
Waxa Jimcihii oo ku beegnayd 13/01/2012 shir isugu yimid xubnaha maamulka ee jahliyada Somalida Ogadeniya ee Al-Xasa ee bariga Sacuudi Carabiya. Sidoo kale ayaa habeenimadii Jimcaha ay shir hawleed isugu yimadeen maamulka jaaliyadda Qatar.
Kulanka jaaliyadda Al-Xasa ayaa loogu gogol xaadhayey shir weyne ay yeelan doonaan ururka haweenka Somaalida Ogadeniya ee Al-Xasa kaas oo lagu talo jiro ina la qabto 24/02/2012. kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha maamulka ee jahliyada.
Ra’yi isweydaarsi iyo dood dheer ka dib aya waxay xubnuhu isla meel dhigeen in shir weynaha uu noqdo mid si weyn loogu hawl galo, muhiimad gaar ahna la siiyo iyo in la wada ogaysiiyo dhamaan xunaha ururka haweenka ee magaalada Al-Xasa.
Dhanka kale waxay xubnuhu isla qireen in jahliyada Al-Xasa ay kaalin muhiim ah ka qaadato halganka ka socda Ogadeniya waxayna isku raaceen in sannadkan 2012 uu noqdo mid ka duwan sannadahii hore marka laga eego xaga abaabulka iyo wax qabadka.
Shirka ay yessheen maamulka jaaliyadda Qatar ayaa waxaa lagu eegay waxyaabihii u qabsoomay jaaliyadda sanadkii 2011ka, iyadoo warbixintii sanadkii tagay laga dhagaystay gudoomiyaha jaaliyadda iyo hogaanka dhaqaalaha ee jaaliyadda oo soo bandhigay xisaab-xidhkii sanadka. Wuxuu hogaanka dhaqaalaha ku usay warbixintiisa in sanadkii tagay uu 2ba jibarmay dhaqaalaha soo xarooday isagoo ku baraarujiyay xubnaha inay sanadkan socda ka faa’idaystaan waxyaabihii ka dhinaa oy kor u sii qaadaan hawlaha jaaliyadda.
Hogaanka warfaafinta oo ka soo qaygalay shirka maamulka jaliyadda ayaa uga xogwaramay xubanaha shirka fadhiyaya xaaladda uu ku suganyahay halganka.
Ugu dambeyn waxa shirka Al-Xasa iyo midka Qatar-ba lagu soo afjarey is fahan iyo shaqo qaybsi, iyadoo weliba lagu diiwaan galiyay ururka haweenka ee Al-xasa.


Ali-yare/Al-Xasa
On Friday, 13/01/2012, the administrative members of the Ogadenia Somali community of Al-Xasa in eastern Saudi Arabia held a meeting. Likewise, on Friday night, the administration of the Qatar community held a working meeting.
The meeting of the Al-Xasa community was held to prepare for a general conference of the Ogadenia Somali women's association of Al-Xasa, which is planned to take place on 24/02/2012. All the administrative members of the community attended this meeting.
After an exchange of views and lengthy discussion, the members agreed that the general conference should be worked on intensively and given special importance, and that all members of the women's association in the city of Al-Xasa should be informed.
On the other hand, the members acknowledged that the Al-Xasa community plays an important role in the ongoing struggle in Ogadenia, and they agreed that this year, 2012, should be different from previous years in terms of mobilisation and accomplishments.
The meeting held by the administration of the Qatar community reviewed what the community accomplished in 2011, with the report of the past year heard from the chairman of the community and the head of finance of the community, who presented the year's financial statement. In his report, the head of finance said that the funds collected had doubled over the past year, and he urged the members to make use this year of what had been lacking and to further advance the community's activities.
The head of information, who attended the community's administrative meeting, briefed the members present at the meeting on the current state of the struggle.
Finally, both the Al-Xasa meeting and the Qatar meeting concluded with mutual understanding and a division of tasks, and in addition, the Al-Xasa women's association was registered.

Ali-yare/Al-Xasa
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

