TV-ga ESAT ee ku hadla afka suxufiyiinta kasoo haajiray Ethiopia ayaa shaaciyay Sir iayaga oo sheegay in taliska Woyanaha Ethiopia qorsheeyeen inay qaraxyo kasameeyaan gudaha Ethiopia. Qaraxyadan waxaa qorsheynaya oo falka sameyn doona sirdoonka iyo Ciidamada Ethiopia iyaga oo la beegsanaya goobaha dadka shacabka ahi isugu yimaadaan sida garoomada kubada lagu ciyaaro, Suuqa Wax lagu kala iibsado, meheradaha iyo goobaha waaweyn ee bulshadu isugu timaado sida shirarka.
ESAT ayaa intaas raaciyay in u jeedada ka danbeysa ay tahay in Taliska Ethiopia ku eedeeyo jabhadaha hubeysan inay ka danbeeyeen falalkan argagaxa lagu galinayo sahcabka si ayay dhaheen loo cabsi galiyo shacabka loona abuuro xiisad cusub oo bulshada looga dhaadhicinayo in qaraxyadan ay ka danbeeyaan Jabhada hubeysan oo ku tiirsan shacabka iyo dadkiisa.
ESAT waxa uu sheegay in hadda ka hor qaraxyo ay geystyeen ciidamada Ethiopia oo laga geystay deegaanka Oromada in gumeysigu markiiba ku eedeayay jabhada OLF ee (Oromada) inay ka danbeyeen falalkaas.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
