
Waa su’aasha la’isla dhex marayo habeenadan magaalada Jigjiga ka dib markii shalay lala tagay madaxii ciidanka ku magacaaban asluubta iyo ku xigeenkiisii.
George Bernard Shaw oo ahaa nin xakiim ah oo laga dhaxlay xikmada badan ayaa waxaa laga hayaa inuu yidhi – Taariikhda oo isa soo celisa, ayaa waxaa dhaca marwalba waxyaaba aan la filaynin, hadaba aadanaha miyaanu ahayn kuwo aan waxba ka faa’idaysan dhacdooyinkii ay soo mareen. -. Waa dhab arintaa. Qofkasta oo gumaysi dabagala inuu ku halaagsamayo oo ugu dambaynta uu isaga cunayo waa taariikh qoran oo horey loo ogaa marwalbana dhacda. Sidaa oy tahay ayaad arki marwalba qaar inkaari ku dhacday oo maalmo uu ku shaqaysan gumaysiga oo dadkii la dhashay uu gacantooda ku layn.
Waxyaaba badan ayaa ka socda Jigjiga, ka dib markii la kala shakiyay oo la ogaaday in la’is dhex fadhiyo.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay Jigjiga ayaa waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd si buuxda ay ula wareegeen maleeshiyada Hawaarin gacan ku haynta xabsiga ku caan noqday – Jeel Ogadeen -iyagoo halkaa ka kaxeystay ciidankii ku magacawnaa asluubta ee ku qornayd.
Ninka sida dhabta ah u xukuma hadda Jigjiga ee ina Laba-go’le oo tagay halkaas ayaa soo xidhay labadii masuul ee isaga hoosaysay qolyaha la yidhi waa ciidanka asluubta oo kala ahaa Axmad – madaxa ciidanka – (waa shaqsigii lagu badalay gacan ku-dhiigle ina Bade) iyo ku-xigeenkiisii. Labadoodanba waxa uu ku soo qaatay gaari qabaal ah iyagoo jeebaysan ilaa iyo hadana lama ogsoona meel uu geeyay.
Rasuulkeena CS wuxuu noo sheegay in qofka ku taageera dulmi nin wada inuu isaga Ilaahay ku saladayo ugu dambaynta. Waa dhab la arkay, lana arki doono.
Xaaladan hadda taagan ayaad moodaa inay la socoto arga-gixii ka soo wajahay jabkii ka soo gaadhay ciidamada gumaysiga weerarkii Galaalshe, waan marka la raadiyo cid dusha laga saaro wixii dhacay oo la’isku fardaamiyo, sidii Ibraahim xaad dusha looga saaray oo la’isaga fardaamiyay dhacdadii Cobolle inkastoo uu ahaa gacan ku dhiigle laayay dadkiisii suu u raaligaliyo gumaysiga.
Wararka kale ee laga helay maleeeshiyaankii Hawaarinta ee soo daabulahayay dhaawacii Galaalshe oo uu hogaaminhayay ninka loo yaqaano shaalaqe Tamaan ayaa markii la weydiiyay siday wax u dheceen wuxuu ka dayriyay xaalada meesha ka dhacday isagoo sheegay in ay dadka dhintay ku jiraan hal shaalaqe, iyo sedex shaanbal sidoo kale waxa uu sheegay inuu Harer geeyay 32 dhawr oo toban kamid ahi ay xaaladoodu liidato.
Waxyaabaha kalee dhacay ilaa shalay waxaa ka mid ahaa markii nin Axmaar ah oo dhigta jaamacada Jigjiga uu musqusha la galay kitaabka Quraanka kariim ka ah, isagoo ku xumaynaya muslimiinta guud ahaan gaar ahaan S.Ogadenya. Ninkan oo magaciisa aanan helin weli ayaa markii falkan foosha xun uu sameeyey oo laga maqlay magaalada ay shacabkii ku soo jabeen jaamacada si ay ninkaas u mariyaan abaalka uu mudan yahay, balse waxaa jaamacadii isku gadaamay ciidan uu wato ina Laba Go,le oo ugu hanjabay dadkii meesha dhoobnaa inay yihiin nabad-diid, oo qofkii far dhaqaajiya ama lagu arko aaga jaamacadana uu dili doono. Kolkaas ayay dadkii ka cabsadeen. Dhacdadan foosha xun ayaa waxay dhacday maalintii Talaadada ee 01-06-2011) saacada Jigjiga markay ahayd 13:00 duhurnimo.
Waxaa mudan in la xuso inay magaalada dhex joogaan qaar ka mid ah kooxdii Itixaadka ka xarootay oo masaajiddii ku haysta wadaadadii sii joogay dalka . Arimahan iyo dulmiga sii kordhay ee shacabka soo gaaray intay kooxdan xaroodeen ka dib, waxay ka mid tahay ciqaabta Ilaahay uu la doonay inay goobjooga ka ahaadaan iyagoo madaxa hoos u foorarinaya oo waliba qaarkood ay kuba biireen gacan ku-dhiiglayaasha.
ONA.
This is the question being passed around these nights in the city of Jigjiga, after the head of the force known as the correctional (prison) force and his deputy were taken away yesterday.
George Bernard Shaw, a wise man from whom much wisdom has been inherited, is reported to have said – History repeats itself; unexpected things always happen. So are human beings not those who learn nothing from the events they have been through? -. That is indeed true. That anyone who follows the colonizer will be ruined and ultimately devoured by it is written history, known from before and always happening. Even so, you will always see some on whom a curse has fallen, who work for the colonizer for a few days and then are killed at its hands, together with the people they were born among.
Many things are going on in Jigjiga, after mutual suspicion arose and it became known that they are sitting among each other.
The latest reports that have reached us from Jigjiga say that yesterday the Hawaarin militia fully took over control of the notorious prison - Jail Ogaden - taking away from there the force registered under the name of the correctional force.
The man who truly rules Jigjiga now, Ina Laba-go'le, went there and arrested the two officials who served under him in the group called the correctional force, namely Axmad - the head of the force - (the individual who replaced the murderer Ina Bade) and his deputy. He took both of them in a pickup vehicle, handcuffed, and to this day it is not known where he took them.
Our Prophet (PBUH) told us that whoever supports a man who commits injustice, God will ultimately make that man his tormentor. This is a truth that has been seen and will be seen.
The current situation seems to be linked to the panic resulting from the defeat suffered by the colonial forces in the Galaalshe attack, so a party is being sought on whom to place the blame for what happened and to make a scapegoat, just as Ibraahim Xaad was blamed and made a scapegoat for the Cobolle incident, even though he was a murderer who killed his own people to please the colonizer.
Other reports obtained from the Hawaarin militiamen who were transporting the Galaalshe wounded, led by the man known as Shaalaqe Tamaan, say that when he was asked how things happened, he lamented the situation that took place there, stating that among the dead were one shaalaqe and three shaanbal, and he also said that he took 32 to Harer, more than ten of whom are in poor condition.
Among the other things that happened up to yesterday was when an Amhara man studying at Jigjiga University took a copy of the Holy Quran into the toilet, insulting Muslims in general and the Somalis of Ogadenia in particular. This man, whose name we have not yet obtained, committed this vile act, and when it was heard in the city, the public converged on the university to give that man the punishment he deserves. However, the university was surrounded by forces led by Ina Laba Go,le, who threatened the people gathered there, calling them anti-peace, and said he would kill anyone who moved a finger or was seen in the university area. Then the people became afraid. This vile incident took place on Tuesday, 01-06-2011) at 13:00 midday Jigjiga time.
It is worth noting that present in the city are some members of the group that defected from Itixaad, who are holding in the mosques the clerics who remained in the country. These matters, and the injustice against the public that has increased since this group defected, are part of God's punishment, which He willed that they witness while bowing their heads, and some of them have even joined the murderers.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

