Opens in a new tab

Abaaro Xoogan oo ku Habsaday Meelo Itoobiya Kamid ah .

ONA7 August 2015
Read in English

Wararka aan Itoobiya kahelayno ayaa sheegaya in abaaro xoogan ay meelo wadanka kamid ah kuhabsadeen. Waxaa siikordhaya cabsida laga qabo in 8-milyan oo Itoobiyaan ah ay cuno yari soo foodsaaratay qarkana usaaran yihiin ineey macaluul darteed u halaagsamaan.

Roobabkii dayrta oon sidii hore u di’in meelaha qaarna aan kaba di’in ayaa keenay in dalagii lasugayay inuu soogo’in taasoo u horseedi karta ineey masiibo macaluuleed kadhacdo Itoobiya. Meelaha saan saanta abaareed laga dareemayo ama ay ka bilaabatay ayaa waxaa kamid ah Gobolka Waqooyiga Shawa, Kililka Canfarta & Gobollo kamid ah wadanka Somalida Ogadenya.

Hay’daha iyo ururada caalamiga ah ee arimaha banii’aadminimada daneeya ayaa kusoo eedeeyay taliska Itoobiya ineeysan wax kahortag ah oo abaarahaas laga qaylinayo kusaabsan aysan kutalaabsanin. Dhanka kale waxaa Gumaysiga Itoobiya aad loogu dhaliilay in maalaayiin doolarka Maraykanka ah lagu bixiyay xaflado iyo munaasabado aan ahmiyad badan lahayn sida xuskii sanad guuradii TPLF, OPDO iyo xafladii u dambaysay ee Obama loosameeyay.

Isku soo wada duuboo dhibaato ba’an ayaa lasheegayaa ineey ku soo foolleedahay malaayiin Itoobiyaan ah meesha taliska Gumaysiga Itoobiyana uu siyaasad xumo awgeed iyaga dhexdooda iskugu mashquulsan yihiin.

 

ONA/Ethiopia

 

La wadaag