Opens in a new tab

Musharaxii 2aad ee lagu Dilo Dalka Itoobiya: Waxaa Soo Badanaya Leynta Musharixiintii Mucaaradka ee ka Qeybgalay Doorashada Itoobiya

ONA18 June 2015
Read in English

Gobolka Tigreega ayaa waxaa lagu toogtay musharax kaqeyb galay doorashadii taliska woyaanaha Itoobiya. Ninkan la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Taddesse Abraha, waxuuna ka tirsanaa Xisbiga mucaaradka ee Arena Party. Dilka ninkan ayaa kusoo beegmay dil hore oo loogeystay musharax kale oo mucaaradka kamid ahaa oo isna lagu khaarijiyay gobolka Axmaarada.

Waxaa soo badanaya dilalka loo geysanayo musharixiintii mucaaradka ahaa ee ku soo dhiiraday inay iska garab sharaxaan taliska Woyaanaha. Waxaana ururka ENTC uu soo saaray bayaan ay u direen Qaramada midoobay, bayaankaas oo lagu hagaajiyay warqad si toos ah ugu socota Xoghayaha qoramada midoobay ayaa looga waramay sida caalamku indhaha ugu xidhay doorasho ku sheegtii ka dhacday dalka Ethiopia. Warqadan ayaa ka hadashay dilaalka loo geysanayo xubnihii mucaaradka ahaa ee isu taagay doorashadii Itoobiya iyo kumanaan kun oo dhalinyaro ahaa oo taageersanaa xisbiyada mucaaradka oo loo taxaabay xabsiyada dalkaas Itoobiya.

Doorasho ku sheegtii ka dhacday dalka Itoobiya ayay sheegteen xisbiga talada haya ee EPRD/TPLF inay ku guuleysteen kuraastiii baarlamaanka 100%. Doorashadii hore ee ka dhacday dalkaas ayaa sidaas oo kale ay sheegteen inay ku guuleysteen 99% kuraasta dalkaas Itoobiya.

 

ONA

 

La wadaag