Siyaasaddan waxay sharraxaysaa sida ONA u diyaariso wararka. · This policy explains how ONA prepares the news.
Saxnaanta · Accuracy
Waxaan daabacnaa oo keliya waxa aan rumaysanahay inay run yihiin. Magacyada, goobaha, taariikhaha iyo tirooyinka waa la hubiyaa ka hor daabacaadda.
We publish only what we believe to be true. Names, places, dates and figures are checked before publication.
Xaqiijinta · Verification
War kasta oo muhiim ah waxaan isku dayaynaa inaan ka helno laba ilood oo kala madax-bannaan, ama goobjoog la aqoonsan yahay. Haddii aan wax xaqiijin karin, waxaan si cad u qoraynaa “warar aan la xaqiijin”.
For every important story we seek two independent sources, or a known eyewitness. If something cannot yet be confirmed, we say so clearly (“unconfirmed reports”).
Warka iyo aragtida · News and opinion
Wararka iyo aragtiyaha waa la kala saaraa. Aragtiyaha iyo maqaallada waxay ku jiraan qaybaha “Aragti” iyo “Maqaalo”, waxaana lagu qoraa magaca qoraaga.
News and opinion are kept apart. Opinion pieces and articles appear in the “Aragti” and “Maqaalo” sections, under the writer’s name.
Xaqa jawaabta · Right of reply
Qof ama hay’ad lagu eedeeyay war aan daabacnay waxay xaq u leedahay inay jawaab ka bixiso. Jawaabtaas waan daabacaynaa ama warka ayaan ku daraynaa.
A person or organisation accused in a story has the right to reply. We will publish the reply or add it to the story.
Sixitaanka · Corrections
Marka aan khalad samayno waan saxaynaa sida ugu dhaqsaha badan, waxaana warka hoostiisa ku qoraynaa wixii la saxay iyo taariikhda. Khalad ku soo sheeg bogga La soo xiriir.
When we make a mistake we correct it quickly and note at the end of the story what was changed and when. Report an error on our Contact page.
Ilaalinta ilaha · Protecting sources
Magaca qofka war noo soo gudbiya lama daabaco haddii uusan ogolaan. Waxaan ilaalinaa qofka naftiisu khatar ku jirto.
We never publish the name of a person who gives us information without their consent. We protect people whose safety is at risk.
Dhibbanayaasha iyo carruurta · Victims and children
Ma daabacno magacyada ama wejiyada carruurta ama dhibbanayaasha xadgudubka haddii ay waxyeello u keenayso. Sawirrada argagaxa leh waxaa lagu hor dhigaa digniin.
We do not show the names or faces of children or victims of abuse where this could harm them. Disturbing images carry a warning.
Turjumaadda Ingiriisiga · English translations
Qoraallada Ingiriisiga ah ee wararka af-Soomaaliga waxaa si toos ah u turjuma barnaamij AI ah (Claude, Anthropic). Turjumaadda uu tifaftire hubiyay waa la calaamadeeyaa. Haddii ay kala duwanaadaan, qoraalka af-Soomaaliga ayaa ah kan saxda ah.
English versions of Somali stories are translated automatically by AI (Claude, by Anthropic). Translations checked by an editor are marked. If the two differ, the Somali text is the authoritative one.
Dib u isticmaalka · Reuse
Qoraallada, sawirrada iyo muuqaallada ONA waa la isticmaali karaa haddii isha la sheego: “Isha: ONA – ogadennet.com”. Fiiri Shuruudaha isticmaalka.
ONA text, photos and video may be reused if the source is shown: “Source: ONA – ogadennet.com”. See our Terms of use.
Sawirrada iyo muuqaallada · Photos and video
- Sawir nadiif ah u soo geli bogga. Websaydhka waxaa la geliyaa nuqulka asalka ah ee sawirka, iyada oo aan qoraal, cinwaan ama calaamad lagu dul qorin. Erayada iyo cinwaannada waxaa lagu dari karaa nuqulka Facebook, X iyo TikTok. · Upload a clean photo to the website. The website gets the original photo with no words, headline or graphics written on it. Words and headlines may be added to the Facebook, X and TikTok versions.
- Ha beddelin waxa sawirku muujinayo. Waa la jari karaa (crop), la iftiimin karaa ama la toosin karaa; lagama saari karo laguma dari karo wax ku jira goobta. · Do not change what a photo shows. Cropping, brightness and straightening are fine; removing or adding anything in the scene is not.
- Sharraxaad gaaban iyo magaca sawir-qaadaha. Qor sharraxaad hal jumlad ah (yaa, xaggee, goorma) iyo magaca sawir-qaadaha meesha “Sawir: · Photo credit”. Ha ku celin qoraalka warka oo dhan. · Short caption and photographer credit. Write a one-sentence caption (who, where, when) and the photographer in the “Photo credit” field. Do not repeat the whole story.
- Muuqaalka: geli xiriirka YouTube ee warbixinta, si uu muuqaalku u ciyaaro bogga korkiisa. · Video: add the YouTube link of the report so it plays at the top of the story.
