
Shacabka S.Ogadenya oy JWXO hogaaminayso iyo cadawga Itobiya waxaa ka dhexeeya halgan adag oo dhiig badan uu ku daadanayo. Arintaa caalamka ma mooga, hasa ahaatee Itobiya sidii dhaqanka u ahaa gumaysiga waxay aad isugu taxluujisaa inay abuurto jawi ah in looltanka siyaasadeed iyo dagaalka ka socda Ogadenya uu yahay mid u dhexeeya JWXO oy nabadiid ku tilmaanto iyo maamulka ay ka dhistay Jigjiga oy u sawirto inuu is-xukumo.
Xagga siyaasadda waxay u xilsaartay inay ku hadlaan afkeeda kooxihii is-dhiibay iyo inta la socota, xagga ciidamada iyo dagaalkana waxaa loo xilsaaray Cabdi iley iyo maamulkiisa.
Sidaa darteed markasta oo dagaal adag uu dhex maro labada ciidan oo jab balaadhan uu soo gaadho cadawga, waxay Itobiya kaga jawaabtaa marka la weydiiyo dagaalkaa siduu u dhacay inaysan ciidamadeeda ku shaqa lahayn oo dagaalku uu dhex maray koox ONLF ah iyo booliiska deegaanka oo waliba siday yidhaahdaan marwalba ay taageerayeen dadka deegaanka. Waxaa durbadiiba ku xigsada Cabdi iley iyo kooxdiisa oo soo wadha sawiro iyo dad shacab ah oo laga hadalsiinayo iyo kooxo durbaano iyo sacaba tumaya oo leh waxaan soo laynay nabadiidkii. Hadafka ugu dambeeya ee gumaysiga uu ka leeyahay qorshahana waa inay ONLF u jawaabto gumaysi ag-oolka oy la ficiltanto, halkaana ay ku lunto xaqiiqada dhabta ah ee dhulka taala iyo jabka soo gaadhay ciidamadeeda.
Cabdi iley iyo aaladiisa dacaayadeed muddo aan ka yareyn 3ex maalin ayay la jahawareer-sanaayeen dagaalkii kadis ahaa ee lagu qabsaday xerada Galaalshe, waxayna ka sugayeen fariin Addis-ababa oo ku mashquulsanayd dabaaldagga Meles. Dadbadan oon kala hadalnay Jigjiga waxay intaa lahaayeen Cabdi iley murugo badan ayaa ka muuqata wuxuuna diiday inuu cidna la hadlo.
Hadaan xoogaa warbixin yar oo hordhac ah ka bixino khasaaraha soo gaadhay cadawga dagaalkii lagu qabsaday xerada Galaalshe waa sidan;
1. Dhimashada la hubo ilaa hadda waa 273 ay 17 yihiin saraakiishii xerada.
2. 147 la soo qafaalay oo u xareysnaa tababar hawaarin ayaa laga sii daayay.
3. Waxaa xabsiga laga sii daayay oo kale dad badan oo u xidhnaa gumaysiga.
4. Gaadiidka lagu gubay xerada waa 4.
5. Hubka iyo agabka kale ee laga furtay waa xad dhaaf gadaal ayaanan ka soo faahfaahin doonaa.
Waxaa intaa dheer dagaal kale oo lagu naafeeyay ciidamadii gurmadka ahaa.
ONA.
Between the people of Ogadenia, led by the ONLF, and the enemy Ethiopia there is a hard struggle in which much blood is being shed. The world is not unaware of this; however, Ethiopia, as has always been the practice of colonisers, goes to great lengths to create the impression that the political contest and the war taking place in Ogadenia are between the ONLF, which it labels as spoilers of peace, and the administration it has built in Jigjiga, which it portrays as self-governing.
On the political side, it has tasked the groups that surrendered and those accompanying them with speaking on its behalf, while on the military side and in the war, Cabdi iley and his administration have been given the task.
Therefore, whenever a fierce battle takes place between the two forces and the enemy suffers a broad defeat, Ethiopia responds, when asked how that battle came about, that its forces had nothing to do with it and that the fighting took place between an ONLF group and the regional police, who, as they always say, were supported by the local people. Immediately afterwards, Cabdi iley and his group follow up by bringing out pictures and civilians who are made to speak, and groups beating drums and clapping, saying, "We have wiped out the spoilers of peace." The ultimate aim the coloniser has with this plan is for the ONLF to respond to the colonisers' agents and confront them, so that the true reality on the ground and the defeat suffered by its forces get lost.
For no less than three days, Cabdi iley and his propaganda machine were in confusion over the surprise attack in which the Galaalshe camp was captured, and they were waiting for a message from Addis Ababa, which was busy with Meles's celebrations. Many people we spoke to in Jigjiga said that Cabdi iley appears deeply grief-stricken and has refused to speak to anyone.
If we give a short preliminary report on the losses suffered by the enemy in the battle in which the Galaalshe camp was captured, it is as follows:
1. The confirmed death toll so far is 273, of whom 17 were the camp's officers.
2. 147 people who had been abducted and were held for militia training were released.
3. In addition, many other people who had been imprisoned by the coloniser were freed from jail.
4. The vehicles burned at the camp numbered 4.
5. The weapons and other equipment seized are beyond count; we will give details later.
In addition to that, there was another battle in which the reinforcement forces were crippled.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
