Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Wadankaas Australia Gobolkiisa Victoriya ayaa Munaasabada Ciidul Adxa maanta isugu timid Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay. Halkaas oo dhamaan xubnaha jaaliyada iyo caruurtaba la keenay. Waxaa xafladaas lagu qabtay Yarraville Park oo ah goobta loogu talagalay dadweeynaha dagan gobalka Victoria in ey ku qabsadaan xafladaha looyaqaan (BBQ).Masuuliyiinta Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Victoria ayaa soodhaweeyey dhamaan bulshada ka soo qeyb gashay xafladaas, una faray hambalyo cideed shacab waynaha Soomaalida reer Ogadenia iyo dhamaan umada muslimiinta meel kasta oo ay joogaanba.
Maalintan ayaa fursad u aheyd dhamaan bulshada kasoqeybgashay munaasabadan farxadeed ee ciida. Waxaa kaloo fursad u aheyd dhamaan hooyooyinka iyo aabayaasha oo fursad u helay ilmahooda inay helaan goob ay faraxada ciida ku qaataan iyada oo dhamaan goobta laysugu caruurta jaaliyad waynta soomaalida Ogaadeeniya ee Victoria. Halkaas ooy damaashaad iyo farxad balaadhan ku wada qaateen
Ururka OYSU Melbourne ayaa gacanweyn ka geeystay xafladaan fududaynteeda iyo u Adeegida dad waynihii munaasbada isugu yimid.
Gabagabadii xafladan ayaa ku dhamaatay si farxaad ah.
Waxaan Alle ka baryeynaa in ciidan ciideeda kale aan ku gaadhno Nabad,Barwaaqo iyo Ogadenia oo xorowda dhamaan teena ku ciidno dhulkeenii Hooyo.
Guul iyo Gobanimo
Alaahu Akbar
The Ogadenia Somali community in the state of Victoria, Australia, came together today for Eid al-Adha at a celebration organised to a high standard. All members of the community and their children were brought there. The celebration was held at Yarraville Park, a venue set aside for residents of the state of Victoria to hold what are known as barbecue (BBQ) gatherings.Officials of the Ogadenia Somali community in Victoria welcomed everyone who took part in the celebration and extended Eid greetings to the Somali people of Ogadenia and to the entire Muslim nation, wherever they may be.
This day was an opportunity for everyone who took part in this joyful Eid occasion. It was also an opportunity for all the mothers and fathers, who found a place where their children could enjoy the happiness of Eid, as all the children of the large Ogadenia Somali community in Victoria were brought together at the venue. There they shared in festivities and great joy.
The OYSU (Ogaden Youth and Students Union) Melbourne branch played a major role in facilitating the celebration and serving the crowds who gathered for the occasion.
In conclusion, the celebration ended joyfully.
We pray to God that we reach the next Eid in peace and prosperity, and that we all celebrate Eid in our motherland with Ogadenia liberated.
Victory and Freedom
Allahu Akbar
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
