Opens in a new tab

100 Cisho Hortood Maxaad Aragtaa?

ONA8 April 2016
Read in English

Aragtida  6/6 waa aragtida buuxda ee goob joogaha dhacdooyinka iyo si fiican u cabirka ayaamaha, inkastoo hadana hoos u dhac ku yimaado aragtida indhaha, tasoo cabirka aragtida lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 1/6 ilaa 6/6 oo ah hubaasha guud ee cabirka indhaha, ka dibna muraayad baa loo qoraa ama qaliinbaa loo sameeyaa hadba aragtida indhuhu siday yihiin.

Mawduuca dulucdaydu waxay tahay aragtida ah  wax ka dhaadhicinta iyo dareensiinta qofka aad ka aragti dheer tahay ama kaa aragti dheer xaga fahanka iyo cabirka waxa soo fool leh, soomaalidu waxay tidhaahdaa nimaan waxa soo socda garan waxa jooga ma garto, odhaahdaas oo loola jeedo ku talo galka bari iyo ka fikirka maanta.

Hadaba qiyaasta guud ee fikirka qofka ayaa horseed u ah inuu wax ka dareemi karo dhamaan gayiga ku xeeran, islamarkaana uu cabirkiisaasi dhaxalsiiyo dhinaca aragtida, maqalka, dareenka iyo xog’ogaal u noqoshada wararka soo gaadhaya kaydka xog ururineed ee maskaxdiisa, inkastoo hadana ay jiraan erayo ad’adag oo macnahoodu yara kakanyahay kuwaasoo u baahda aragti iyo sharax cilmi aqooneed oo u kala soocda garashada, fahanka iyo xaqiiqda dhabta ah ee uga dhex iftiimay.

Cilmi baadhis daraasadeed oon ku sameeyay dadka sida fudud uga baxa ururka ONLF ayaan ku ogaaday inay daal  kala kulmaan maskaxdooda, kadib marka ay u adkaysan waayaan culayska xad dhaafka ah ee hawlaha shaqo ee halgan, waxaana lagu gartaa marka qofka maskaxdiisu daal tirsanayso inay ku yaraato aragtida guusha ee ah xornimada la hiigsanhayo.

Abuurida xasiloonida iyo nabad galiyada ka dhalata fahanka fiican in lagu dhisi karo mustaqbal waara oo midho dhala, taas oo ahaysiisa jawi dagan iyo rajo fiican inay ku gurtaan midhihii ay beerteen maalmaha soosocda laakiin (isha muuqataa waa xoriyadii Ogadeniya Insha Allaah ).

Aragtida qaloocan ee dadka qaarkii
waxaa u sawirma inuu qofku ku hadlo oo uu iska dhaadhiciyo wax uusan si buuxda u arki Karin oo malihiisa ah lagana yaabo inay tahay (-0/6) waxa kale oo jira qof aqoon yahan ah oo baal marsan sida saxda ah aragtidiisuna ka duwan tahay tan caadiga ah ogow inuu yahay qof dhaqanka ka gudhan oo aan lahayn garaad iyo qiyam saliim ah, waxaana lagu tilmaamaa kuwaasi inay yihiin kuwo xaasidnimo xariif ku ah nolosha iyo wanaaga bari ay dadku heli doonaan, isla markaana aragtidiisu ku haboontahay cabirka hoose ee (-0/6) midka noocan ah waa ka ugu khatarsan ee halaaga ama baabi’iya xarsiga (Wixii korayay) iyo nasliga (kuwii la goosan lahaaba).

Markii aan ogaaday inaysan dadku isku qiyaas ahayn dhinaca cabirka aragtida ayay ii cadaatay in maskaxdu leedahay sidoo kale yaraansho ama badnaasho iyo in lagu kala duwan yahay fikirka iyo qiyaasta aragtida, hadii aad aragto qof maanta baabi’inaya wuxuu u danleeyahay inuu sameeyo ficil xun.

Sida uu qofku ku ogaan karo inuu arko inta uu awooda u leeyahay heerka aragtida qiyaas maskaxeedkiisu uu gaadhsiisan yahay boqolka cisho ee soo socda, taa macnaheedu waxa weeyaan qiyaastii Jidkii shalay oo loo geeyay maanta waxay ku tusinaysaa bari, maanta fahan bari aad garagtidee, laakiin hadii maanta “Buur” aad ka dhigato aad dusheeda saran tahay waxa kuu muuqan doona bari oo ay kaaga toosan tahay maanta, midhuhuna waa inta aad ka cabiri karto saadaasha bari ee yoolka kuu ah, waa intaas oo aad ka tagtaa dhaxal dabadaa la hiigsado, sida inta badan loo badiyo wax ka sheega maanta waxaa lagu qiyaasaa kolba ididiilada iyo rajada uu qofku ka qabo bari,

Cabashada laga muujiyo qofku maalinta uu ku jiro waxaa loo aaneeyaa fiicnaantii shalay, sirta halkaa ku jirtaana waa garasho la’aanta wanaaga maalintaa uu ku jiray, si aad uga walwal la’aato calaacal bari ah oo kula soo darsa, fahan shalay iyo maanta, dariiqooyinkii lagu guulaystay ee hortaa la qaaday, bal u fiirso qof maanta dharagsan waxa suura gal ah inuu daah ka fuulaa wixii uu soo maray, markaasuu bari ku dhacaa saadaal lagu cabiri karo aragti buuxda oo ah in laga dayriyo bari iyo wuxuu mutaysan doono, kaasi waa kii ilaaway shalay, laakiin halka uu ka duwan yahay qofka maanta rajo bari ah qaba shalayna nimcaysnaa waxaana qofkaas caawisay wax ka barashada maanta, inkastoo dadka qaar ay kaba ilaalin jireen noloshoodu inay noqoto tu aad u ladan oo wax walba haysata, waana ay ka saahideen si ay u helaan dheelitir joogto ah, waxa kale oo jira fikiro kala durugsan oo ah hagaha sahanka nololeed ee uu qofku ku guuri karo “Nolol ilaa Nolol” waxaa had iyo jeer yool habaabin jiray isku dayasho indho’la’aan ah oo ay sabab u ahayd, waxa uu qof il iskaga gartay oo noloshiisa gaar ahaaneed taasoo waayuhu u jeexay.

Hadaba khasaaraha bari ee wiiqi kara kobicii is daba jooga ahaa, taasi waxaynu odhan karaa in waayo araga la sheegaa uu yahay nin da’wayn oo kaashanaya wuxuu usoo joogay ayaamihii tagay, kaasoo had iyo jeer talada la waydiiyo marka ay murugsan tahay, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay ruug cadaa aragti dheer u leh ayaamaha soo socda, kaasoo wax kala gura, iskuna saleeya waxa maanta iyo bari dan inoo ah.

Xubnihii aas’aasay ururka ONLF ayaa ah kuwo dadka kale ku dhiiri galiya inay dalkooda u halgamaan oo ay xornimo buuxda gaadhsiiyaan mustaqbalka, hadii halganka qof waliba xagiisa ka dhawro iyagoo ogsoon inay tahay jid dhib iyo rafaad badan hadana way ku go’aan qaateen, mar walbana waxay arkaan oo u muuqda mustaqbalka dhaw ee boqolka cisho ee soosocda, waana toosh’ haga umada dulman ee Ogadeniya.

Guntii iyo gabagabadii waxaan akhristayaashayda sharafta mudan qormadayda ugu soo gunaanadayaa oo aan kaga baxayaa soo cabira aragtidiina bari siday tahay aan eegno waxa idiin ka baxay isku gaynta ayaamaha iyo tix raaca taariikhda.

Lasocda maqaalada xiga insha allaah

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Libanabdi29@gmail.com

La wadaag