
Wuxuu caalamka xusay shalay oy taariikhdu ahayd 24kii June maalinta Caalamaiga ee lagu taageero dadka jidh dilka loo gaysto (International Day in Support of Victims of Torture). Shaki kuma jiro in aafadan ay tahay dhaqan ay adeegsadaan Gumaystaha iyo guud ahaan xukuumadaha Kali-Taliska ah eek u dhisan cabudhinta shacabka.
Jidh-dilka waxaa lagu tilmaamaa dhaqan aad u xun oo xukuumadaha iyo qofkasta oo wax aanu sharci u lahayn doonaya inuu xoog ku difaaco uu adeegsado. Diimaha gaar ahaan diinta Islaamka ayaa aad uga digay falkan aadminamada ka baxsan, iyadoo Rasuulka CS uu uga digay qofka adeegsada falkaa ee bani aadamka dhangadeeya ama jidhkiisa u gaysta dhibaato inuusan raxmadda Ilaahay helaynin, Janadana aanu indhaha saaraynin.
Jidh-dilka qaanuunka dawliga ah waa mamnuuc, sidoo kale ayay dawlado badan uga mamnuuc yihiin. Waa dhaqan waxshnimo ah oo xadgudub ku ah Xuquuqul Insaanka. Jidh-dilka waxay haya’adda caafimaadka aduunka (World Health Organization – WHO) u aqoonsatay inuu ka mid yahay dhibaata caafimaad (health problem), oo waliba dad badan ay dhibaatadii ka soo gaadhay ee ama xagga jidhka ah ama xagga nafsadda ah ay la ildaran yihiin, qaar bandanna ay u godgaleen.
Dhaqankan inkastoo uu caalamka isku raacay in la joojiyo oo la maxkamadeeyo kuwa adeegsado, hadana shacabka Ogadenya waxay habeen iyo maalin la kulmaan falal haddii caalamka loo soo bandhigi lahaa ay odhan lahaayeen dadka waxan samaynaya maba aha banii aadam. Si hadaba ay u qariyaan mujrimiinta fadhiya Jigjiga ee jeelasha dadka ku gumaadaya oo aan dambiyadooda loo arag ayay waxay Itobiya xooga saartey inay go’doomiso Ogadenya oy dhagaha ka fuureysto dhaliilaha caalamkau soo jeedinayo iyo codsiyada ay haya’adaha samafalka u soo gudbinayaan in loo fasaxo inay gargaaraan shacabka ku tabaalaysan Ogadenya sida codsigii Madaxweynaha Laanqayrta Cas.
Si kastaba ha ahaatee, Hogaanka Arimaha Dibadda, Wakaaladda Filimada/HWF, jaaliyadaheena dibadda iyo haya’adaha xuquuqda u dooda ayaa dadaal dheer sameeyay sidii caalamka ay u horgayn lahaayeen dambiyada ay Itobiya ka gaysato Ogadenya. Hasa ahaatee ma dhanna dadaalkaa 1% dhibaatada ay Itobiya iyo gacan ku-dhiigalayaash Cabdi iley uu hogaamiyo ay u gaystaan shacabkeena dulman.
Waxaan Is-gara taageynaa maalintan Caalamiga ee lagu taageerayo dadkii soo marey dhibaatadan Jidh-dilka shacabkeena dulman, gaar ahaan gabdhaheena uu guamsyiga ku faraxumaynayo Ogadenya iyo kuwa ku jira qaxootiga ee sida hoose u ooyaya . Gumaysiga ma yaqaano dhaqan kale.
ONA.
Yesterday, 24 June, the world marked the International Day in Support of Victims of Torture. There is no doubt that this scourge is a practice used by colonisers and, in general, by dictatorial governments that are built on the oppression of the people.
Torture is described as an extremely evil practice used by governments and by anyone who seeks to defend by force something to which they have no lawful right. Religions, and in particular the religion of Islam, have strongly warned against this inhuman act; the Prophet (peace be upon him) warned that a person who uses such acts, humiliating human beings or inflicting harm on their bodies, will not receive God's mercy and will not set eyes on Paradise.
Torture is prohibited under international law, and it is likewise prohibited by many countries. It is a barbaric practice that violates human rights. The World Health Organization (WHO) has recognised torture as a health problem, and indeed many people who have suffered its harm, whether physical or psychological, are living with its effects, and many have died from it.
Although the world has agreed that this practice should be stopped and that those who use it should be brought to court, the people of Ogadenia nevertheless face, night and day, acts which, if shown to the world, would make people say that those who commit them are not even human beings. In order to conceal the criminals sitting in Jigjiga, who are slaughtering people in the prisons without their crimes being seen, Ethiopia has concentrated its efforts on isolating Ogadenia and turning a deaf ear to the criticisms raised by the world and to the requests submitted by humanitarian organisations to be allowed to assist the suffering people of Ogadenia, such as the request of the President of the Red Cross.
In any case, the Foreign Affairs Department, the Film Agency/HWF, our diaspora communities and human rights organisations have made long efforts to bring before the world the crimes that Ethiopia commits in Ogadenia. However, those efforts do not amount to even 1% of the suffering that Ethiopia and the bloody-handed men led by Cabdi iley inflict on our oppressed people.
We stand in solidarity on this International Day in Support of the victims of torture among our oppressed people, especially our girls whom the colonisers are violating in Ogadenia and those in refugee camps who are weeping in silence. Colonialism knows no other practice.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
