Ciidamada Woyanaaha ayaa xasuuqii Gunagado iyaga oo kasii anbo qaadaya waxay gubbeen deegamada Madheedh iyo Abshir oo ah tuuloyin u jira Gunagadho wax ka yar 10 km. Waxaana warar hore oo soogadhaya ONA ay xaqiijinayaan in 10 qof lagu dilay Tuulada Abshir iyada oo laba qof oo kalena lagu dilay Magaalada Gunagado. Magacyada naso gaadhay ee kamidka ah muwaadiniinta sida Xaqdarada ah loo xasuuqay waxaa kamid ah.
- Caaqil Abdikaafi Xasan Nuur, Odaygii Tuulada Abshir,oo 60 jir ah.
- Ina Cadikaafi Xasan Nuur iyo Xaaskiisii.
- Ina Wacdi Siraad.
- Ina Cabdi Qodax.
Waxii Xoola ahaa ee Tuuladaas lahaayeena way kasoo kaxeysteen waxayna kusoo xareysteen ciidmada Woyanuhu Magaalada gunagado.
Magaalada gunagado ayaa Horaanti iyo 12 Febraayo 2012 waxa ciidamada gumeysigu ay ku gumaadeen shacabka magalada Gunagado waxaana dadkii kusugnaa deegaamadaas ay noqdeen wax la dilay, in la xidhay iyo in ka qaxday magalaadaas.
Madaxda Jabhada ONLF oo aan wax ka weydiinay ujeedada ay ciidamada Woyanaha ahi ay gumaadkan u geysanayaan ayaa waxa ay noo sheegeen in xasuuqan yahay isir la dagalaan. Kadib markii ciidamada Woyanuhu ku guul dareysteen isku day ay rabeen inay buslahda iskaga horkeenaan qabiil qabiil oo beel ahaan la isu diriro ayaa waxa gacantooda ay ku fulinayaan gumaadka noocan ah.
Jabhada ayaa hadda ka hor kasoo saartay Bayaano ay kaga xogwaramayso Xasuuqa gunagado. Madaxda Jabhada ayaa ku mashquulsan xasuuqan iyo qaabkii ay uga hortagi lahaayeen caalamkana ay u wargalin lahaayeen.
Wararka la xidhiidha Xasuuqa Gunagado iyo Deegamada ka ag dhow oo faah faahsan dib ayaan idiinka soo gudbin doona.
ONA.
Woyane forces, continuing the Gunagado massacre, burned the areas of Madheedh and Abshir, villages located less than 10 km from Gunagadho. Early reports reaching ONA confirm that 10 people were killed in Abshir village, while two other people were killed in the town of Gunagado. Among the names that have reached us of the citizens who were unjustly massacred are the following.
- Caaqil Abdikaafi Xasan Nuur, the elder of Abshir village, aged 60.
- The son of Cadikaafi Xasan Nuur and his wife.
- The son of Wacdi Siraad.
- The son of Cabdi Qodax.
The Woyane forces also took away the livestock belonging to that village and penned it in the town of Gunagado.
Yesterday, 12 February 2012, the colonial forces massacred the civilians of the town of Gunagado, and the people who were in those areas were killed, arrested, or fled the town.
ONLF leaders, whom we asked about the purpose for which the Woyane forces are carrying out this massacre, told us that this massacre is a war against an ethnic group. After the Woyane forces failed in an attempt to pit the Muslims against one another clan by clan so that they would fight along clan lines, they are now carrying out this kind of massacre with their own hands.
The Front previously issued a statement providing information about the Gunagado massacre. The leaders of the Front are occupied with this massacre and with how they might counter it and inform the world.
We will bring you detailed news regarding the Gunagado massacre and the surrounding areas later.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

