Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 02/03/2015, kafurmay Caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen kulan labo bari socon doona. Waxaa kulankan kasoo qaybgalay Masuuliin sar sare oo kamid ah Gudiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO). Masuuliintan oo kahawl gala Woqooyiga Qaarada Yurub ayaa kulankoodan qiimayn balaadhan oo dhinacyo badan taabanaysa kusamaynaya marxalada uu Halganka Gobanimadoonka Somalida Ogadenia maanta marayo iyo sidii hawlaha halganka kor loogu qaadi lahaa.
Waxaa kaloo kamid ahaa ajendeyaasha shirkan fashilinta shirqoolada uu Gumaysiga Itoobiya umaleegayo shacabka Somalida Ogadenia. Waxaa kaloo kulankan siqoto dheerleh loogu gorfayn doonaa isbadallada dhinacyada badan leh ee kasocda Geeska Africa sida siyaasada, arimaha bulshada iyo ciidankaba. Kulan oo kamid ah kulamadii joogtada ahaa eey sadex dii bilood mar ay iskugu imaan jireen xubnaha Golaha Dhexe ee kusugan Waqooyiga Yurub ayaa aalaaba ay kuqiimeeyaan masuuliintu sidii hawlaha Halganka Somalida Ogadenya looxoojin lahaa iyo hirgalinta qorsheyaasha udajisan Jabhada JWXO.
Waxaad faah faahinta iyo go’aamada kasoo baxa shirkan xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO maanta ooga furmay magaalada Copenhagen idiinku soo gudbin doonaa haduu ilaahay yiraahdo wararkaanaga dambe.
Also on the agenda of this meeting is defeating the conspiracies that the Ethiopian colonial regime is plotting against the Somali people of Ogadenia. The meeting will also examine in depth the many-sided changes taking place in the Horn of Africa, including political, social and military developments. The meeting is one of the regular meetings held every three months by the members of the Central Committee based in Northern Europe, at which the officials usually assess how the work of the Somali struggle in Ogadenia can be strengthened and how the plans set out by the ONLF can be implemented.
God willing, we will bring you the details and the decisions that come out of this meeting of ONLF Central Committee members, which opened today in Copenhagen, in our later reports.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
