Opens in a new tab

Xabsiga Garabcase ee Magaaalada Jigjiga Waxaa lagu Ciqaabaa Maxaabiis Kala Duwan oo ah Muwaadiniin DDS ka Soo Jeeda

ONA1 April 2026
Read in English

Waxaa isa_soo taraya warbixinta xaaladaha ka taagan xabsi u samaysan nidaam qarsooni ah oo lagu xidho shacab tira badan mararka qaar kasoo aan lahayn adeegyo xabsi loona ogolayn booqoshooyinka ehelka dadka la afduubto ee ku xidhan xabsigan ku yaala Jigjiga .

Xoogaysiga dhibka joogtada ah ee lagu hayo dad tira badan oo ku xidhan xabsigan ayaa jira ayagoo ay la kulmaan maxaabiistan aan maxkamado lagaynin sidoo kalana qoysaskooda laga qariyay tacadiyo garaac iyo cunayari dhalisay in caafimaad_koodu daraado.

waxaana horaanta sanadkan isku dayay inay baadhitaan ku sameeyaan koox xuquuqul insaanka ka shaqeeya oo ka timid Adissababa, lakiin Ciidamada qaabilsan haynta maxaabiistan oo ilaa xiligii EPRDF haysta taba_barada ciqaabaha ayaa ka qariyay mudada baadhitaanka kooxaha ayagoona geeyay Guryo loo badalay nidaam xabsi .

Ogaden News Agency ONA

La wadaag