Waxaa si rasmi ah daqiiqado kahor loosoo gabagabeeyey shirweynihii 20aad ee jaaliyadaha Ogadenya oo sanadkan lagu qabtay caasimada Norway ee Oslo.
Shirweynahan oo bilowday 14 kii bishan ayaa u qabsoomay sidii loogu talagalay, waxaana soo xidhay gudoomiyaha jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenya Adm.Maxamed Cumar Cismaan oo halmalyo iyo bogaadin usoo jeediyey CWXO,jaaliyada marti galisay shirweynaha,jaaliyadihii kasoo qayb galay iyo dhamaan shacabka Ogadenya.
Gudoomiyaha JWXO ayaa kula dardaarmay kasoo qayb galayaasha shirweynaha iyo dhammaan shacabka Ogadenya inay u istaagaan siday isaga qaadi lahaayeen heeryada gumaysiga taas oo uu gudoomiyuhu ku cabiray inay ku imaanm karto midnimo,mintidnimo iyo iskutashi oo dhinac walba leh.
Goaamada kasoo baxay shirweynahan oo saxaafada loo qaybin doono goor dhow ayaa waxaa kamid ahaa qodobadiisa:
8-Shirweynaha waxaa si buuxda la iskugu raacay laguna go,aamiyey in shirweynaha 21aad ee jaaliyadaha Ogadenya lagu qaban doono haduu eebe idmo dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapulis ee gobolka Minnesota.
Shirweynaha 20aad ee Jaaliyadaha Ogadenya
14-16 August 2015
ONA/Oslo

AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
