Dhaq-dhaqaaq muujinaya isbadalo muhiim ah ayaa ka socda Itobiya gude iyo dibadba, waxayna shacabka intiisa badan rajaynayaan inuu ku dambayn doono in lakala doorto; Xoriyad Iyo Dimoqraadiyad Dhab ah in la helo si loo wada joogo, ama la raadiyo Habkii Iyadoon La’is Dilayn Loogu Wada Noolaan Lahaa Geeska Afrika.
Taariikhda Itobiya inta la xasuusto lama hayo muddo la odhan karo dagaal iyo cadaadis la’aan ayay wada noolaayeen shucuubta Itobiyada maanata. Markaad akhriso taariikhdii Abisiinya ama Itobiyada maanta, waxaad arkaysaa inuu ahaa dal uu ka jiray dagaal u dhexeeyay welina u dhexeeya shacabka iyo kolba kooxda xukunka qabsata. Taariikhdaa ku dhisan dagaalka ayaa ilaa maanta socda oo aan marnaba joogsan. Xiliyada ay xasilooni mudda yar ku siman ka jirtay Itobiya waxay ahayd marka shacabkii gadoodsanaa la maquuniyo oo la gumaado. Hordhacaa ka dib;
Dhaq-dhaqaaqa iyo Isbahasiyada ka socda dibadda ayaa gabi ahaan Itobiya meelaha lagu kulmo si aad ah looga hadal hayaa. Gaar ahaan markay isku kaliyaystaan inta sheeka wadaaga leh oo laga dhex baxo si xun wax u sheegayaasha la shaqeeya sirdoonka. Dadka Oromada ah iyagu si kalsooni ay ku jirto ayay uga hadlaan siyaasadda, waxayna muujistaan intooda badan inay la jiraan isbahasiga lagu dhawaaqay. Hasa ahaatee shacabka Somalida Ogadenya oo cabsi badan lagu abuuray ayaa qofkaad kala sheekaysato arimo siyaasadeed wuxuu uga faaloodaa si maldahan ood malayn karto wuxuu jeclaan lahaa. Kamana hadlo badanaa wixii laga urin karo inay ONLF ku lug leedahay.
Waxaa iyada la’isku raacsan yahay in siyaasaday kooxdaTPLF/EPRDF ugu talagaleen inay muddo dheer ku xukumaan Itobiya lasoo taabtay salkeedii oo la ogaaday inay ahayd khiyaano siyaasadeed (politics). Sidaan la socono, ururka TPLF iyagoo ka tarjumaya dareenka shacabka Itobiya gaar ahaan jabhadihii kasoo horjeeday xukunkii Mengistu ayay soo saareen Cahdigii Ku-meel gaadhka ahaa (Transitional Charter) ee noqday asaaska Dastuurka Itobiya loo dajiyay. Cahdigaa iyo Dastuurkaba waxaa asaas looga dhigay Xukun ku dhisan Dimoqraadiyad, Sinaan, Cadaalad iyo Xaqqa Aaya-katashiga Qawmiyadaha Itobiya ilaa heer go’itaan. Qodobadaa dhamaantood waa lagu hungoobay, waxaana la ogaaday inay ahaayeen Dabin (bait – طعم). Waxaana u galay dabinkii oo ku dhacay shacabka Somalida Ogadenya markay dalbadeen in afti laga qaado siduu dhigayay cahdiga iyo shacabka Amxaarada oo si fiican uga qayb qaatay doorashadii 2005kii hasa ahaatee lagu laayay Addis Ababa markay dalbadeen in la ixtiraamo xaqqa sanduuqa (Ballot box). Waxay dhab ahaan uga quusteen markuu R/wasaarihii dhintay Meles Zenawi isagoo ka jawaabaya dadkii lagu laayay Addis Ababa yidhi; “Xabad ayaan ku qabsanay xukunka, warqad sanduuq lagu ridayna kagama tagayno.” Maalintaa ayay u cadaatay shacabka Itobiya in halgan hubaysan waxaan ahayn uuna ku hirgalaynin labada qodob ee asaaska u ah dastuurka Itobiya. Ururada hubaysan iyo xisbiyada mucaaradka ah waxay kaga dhawaaqeen caalamka is-bahaysiyo leh ujeedo isku mid ah, hasa ahaatee ku kala duwan fikirka (Ideology).
Isbahaysiga ay ku kulmeen ururada Oromiya, Sidamo, Ogadenya, Banishangol iyo Gambela oo lagu magacaabo Peoples’ Alliance for Freedom and Dimogracy (PAFD), hadafkiisa waxaa ka mid ah inuu Isbahaysiga ka shaqeeyo siduu u baabi’in lahaa nidaamka siyaasadeed ee Itobiya oo ah nidaam ku dhisan gumaysi, gumaad iyo cabudhin oo kolba qawmiyda xukunka qabsata iyagoo adeegsanaya magacii dawladda ku cadaadiya qawmiyadaha kale.
Dhanka kalena waxaa isugu tagay afar urur oo mucaarad ku ah xukuumadda Wayaanaha TPLF oo samaystay isbahaysi la magac baxay United Movement for the Salvation of Ethiopia through Democracy(UMSED). Afartan waxay kala matalayaan qawmiyadaha; Cafar, Tigree iyo Amxaaro (Afar Revolutionary Democratic Unity Front, Tigray People’s Democratic Movement, Amhara Democratic Forces Movement, and Patriotic Ginbot 7 Movement for Unity and Democracy). Bayaanka ay soo saareen isbahaysiga UMSED waxay ku sheegeen in maamulka TPLF/EPRDF uu ku dhisan yahay cadaadis siyaasadeed, musuqmaasuq dhaqaale, ku tumashada xuquuqda aadanaha, xuquuqda siyaasiga iyo doorasho beenaad joogta ah.
Labada is-bahaysi oo kulminaya dhamaan qawmiyadaha Itobiya waxay ka midaysan yihiin in xukunka Wayaanaha TPLF/EPRDF in uuna ahayn mid lasii dhowran karo oo u horseedi kara Itobiya cadaalad iyo dimoqraadiyad dhab ah. Waxayse ku kala duwan yihiin qodob asaasi u ah is-bahasiga PAFD, hasa ahaatee isbahaysiga UMSED ay u arkaan inuu u horseedayo Itobiya burbur iyo inay kala dhaqaaqaan Itobiyadii uu asaasay Minelikii 2aad.
Kooxda Xabashi oo ka kooban Tigree iyo Amxaaro, waxay aaminsan yihiin inay iyagu yihiin asalka Itobiya (Ethiopia Proper), qawmiyadaha kale ee ku nool Itobiyana waxay u arkaan inay yihiin adeegayaasha boqortooyadii Xabashi ee noqotay dawladda Itobiya. Hadaad fiiriso nidaamka maamul ahaan ay u dhisnayd Imbradooriyadii Abisiinya iyo markii la riday habkuu u dhisan yahay maamulka Itobiya waxaad ogaanaysaa in magacyada un la badbadalyo hasa ahaatee aanay waxba iska badalin awooda saraakiisha dawladda (ciidan iyo madani) iyo habka loo magacaabayo iyo siday ula dhaqmayaan shacabka.
Qaybta dambe ayaan kusii faahfaahin doonaa ee la socda.
Noora Afgaab/Jigjiga.
It is widely agreed that the policy which the TPLF/EPRDF group designed in order to rule Ethiopia for a long time has been exposed to its roots, and it has become known that it was a political deception (politics). As we know, the TPLF organisation, reflecting the sentiment of the Ethiopian people, especially the fronts that had opposed the Mengistu regime, produced the Transitional Charter, which became the foundation upon which the Ethiopian Constitution was drafted. Both that Charter and the Constitution were founded on a government based on Democracy, Equality, Justice and the Right to Self-Determination of the Nations of Ethiopia up to secession. All of these provisions have been betrayed, and it has become known that they were a Trap (bait - طعم). Those who fell into that trap were the Somali people of Ogadenia, when they demanded that a referendum be held as the charter stipulated, and the Amhara people, who participated fully in the 2005 election but were massacred in Addis Ababa when they demanded that the right of the ballot box (Ballot box) be respected. They truly lost hope when the late Prime Minister Meles Zenawi, responding to the people massacred in Addis Ababa, said: "We seized power with bullets, and we will not leave it because of a piece of paper dropped into a box." On that day it became clear to the Ethiopian people that nothing but armed struggle would bring about the two provisions that form the foundation of the Ethiopian constitution. The armed organisations and opposition parties announced to the world alliances with the same goal, but differing in ideology (Ideology).
The alliance that brought together the organisations of Oromia, Sidamo, Ogadenia, Benishangul and Gambela, named the Peoples' Alliance for Freedom and Dimogracy (PAFD), has among its aims that the Alliance work towards abolishing Ethiopia's political system, which is a system built on colonialism, massacre and repression, in which whichever nation seizes power oppresses the other nations using the name of the state.
On the other hand, four organisations opposed to the Woyane TPLF government came together and formed an alliance named the United Movement for the Salvation of Ethiopia through Democracy(UMSED). These four represent the Afar, Tigray and Amhara nations (Afar Revolutionary Democratic Unity Front, Tigray People's Democratic Movement, Amhara Democratic Forces Movement, and Patriotic Ginbot 7 Movement for Unity and Democracy). In the statement issued by the UMSED alliance, they said that the TPLF/EPRDF administration is built on political oppression, economic corruption, the trampling of human rights and political rights, and continual fraudulent elections.
The two alliances, which bring together all the nations of Ethiopia, are united in the view that the Woyane TPLF/EPRDF regime is not one that can be preserved or that could lead Ethiopia to genuine justice and democracy. However, they differ on a provision that is fundamental to the PAFD alliance, which the UMSED alliance sees as leading Ethiopia to collapse and to the break-up of the Ethiopia founded by Menelik II.
The Habesha group, made up of the Tigray and Amhara, believe that they are the origin of Ethiopia (Ethiopia Proper), and they regard the other nations living in Ethiopia as servants of the Habesha monarchy that became the Ethiopian state. If you look at the administrative system on which the Abyssinian Empire was built, and at how the Ethiopian administration has been structured since it was overthrown, you will realise that only the names have been changed, but nothing has changed in the power of state officials (military and civilian), the way they are appointed, or the way they treat the people.
I will elaborate further in the next part, so stay tuned.
Noora Afgaab/Jigjiga.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
