Wax walba hadii laga cafiyo Cabdi iley oo laga soo qaado inuu u samaynayay suu ugu soo boxo looltankii ka dhexeeyay gumaysi kalkaalka, miyaa laga cafin karaa dadka boqolaalka ah ee dambi la’aanta uu ku dilay suu maamulka Jigjiga u qabsado, boqolaalka xabsiga intuu dhigay aan dib dambe loo arag, boqolaalka gabdhood ee sharafta lahaa oo isagoo wada garanaya uu u gayn jiray saraakiisha gumaysiga ama uu ku fasaxay maxaysatada uu abaabulay.
Cabdi iley waxaa booska la keenay markii saraakiisha Wayaanaha ay go’aansadeen inay shacabka S.Ogadenya laayaan si aanay dib dambe ugu soo hadal qaadin xoriyad iyo aaya-ka-tash. Go’aanka noocan ah markuu gaadho gumaysigana wuxuu ku fuliyaa gacanta dadka uu gumaysto oo fulisa jariimadaa, taasoo ujeedada ka dambaysa ay tahay;
1- In dambiga uu shacaba ka galayo goorada laga saaro shacabkii uu laayay si loo yidhaahdo idinkaa dhexdiina isleynayay.
2- In dagaal sokeeye uu ka dhex huriyo shacabka oo gacan ku-dhiiglaha laynaya shacabka loo aaneeyo reer oo lagaga aargoosto sababtiisa.
Dhibaato aan waligeed ka dhicin Ogadenya ayuu Cabdi iley gacantiisa ku fuliyay isagoo gumaysiga Itobiya kula gorgortamaya. Mana ah arin la iloobi doono. Waxaa la hayaa magacyada dadkuu dilay iyo dadkuu sheegay inuu ku xidhayo Jigjiga oon ilaa iyo hadda la ogayn nolol iyo dhimasho. Waxaa la hayaa dadkii lagu jidh dilay xabsiyada oo qaarkood ay u naafoobeen.
Waxaa xasuusta galay hadalkii uu ka sheegay idaacadda BBC-da ninkii ku hadlayay magaca odayaasha reer Dirdhaba ee lahaa markaan u dacwoonay Cabdi iley ayuu nugu yidhi; “… kursigan aan ku fadhiyo waxaan ku aasay hoostiisa ina-adeerkay oon soo dilay.” waana runtii taasi oo been uma aanu sheegin odayaashaa.
Cabdi iley wuxuu la mid yahay General Nguyen Ngoc ee gacantiisa ku toogan jiray dadka maxaabiista ah dagaalkii Vietnam, waxaana hubaal ah inuu ka macna daran yahay, sababtoo ah waxaa la hayaa haween da’a ah oo gacantiisa uu ku qaraacay Cabdi iley. Waa la hayaa taariikhda Cabdi iley iyadoo dhamaystiran.

Waxyaabaha lagu qoslo ee loo jilay sida filimadii Mafia-yada waxaa ka mid ah xadhiga la sheegay inuu soo xidhay Cabdi iley ninkii u ahaa lataliyihiisii arimaha amniga Cabdi Bade oo u sii raacay sida la sheegay meelihii la yidhi wuu soo marmaray. Shaki kuma jiro inuu Cabdi bade yahay gacan-ku-dhiigle si naxariis dara ah oo –sadistic- ah (kuwa ku raaxaysta jidh dilka banii aadamka) ugu gumaadi jiray xabsiga loo yaqaano Jeel Ogaden dadka masaakiinta ah. Ujeedada hadda loo xidhay maxay tahay? Malaga yaabaa inuu Cabdi iley iska dhaadhiciyay, nacaybka loo qabo gacan-ku-dhiiglahan darteed in lagu iloobayo inay dadweynaha is-weydiinayaan su’aasha ah; Yaa dadka jeel Ogadeen ugu xidhnaa Cabdi bade u keeni jiray?.
Arimahanoo idil, sida socdaalkii riwaayada ahaa ee Cabdi iley iyo Cabdi bade ay jilayeen, hadana la sheegay in xabsiga loo taxaabay gacan-ku-dhiigle Cabdi bade markay qiimeeyeen dadkii shacabka ahaa ee daganaa degmada Bookh (sow ma’aha sheeko lagu qoslo !!) oo ku eedeeyay inuu ahaa dhiigyacab guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ka galay dambiyo iyo jariimooyin kala duwan, waxay muujinaysaa in uu fashilmay mashruucii laynta iyo cabudhinta shacabka.
Riwaayadda uu hadda dhigayo Cabdi iley, ee kolba sawirada uu leeyahay iga qaada, mar isagoo hooyo reer miyi ah garabka haysta, marna islaan gacnta ka dhunkanaya … ujeedada uu ka leeyahay isaga iyo gumaysiga fariimahaa u soo dhiibay haday tahay in lagu iloobo dambiyada xad dhaafka ahee uu ka galay shacabka S.Ogadenya oo mararka qaarkood si isir baadh ah loogu layn jiray miyiga, waxaa hubaal ah inay dambiile Cabdi iley iyo gumaysigaba laf toobin ku hayaan.
Riwaaydahanoo idil waxay muujinayaan inuu fashilmay ololihii naxariis darada ahaa ee lagu qaaday shacabka S.Ogadenya ee loo wakiishay Cabdi iley iyo la taliyihiisii Cabdi bade. Mana ah dambiyada laga galay shacabka S.Ogadenya mid ay soo alifeen labadan mujrim ee jilaya.
Dambiga laga galay shacabka Somaalida Ogadenya ee ilaa hadda socda waxaa ka masuul ah dhiigyacab Meles Zinawi, isaga oo kali ah umbayna tahay in maxkamadda la horkeeno, ka dibna kuwii gacantooda ku fulinaya amarka la siiyo uu ugu horeeyo mujrimka Cabdi iley.
ONA.
Even if Cabdi iley were forgiven for everything, and it were accepted that he did what he did in order to come out on top in the rivalry among the colonial collaborators, can he be forgiven for the hundreds of innocent people he killed in order to seize the administration in Jigjiga, the hundreds he put in prison who were never seen again, and the hundreds of honourable girls whom, knowingly, he used to deliver to the colonial officers or let loose on the militias he had mobilised?
Cabdi iley was brought into the position when the Woyane officers decided to massacre the people of Somali Ogadenia so that they would never again speak of freedom and self-determination. When the coloniser reaches a decision of this kind, it carries it out through the hands of the people it colonises, who commit that crime, and the purpose behind this is:
1- That the crime it is committing against the people be lifted off it and removed from the very people it massacred, so that it can be said: you were the ones killing each other among yourselves.
2- That it ignite a civil war among the people, with the blood-handed one massacring the people being attributed to a clan, so that revenge is taken on that clan because of him.
Cabdi iley carried out with his own hand a catastrophe that had never before happened in Ogadenia, while bargaining with the Ethiopian coloniser. Nor is it a matter that will be forgotten. The names of the people he killed are on record, as are those of the people he said he was detaining in Jigjiga, whose fate, whether alive or dead, is still unknown to this day. Records are held of the people who were tortured in the prisons, some of whom were left disabled as a result.
What has stuck in memory is what was said on the BBC radio by the man speaking on behalf of the elders of Dirdhaba, who said that when they complained to Cabdi iley, he told them; "... beneath this chair I sit on, I have buried my cousin whom I killed." And that is indeed the truth; he did not lie to those elders.
Cabdi iley is like General Nguyen Ngoc, who used to shoot prisoners with his own hand during the Vietnam War, and it is certain that he is even more wicked, because there are records of elderly women whom Cabdi iley assaulted with his own hand. The history of Cabdi iley is on record in its entirety.
Among the laughable things that have been staged, like the Mafia films, is the arrest that Cabdi iley is said to have made of the man who was his adviser on security affairs, Cabdi Bade, who reportedly accompanied him to the places he was said to have toured. There is no doubt that Cabdi bade is a blood-handed man who, in a merciless and sadistic manner (those who take pleasure in torturing human beings), used to brutalise poor people in the prison known as Jail Ogaden. What is the purpose of arresting him now? Perhaps Cabdi iley has convinced himself that, because of the hatred felt toward this blood-handed man, people will forget to ask themselves the question: who brought Cabdi bade the people who were held in Jail Ogaden?
All of these matters, like the theatrical tour that Cabdi iley and Cabdi bade were acting out, and now the report that the blood-handed Cabdi bade was dragged to prison after the civilians living in Bookh district assessed him (isn't that a laughable story !!) and accused him of being a bloodsucker who committed various crimes and atrocities against Somali society in general, show that the project of massacring and suppressing the people has failed.
As for the play that Cabdi iley is now staging, in which he keeps saying "take pictures of me", at one moment holding a rural mother by the shoulder, at another kissing the hand of an old woman ... if the purpose that he and the coloniser who handed him these messages have in mind is to make people forget the excessive crimes he committed against the people of Somali Ogadenia, who at times were massacred in the countryside on the basis of clan identity, it is certain that both the criminal Cabdi iley and the coloniser are flogging a dead horse.
All these plays show that the merciless campaign launched against the people of Somali Ogadenia, which was delegated to Cabdi iley and his adviser Cabdi bade, has failed. Nor are the crimes committed against the people of Somali Ogadenia something that these two play-acting criminals invented themselves.
Responsible for the crime committed against the Somali people of Ogadenia, which continues to this day, is the bloodsucker Meles Zinawi, and it is he alone who ought to be brought before the court, followed by those who carry out with their own hands the orders they are given, foremost among them the criminal Cabdi iley.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

