Dhagaxbuur – Dad farabadan ayaa xabsiga loo taxaabay ilaa shalay magaalada Dhagaxbuur, dadkaa oo qaarkood la la’yahay meel loola kacay. Arintan ayaa waxay noo sheegeen dadkii aan ka wareysanay inuu ka dambeeyo Cabdulahi Itobiya oo ka mid ah 3ex nin ee ku tartamaya jagada uu banaynayo Cabdi iley.
Gumaysiga ayay dhaqanadiisa ka mid tahay in dadka uu jagada uu dhiibanayo isku muujiyaan cadaadiska ay saari karaan dadweynaha, sidaa daraadeed ayuu Cabdulahi Itobiya oo Cabdi iley uu u tababaray hawshan ka bilaabay Dhagaxbuur. Wararka aan goor-dhaweyd ka xaqiijinay qaar ka mid ah dadka dagan magaalada ayay noogu sheegeen inuu ku eedeeyey dadkan uu soo qabqabtay waxay u sharxayeen daweynaha wadahadalkii ka socday Nairobi iyo waxaa la ogaaday inay Internet-yada akhristaan.
Dadka ay na soo gaadheen magacyadooda waxaa ka mid ah; Cabdi xakin Indhayare, Asad Axmad Cawar, Caydarus Nur Aw-Macalin, Ina Biixi Mataan, maxamad A. Qaas.
Dadka shacabka ah ee dambi la’aanta lagu soo xidhayo waxaa ka masuul ah dawladda Itobiya, waxaana loo soo bandhigi doonaa goor aan fogayn caalamka filimo muujinaya dambiyada ka dhaca jeelasha Ogadenya oo dawladda Itobiya ay maamusho. Sidoo kale waxaa na soo gaadhay warbixino tafatiran oo ka hadlaya xabsiyada Ogadenya iyo lacagaha faraha badan ee dadweynaha lagaga qaadanyo madax-furashada iyo si loo soo daayo eheladooda.
ONA.
Dhagaxbuur - Since yesterday, many people have been dragged off to prison in the town of Dhagaxbuur, and it is unknown where some of them have been taken. The people we interviewed told us that behind this is Cabdulahi Itobiya, one of the three men competing for the post being vacated by Cabdi Iley.
It is one of the practices of the colonizer that those to whom it is handing a post demonstrate the pressure they can put on the public. For this reason, Cabdulahi Itobiya, whom Cabdi Iley trained, began this task in Dhagaxbuur. Reports we confirmed a short while ago from some residents of the town told us that he accused the people he rounded up of explaining to the public the talks that were taking place in Nairobi, and it was discovered that they read the internet sites.
Among the people whose names have reached us are: Cabdi Xakin Indhayare, Asad Axmad Cawar, Caydarus Nur Aw-Macalin, Ina Biixi Mataan, Maxamad A. Qaas.
The Ethiopian government is responsible for the civilians being arrested without any crime, and films showing the crimes taking place in the prisons of Ogadenia, which are run by the Ethiopian government, will be presented to the world before long. We have also received detailed reports about the prisons of Ogadenia and the large sums of money taken from the public as ransom to have their relatives released.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
