops from their farms to market, and at the same time the WFP agency began distributing to Somalis the food intended for the entire year. Thousands of tons of free food dumped on the market left the Somali farmers unable to find anyone to buy from them, and as a result they suffered losses.
Thousands of angry Somali farmers demonstrated at the places where the WFP was distributing. To calm the situation, the WFP promised to investigate the matter, and they acknowledged that they had wronged the Somali farmers and that it would not happen again.
However, in 2007 the WFP, just as before, brought aid food to the market and distributed it, but this time it was guarded by the Ethiopian troops. After four years of this food sometimes being brought and sometimes being withheld, can it not be said, regarding the droughts that have struck much of Somalia, that the WFP is partly responsible and drove the final nail into the coffin of Somalia's farms?
Mr. Thomas C. Mountain added that Al-Shabaab were right when they expelled the WFP from the areas they control in southern Somalia. He asked: given that only a few months ago the WFP cut by 70% the food they used to give to a million Somalis, can we believe them today when they say, "We are concerned about the hardship the droughts have brought to the Somali people"?
He also said: The WFP is one of the few agencies permitted to operate inside Ogadenia, which neighbours Somalia. They run a few places where they distribute aid as a show, while for the past four years they have delivered no food worth mentioning to the 90% of the destitute people of Ogadenia who have been hit hard by the droughts that struck the Horn of Africa. This area is where the Ethiopian forces and the ONLF front have been fighting for the past ten years. The WFP's step of not delivering food to areas where the ONLF is present is part of the strategy used to fight liberation fronts, namely, "if you can't catch the fish, drain the lake."
Two months ago, a WFP team returning from a site where they had been staying mistakenly strayed from the road the Ethiopian forces had told them to take, and they then came upon a place where Ethiopian forces were massacring and looting civilians accused of supporting the ONLF front. Apparently they tried to turn back, but the Ethiopian troops who were carrying out the massacre opened fire on them, killing one of the WFP staff on the spot, and took the others, who were wounded, to the army camp.
At the same time, Ethiopia announced that ONLF terrorists had attacked the WFP team, killed one of them and kidnapped the others, but that they were in pursuit.
Two days later, ONLF forces attacked the camp where the WFP team was being held and freed them along with other prisoners being held there. Ethiopia searched for them with helicopter gunships, but did not succeed, and the ONLF front handed the WFP team over to the WFP safe and sound, expecting the WFP to tell the truth about what had happened. However, to this day they have not spoken about the matter, nor have they condemned the killing of their staff member.
The families of those who were released live in areas controlled by the Ethiopian army. Likewise, those whose villages were burned, or whose families were massacred, are in the situation of "keep your mouths shut, or what was done to those before you will be done to you." The writer asked the world: how can the world find out about those people whose families were massacred if all the agencies (the Red Cross, Doctors Without Borders and WFP) have been expelled from Ogadenia? End of story.
He concluded: 10 million Somalis living in Ogadenia are suffering from the droughts and the blockade imposed on them, and the WFP is silent about this; therefore it is complicit in the genocide.
So, whether the WFP is a bringer of good or not, you be the judge.
Thomas C. MountainAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
