Falka lagu fuliyay dadweynihii daganaa Gunagado marka laga eego dhanwalba waxaa lagu tilmaami karaa inuu ahaa xasuuq ula kac ah oo ujeedo fog uu ka lahaa gumaysiga. Fal-dambiyeedka shaqsiga ah iyo midka ka dhaca xukuumad waxyaaba badan ayay ku kala duwan yihiin. Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin fal-dambiyeedka shaqsiga ah iyo midka ay xukuumad dajiso hadafka laga leeyahay iyo ujeedada loo dajinayo falka intaanu dhicin iyo natiijada laga doonayo in lagu gaaro fal-dambiyeedkaa marka la fuliyo.
Qofka si dhab ah ugu fiirsada xasuuqa ka dhacay Gunagado, wuxuu ogaanayaa in ujeedada laga lahaa ay tahay inuu falkaasi abuuro dareen ah (reer hebel ayaa nalaayay), ka dibna uu ka bilowdo aagaa dagaal sokeeye. Waxaana arinta inay sidaa ahayd kuu muujinaya markaad raadraacdo habka loo bilaabay falka iyo siduu u socdo hadda. Qorshaha dambiilaha lagama yaabo inuu noqdo mid dhamaystiran oon raadraac aanu ka hadhin. Waa midd ay dadka dambiyada baadha yidhaahdaan Raadraaca Falka –Trace Evidence -.
Xasuuqa uu gumaysiga ka fuliyay Gunagado raadraaciisa wuxuu u dhacay sidan;
1- Odayaal ka hadlaya TV-ga Cabdi Iley ayaa la daawaday oo caynaya ONLF.
2- Maalmo ka dibna waxaa la dilay odayaashii.
3- Maalin ka dib waxaa lagu duulay dagmadii Gunagado oo dad badan lagu laayay intii soo hadhay een cararina la soo qab-qabtay.
4- Ciidanka dadka laynaya waxaa kaxaystay gacan ku dhiigle Cabdi A. Waris oo la sheegay inuu Cabdi iley ku kasbaday – kuwii iga horeeyayba ilma-adeerradood baa garab taagnaaye waa maalinteenii – odayga la dilayna uu ahaa sodogii.
5- Dilkii shacabka deegaankaa oo sii socday.
Waxaa intaaba ka horeeyay, gacan-ku-dhiigle Cabdi iley oo la sheegay inuu la shiray shacabka dagan Gumagado uguna hanjabay inay ka wardooneen wuxuu ku tilmaamay colaad. Taasoo dadka yaqaana dabeecadaha Cabdi iley ay u fasirteen inuu jiro qorshe lala maagan yahay dadweynaha dagan deegaanka Gunagado. Si kastaba ha ahaatee, qodobadaa aan soo sheegnay qofka si dhab ah ugu fiirsada waxay u muujinayaan in xasuuqa loo gaystay shacabka deegaankaa uusan ahayn mid ku-talagal la’aan u dhacay (spontaneous). Hasa ahaatee uu ahaa fal-dambiyeed hab axmaqnimo ah loo fuliyay oo gumaysiga uu ka lahaa ujeedada aan horey ku soo tilmaanay.
Dadweynhii daawaday barnaamijkii laga soo daayay TV-ga gumaysiga waxay aad ula yaabeen Alaha u naxariistee Xaji Cabdiqadir Guuleed Folow sida foolxumada ahaydee uu uga caytamay, isagoo waliba si shaqsi ah u caynayay gudoomiyaha ururka. Hadafkii laga lahaa barnaamijkaa oo sidii loogu talagalay u fulay wuxuu ahaa in dadweynaha daawanaya iyo kuway uga sheekeeyaanba ogaadaan oy ka dhaadhacado inuu odayga aad u necebyahay ururka ONLF oo dagaal aan waxba la’isul hadhin uu ka dhexeeyo siduu ka sheegay barnaamijka.
Halkaa waxaa ka abuurmay dareenkii loo baahnaa oo ah, odayga iyo ONLF waxaa ka dhexeeya colaad xun. Maalma ka dibna waa la dilay odaygii, isla markiibana waxaa lagu dhawaaqay inay ONLF dishay odaygii, taasoo dadweynhii la yaabanaa barnaamijkii laga duubay ay si dhibyar u gareysan karaan. Waxaase fashilyay oo si dhab ah u muujiyay ujeedadii laga lahaa barnaamijkii odayga laga duubay iyo dilkiisii naxdinta lahaaba talaabadii ku xigtay. Hadday ONLF dishay oo la doonayo in looga aaro, waxay ahayd in fadhiismada ciidanka jabhadda lagu duulo oo la raadsado. Hasa ahaatee dadkii la noolaa odayaasha ee tacsida u fadhiyay ee ka murugaysnaa dilkooda in la xasuuqo oo la soo kaxaysto, waxay daliil cad u tahay un ujeedadii laga lahaa dilka odayaasha. Waxayna fashilisay in dambigii dilka labada oday goorada laga saaro jabhadda ONLF, sida uu waraysigii Cabdi ilay siiyay idaacadda BBC-da isagoo ku faanaya inuu soo dilay Dr. Doolaal iyo sawiradii uu soo galiyay shabakadaha Internet-ka ay u fashilyeen qorshihii ay damceen kooxdii xarootay ee Axmad nashaad uu gudaha ka hogaaminayay waagaa ee ahayd in ONLF dusha laga saaro dilkiisa.
Horaa loo yidhi Sir maqabe Rabbaa u sahan ah.
ONA.
2- A few days later the elders were killed.
3- A day later the district of Gunagado was attacked, many people were massacred, and those who remained and did not flee were rounded up.
4- The troops massacring the people were led by the murderer Cabdi A. Waris, who is said to have been won over by Cabdi Iley with the words - those before me were backed by their cousins, now it is our day - and the elder who was killed was his father-in-law.
5- The killing of the civilians of that area continued.
Before all of this, the murderer Cabdi Iley is said to have met with the civilians living in Gumagado and threatened them, describing as hostility the fact that they were providing information. People familiar with Cabdi Iley's character interpreted this as meaning there was a plan being hatched against the people living in the Gunagado area. In any case, the points we have mentioned show anyone who looks at them seriously that the massacre committed against the civilians of that area was not something that happened unplanned (spontaneous). Rather, it was a criminal act carried out in a barbaric manner, with which the colonizer had the purpose we described earlier. The people who watched the programme broadcast on the colonizer's TV were greatly astonished at how hideously the late Xaji Cabdiqadir Guuleed Folow, may God have mercy on him, hurled insults, even personally insulting the chairman of the organisation. The aim of that programme, which was carried out as intended, was for the people watching and those who would hear about it to learn and be convinced that the elder deeply hated the ONLF organisation and that there was an all-out war between them, as he stated in the programme. From this the desired feeling was created, namely that there was bitter hostility between the elder and the ONLF. A few days later the elder was killed, and immediately it was announced that the ONLF had killed the elder, something that the people who had been astonished by the recorded programme could easily believe. But what foiled this, and clearly revealed the purpose behind the programme recorded with the elder and his shocking killing, was the step that followed. If the ONLF had killed him and revenge was sought, then the front's troop bases should have been attacked and hunted down. However, massacring and rounding up the people who lived with the elders, who were sitting in mourning for them and grieving their killing, is clear evidence of the very purpose behind the killing of the elders. And it foiled the attempt to pin the crime of killing the two elders on the ONLF front, just as the interview Cabdi Ilay gave to the BBC radio, in which he boasted of having killed Dr. Doolaal, and the pictures he posted on Internet websites foiled the plan devised by the stray group then led from inside by Axmad Nashaad, which was to pin his killing on the ONLF. As it was said long ago: God is the scout for the secret no one keeps. ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

