Opens in a new tab

Xagay ku Dambaysay Arintii Sihaam Siciid?

ONA4 April 2026
Read in English

Sidii aan lawada soconay waxaa dhawaan magaalada Jigjiga dil iyo kufsi loogu gaystay gabadh siqiir ah oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Jigjiga.

Sihaam Siciid oo dugsi loo diray ayaa maydkeeda laga helay meel qashin qub ah waxaana baadhitaankii lagu ogaaday in la kufsaday ka hor dilka siqiirka.

Laamaha Amaanka ee DDS ayaa shacabka u sheegay in ay dad usoo qabteen falka foosha xun ee Jigjiga ka dhacay, balse taas ayaa ahayd dajin iyo seexin shacabka lagu marin habaabinayay.

Ilaa hada majiro war kasoo baxay Booliiska Deegaanka oo la xidhiidha meesha uu wax marayo marka laga tago hadalkii hore ee dajinta ahaa.

Horay waxaa magaalada Jigjiga iyo guud ahaan dalka Ogadenia uga dhacay falal noocan ah oo ay gaysteen dad kamid ah qoomiyadaha dalka lagu naas-nuujiyo ee Itoobiya.

Shacabku wax rajo ah kama qabaan in wax laga qaban doono falalka noocan ah, mana filayaan in shacabka awood loosiin doono in ay iska celiyaan dadka lagu soo daad gureeyay ee dhaqamada xun xun soowaarida.

ONA.

La wadaag