
Waa daraasad uu sameeyay Eng. Badal Ahmed Hassan oo ku takhasusay cilmiga loo yaqaano Environmental Management and engineering, Majisteerna ku sameeyey aqoonta ah – Agriculture Forestry, takhasuska ah Tropical Forest ecology and Silviculture.
Hordhac
Wadamada kuyaala Geeska Africa, oo kala ah Djibouti, Eriteria, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan iyo Uganda, waxay kufadhiyaan dhul badkiisa lagu qiyaaso 5057124 , Waxaana kunool qiyaas ahaan dad lagu cadaday 187.97 million oo qof, iyada oo tirada korodhka dadka uu yahay sanidkiiba 2.6 % taas oo kadhigan in hadii uu korodhka dadku kusii socdo cadadkaas in ay tirada dadka kunooli gobolka ay noqon doonaan 375.94 million oo ruux sanadka 2037 da. Dhulka ku haboon beerashada ama waxsoo sarka leh ayaa ah oo kali ah 7.2%. Waxaa intaas garabsocota, iyada oo cimilada gobolku uu yahay mid qalalan, taas oo lagu macneeyo marka tirada uumi baxa biyuhuu ay kabadn yihiin biyaha roobka da,a.
Taariikhda Gobolka oo kooban.
Gobolka Geeska Africa laga soo bilaabo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, ilaa iyo maanta wuxuu kujiray xaalad xasilooni dara ah oo kadhalatay intooda badan isku dhacyo siyaasadeed oo udhaxaysa wadamada dariska ah ama shucuubta kalagadisan ee Africaanka ah ee kuhoos nool wadamadaas. Israac raacinta qoomiyadaha Geeska Africa ayaa intooda badan kadhashay kala qaybintii Africa ee ay sameeyeen gumaysigii reer Yurub. Colaadaha joogtada ah iyo xasilooni la,aanta siyaasadeed ee qaarada Africa guud ahaan gaar ahaan G.Africa ayaa wuxuu sababay dhibaatooyin fara badan oo isugu jira dhimasho dad, duunyo, duurjoog, barakac iyo burbur deegaan. Dagaaladii sokeeye ee kasocday dalka Sudan marka laysku daro kii 1aad iyo 2aad ayaa waxaa kunaf wayday tiro aad u badan oo dad ah inkaloo badana way kubara kaceen, qaybtii 1aad ee dagaaladii sokeeye ee Sudan oo biloowaday 1955-1972 di oo qudha ayaa waxaa kudhimatay 500,000 oo ruux. Malaayiin qofna way kubara kacday. Sidoo kale dagaalkii OGADEN WAR 1977-78 ayaa isagana waxaa kudhintay kumanaann ruux, tiro lagu qoyaaso 600,000 ilaa iyo 800,000 na way kubara kacday, dagaaladii Eritrea ay kaga xorowday gumaysiga Itobiya ayaa sidoo kale tobanaan kun ku nafwaayeen, midkii ay qawmiyadda Tigray kula dagaalantay Mingistu ayaa iyagana keenay dhimasho iyo barakac badan, dagaalkii xoriyad raadinta Jabuuti ayaa isagana dhibkiisa lahaa.
Xasilooni darada hada jirta
Jabhadihii kusalays naa qabiilada Somalida sida SSDF, SNM, USC, SPM iwm ee hubka iyo saanada kala yimid Ethiopia oo ay ka dhaxaysay colaad soo jireen ah iyaga iyo Somalia ayaa keentay ugu dambayntii in ay burburto dawladii Somalia, taas oo keentay 15 sano oo dawlad la,aan ah iyo dagaal sokeeye oo daba dheeraaday oo keenay dhimasho, barakac iyo burbur deegaan oo ay adag tahay sida looga soo kabto. Sidoo kale xukun isbadalkii kadhacay Ethiopia ayaan isna soo kordhinin wax wayn marka laga hadlayo Itoobiya gudaheeda, gobolka ay Somalidu dagto ee Ogaden ayaa wali waxaa kascoda dagaal hubaysan oo lagaga soo horjeedo xukunka Adisababa, oo ay hormuud katahay jabhadda ONLF oo udagaalamaysa xoriyad gaadhsiinta gobolka. Sidoo kale inkasta oo ay xoriyad qaadatay hadana dhibaatada xuduudeed ee udhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa wuxuu keenay dhimasho kor udhaaftay 70,000 oo ruux walina lagayaabo in uu dib ubiloowdo markale. Xaalada Darfuur ayaa iyana ah mid uu caalamku ka wal-wal qabo.
Abaaraha
Macna ahaan Abaartu waxay dhacdaa marka qiyaasta di,ida roobku uu aad uga hoos maro cadadkii ka di,i jiray meesha ay abaartu kadhacday. Sidii aan horay usoo sheegnayba, gobolka Geeska Africa intiisa badan waa dhul kulayle ah, oo ay kuyar yihiin dabeeciyan roobabku, si simana aysan ooga di,in cadceeduna kubadan tahay. Hadaba Abaaraha kadhaca Geeska Africa ayaa ahaa kuwo soo noq noqonayay oo 30 kii sano ee lasoo dhaafay tobankii sanaba ugu yaraan waxaa kadhacaysay abaar. Shaxdan hoos kuqoran ayaa bayaaminaysa abaarihii kadhacay Geeska Africa laga soo bilaabo 1973 ilaa iyo 2000. Hadaan taariikhda dib u jaleecno, laga soo bilaabo 1973kii Itobiya waxaa ka dhacay 4 abaar oo keenan macaluul ama dhimasho dad gaaraya ilaa 30 milyan oo qof, sidoo kale Sudaan waxaa ka dhacday 2ba abaar oo hakeeshay dad gaaraya ilaa 10milyan, Somaliya 3ex jeer ayay abaaruhu haleeleen dad aan ka yareyn 2 milyan ayaana wax ka soo gaareen, dalalka kalena sidoo kale ayay abaaruhu u wax yeeleeyeen mudadaa.

Hadaba guud ahaan musiibooyinka ay abaartu kamidka tahay, waxaa loo kala qaada laba qaybood oo kala ah mid ay keentay dabeecadu (Rabaani) iyo mid ay keeneen aadamuhu. Mida rabaaniga ah waa mid udhacda si xili xili ah oo matalan waa roobkii oo lawaayo, laakiin mida bani aadamku uu keeno ayaa ah mid sii xumaysa xaalada ooy waliba adagtahay in laga soo kabto. Dhibaatooyinka uu bani,aadamku keeno waxaa kamid ah xaalufinta dhirta, nabaad guurka kudhaca ciida, bur burinta biya mareenka iyo biyo qabiteenka, sida togoga, Laagaha, Wabiyada iyo baliyada oo xabaalma ciida kusoo shubmaysa darteed, taas oo dhalisa biya yaraan badan oo sababta in ay dad iyo duunyo badani u dhamaadaan Haraad.
Hadaba markaad eegto musiibada abaareed ee kataagan Geeska Africa waxaa la odhan karaa inteeda badan waxaa keenay aadamaha, oon qudhooda usii kala saari doono mid ay keentay Maamul iyo maarayn xumo iyo mid kadhalatay ficilada tooska ah ee ay shacabku samaynayaan, waxaana odhan karaa cimiladu waxay kuleedahay qayb aad uga yar tan ay aadumuhu keeneen.
Maamul iyo maarayn xumida.
Sidii aan kusoo sheegnay qaybtii hordhaca ahayd ee qormadan, Geeska Africa waxaa kajirtay mudo dheer xasilooni daro siyaasadeed, taas oo sababtay arimo dhawr ah oo ay kamid yihiin kuwan soo socda:
o Nabadgalyo la,aan
o Aqoon yari iyo Masuuliyad xumo.
o Musuq maasuq
o Caddaalad dari
o Xukun maroorsi
Lixdaa qodob een kur kutaxay oo ay keentay xasilooni yarida guud ee kajirta G.Africa ayaan kusaleeyay in ay 60% abaaraha kadhaca geeska Africa ay ka masuul yihiin Maamulada iyo Xukuumadaha kajira G.Africa. Maxaa yeelay nabadgalyo la,aantu waxay keentay in aan lagu dhaqaaqi karin wax horumar ah haba yaraatee, waxaa kalooy sababtay in dadkii aqoonta lahaa ee dhibaatooyinka wax kaqaban lahaa ay isaga cararaan wadamadoodii ooy nabadgalyo uraadsadaan wadamada reer Galbeedka, daraasad dhawaan laga soo saaray dalka maraykanka ayaa lagu sheegay Dadka aqoon yahaniinta ah ee kasoo carara dalalkooda in ay ugu badan yihiin kuwa kayimaada Itoobiya, oo kamid ah Wadamada ugu saboolsan Caalamka. Sidoo kale aqoon yarida iyo musuq maasuqa ayaa sababay in aysan awood uyeelan in ay waxbadan wax kaqabtaa. Meesha uu xukun maroorsiga iyo Caddalad daridu ay yihiin aabaha dhalay Nabad galyo darida Gobolka kajirta. Dhibaada ay keenaan dadka rayidka ah waxa kamid ah Jarida dhirta, Gubida Cawska iyo dhirta, badinta Tuulooyinka, fidinta dhul beereedka IWL.
1. Biyo La,aanta
G.Africa waxaa kajira Afar xili oo kala qaybsan oo laba xili oo kamid ah ay yihiin xili roobeedka (Gu iyo Dayr), waxaa sida qaalibka ah dhacda in aan maqalo meel hebla (X) waxaa kada,ay roobab waxaana kudhintay dad iyo duunyo badan guryana way qaadeen, mudo yar kadib isla meeshii nafteedii ayaad maqlaysaa waxaa kajira oon iyoo biyo la,aan ay dad iyo duunya badani udhamanayaan?
Waa arin mudan in layswaydiiyo, in ay meeshaasi kajirto roob yaraan iyo in ay kajirto Maarayn la,aan. Anigu waxaan qabaa in Gobolka G.Africa guud ahaan tii ay helaan Biyo kufilan hadii si haboon oo joogta ah loo maareeyo, iyada oo la adeegsanayo qaabab dhawr ah oo cilmi ahaan loo ogaaday.
a) Biyaha roobka oo la goosto ama laxajisto :
Biyaha ka imaanaya cirka ee laynaya dadka iyo duunyada waxaa waajib ah in si haboon loo maareeyo dadkana loo kaydiyo si ay u isticmaalaan xiliga diraacda. Sidoo kale waxaa lagama maar maan ah in lahelo macluumaad (Data) ku saabsan isticmaalka biyaha iyo tirada dadka kunoo deegaanka, taas waxay sahlaysaa in xili kufilan lasii ogaado dadku biyaha ay haystaan inta ay la,egyihiin, in ay kufilan yihiin iyo inkale.
b) Hagaajinta Biya qabateenka (Water chatchment improvement)
Dadka reer miyaga ah sida qaalibka xiliga roobka maysan kacabi jirin ceelasha ee waxay kacabi jireen Baliyada iyo Laasaska, taasi waxaad moodaa in ay hada hoos u dhacday waxaana isleeyahay aragtidayda waloow aanan goobta tagin in ay ugu wacan tahay Baliyadii oo xabaalmay iyo Laagihii oo isbadalay taas oon cilmi ahaan uran karo waa ay xabaalmayaan oo salkii hoose ee biiya qabiteenka ahaa ayaa kor usoo kacaya.
c) Daryeelka Biya dhaca (Watershed Protection)
Waxaa inbadan dhacda in xaalufinta dhirta iyo isbadalka uu keeno Nabaad guurku darteed ay wax iska badalaan biyo mareenadii hore, iyada oo ay ugu wacan tahay burburka kuyimid biyadhaca. Arintaasi waxay wax yeelo wayn ugaysanaysaa togagii iyo laagihii ay biyuhu soo mari jireen dadkuna ay laasaska kaqodan jireen iyo waliba dhul beereedkii.
Nabaad guurka

Nabaad guurka G.Africa kajira ayaa wuxuu yahay mid kusocda xaawli aad badan, oo hadii aan sida ugu dhaqsaha badan wax looga qaban keeni doona dabar go kuyimaada noole iyo manoole badan (biotic and abiotic) oo ay kutiirsan tahay nolosha dad baadan oo kunoo Gobolka. Dadka G.Africa guud ahaan gaar ahaan kuwa Afka Somalliga kuhadla waxay 85 % ubadan yihiin dad reer miyi ah, guud ahaana dhaqaalaha dadku miyi iyo magaalaba wuxuu kuxidhan yahay xoolaha nool, sidaa darteed markii ay dhacdo abaar xooleed waxaa hubaal ah in ay iyana dhacayso abaar dadeed, waayo noloshooda ayaa isku xidhan. Nabaad guurkan ayaa waxaa keenay arimahan soo socda:
Jarida Dhirta (Deforestation)
Dadka kunoo gobolka G.Africa waxay qiyaas ahaan 95% kahelaan tabarta ay wax kushitaan dhuxusha iyo xaabada, sidaa darteed daadku marna kaba baaqsanayaan shidida iyo Jarida Geedaha si ay uga dhigtaan Xaabo iyo Dhuxul.
Waxaa iyana aad usoo badanaya dadaka reer miyiga ah ee usoo guuraya magaalooyinka, kuwaas oon haysanin dhaqaale ay kudhisan karaan guryo dhagax ah, sidaa darteed ayay markale soo jaraan geedihii si ay uga dhigtaan tiir iyo dhis.
Dadka reer miyiga ah oo awalba dhaqan ulahaa in ay guur guuraan, ayaa waxaa hada sii batay geedigoodii, daaqa oo yaraaday darteed, kuwaas oo meeshay degaanba ka oota xero cusub iyaga oo soo jaraya dhir hore leh.
Nadaam darada kadhalatay Dowlad la,aanta Somalia ayaa keentay in uu ruux walba kudhaqaaqo sidii uu qaybtiisa uga qaadan lahaa dhibaatada lagu hayo deegaanka, arintaas oo kusoo kordhisay Jarida dhirta barnaamij cusub aadna uqatar badan oo ah Dhoofinta Dhuxusha, barnaamijka dhoofinta dhuxusha ayaa kamid ah runtii waxyaabaha naxdinta leh ee kusii kordhaya dalka oo dhan gaar ahaan gobolada koonfureed Jubooyinkuba ha,ugu daraadeen. Waxayna ubaahan tahay talaabo Heer caalami ah.
Wax soo saarka dhulbeereedka oo aad hoos ugu dhacay ama noqday mid laysagaba tagay (abandoned),Degradation ka kudhacay dartiis, ayay meeloo badan waxay bilaabeen dadku in ay dhul cusub baneeyaan oo ay dhirta kajaraan si ay mudo kooban utabcadaa (Slash and burn cultivation).
Shantaa qodob een kor kucalaamadeey ayaan odhan karaa waxay laf dhabar uyihiin Xaalufinta dhirta iyo nabaad guurka.
Gabagabo (Conclusion)
1. Xaalada mustaqbalka G.Africa waa mid aad uwalaac badan una baahan in si cilmiyaysan wax looga qabto.
2. In si heer caalami ah loo dhaxgalo xasilooni darada G.Africa oo laxaliyo kacdoomada siyaasadeed ee kajira waa furaha mustaqbalka gobolka oo dhan.
3. Xaaladaha Abaaruhu waxay ahaanayaan kuwo sii socda hadii aan qaab horu marin ah loo wajicin
4. Barnaamijka Gargaarka degdega ah ee loofidiyo wadamada G.Africa ma,ah xal wax kaqaban kara mustaqbalka dhaw iyo kan fog midna, hadii aan gobolka loo samaynin Marshal plan dheer.
5. Shucuubta gobolka kunool iyada ayaa iska saari karta mashaqada haysata, laakiin gargaarka Caalamku waa uun mindi laba afleh, marna way kudib ridayaan oo waad isku halayn marna in ay kubad baadiyaan ayaa laga yaabaa.
6. Waxaa lagama maar maan ah in aqoon yahanada Geeska Africa udhashay ay isugu yimadaan shir heer gobol ah ooy kaga wada arinsanayaan sidii dadka iyo deeganka loo bad baadin lahaa.
7. In shacabka Somalidu ay udagaalamaann sidii ay isaga xorayn lahaayeen qaawlaysata haysata ee ay uxidh xidhan yihiin 15 ka sanadood.
8. In ay beesha caalamku saaraan Caddaadis dheeraad ah xukuumadaha G.Africa ee kuhaysta xukunka xooga, shacabkana baday Gaajo, barakac, Xabsi iyo dil intaba.
Eng. Badal Ahmed Hassan
This is a study carried out by Eng. Badal Ahmed Hassan, who specialised in the field known as Environmental Management and engineering, and who did a Master's degree in Agriculture Forestry, specialising in Tropical Forest ecology and Silviculture.
Introduction
The countries located in the Horn of Africa, namely Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan and Uganda, sit on a land area estimated at 5057124, and are inhabited by an estimated 187.97 million people, with a population growth rate of 2.6% per year, which means that if population growth continues at that rate, the number of people living in the region will reach 375.94 million by the year 2037. Land suitable for farming or production makes up only 7.2%. In addition to this, the climate of the region is dry, which is defined as when the amount of water evaporation exceeds the rainfall.
A Brief History of the Region.
From the end of the Second World War until today, the Horn of Africa region has been in a state of instability, arising mostly from political clashes between neighbouring countries or between the different African peoples living under those countries. The conflicts among the nationalities of the Horn of Africa mostly arose from the partition of Africa carried out by the European colonisers. The continuous conflicts and political instability of the African continent in general, and the Horn of Africa in particular, have caused numerous problems including loss of human life, livestock and wildlife, displacement and environmental destruction. In the civil wars that took place in Sudan, when the 1st and 2nd are combined, a very large number of people lost their lives and many more were displaced; the 1st phase of the Sudanese civil wars, which ran from 1955-1972, alone killed 500,000 people. Millions of people were also displaced. Likewise, the OGADEN WAR of 1977-78 killed thousands of people, and a number estimated at 600,000 to 800,000 were displaced; in the wars through which Eritrea liberated itself from Ethiopian colonialism, tens of thousands likewise lost their lives; the one in which the Tigray nationality fought Mingistu also caused many deaths and much displacement; and Djibouti's independence struggle also had its own hardships.
The Current Instability
The Somali clan-based fronts such as SSDF, SNM, USC, SPM etc., which obtained weapons and equipment from Ethiopia, which had a long-standing enmity with Somalia, ultimately led to the collapse of the Somali government, which brought 15 years of statelessness and a protracted civil war that caused deaths, displacement and environmental destruction from which it is difficult to recover. Likewise, the change of regime that took place in Ethiopia did not bring much improvement as far as Ethiopia's internal affairs are concerned; in the Somali-inhabited region of Ogaden there is still an armed war against the Addis Ababa regime, led by the ONLF front, which is fighting for the freedom of the region. Likewise, although it gained independence, the border dispute between Ethiopia and Eritrea caused deaths exceeding 70,000 people, and it may still flare up again. The situation in Darfur is also one that the world is worried about.
The Droughts
By definition, drought occurs when the amount of rainfall falls far below the amount that used to fall in the place where the drought occurred. As we mentioned earlier, most of the Horn of Africa region is hot land, where rains are naturally scarce, do not fall evenly, and there is a lot of sunshine. The droughts occurring in the Horn of Africa have been recurring, and in the past 30 years at least one drought has occurred every ten years. The table written below shows the droughts that occurred in the Horn of Africa from 1973 to 2000. If we look back at history, since 1973 Ethiopia has had 4 droughts that brought famine or death affecting up to 30 million people; likewise Sudan had 2 droughts that affected up to 10 million people; Somalia was hit by droughts 3 times, affecting no fewer than 2 million people; and the other countries were likewise harmed by droughts during that period.
In general, disasters, of which drought is one, are divided into two categories: those caused by nature (Divine) and those caused by humans. The divine kind occurs seasonally, for example the failure of the rains, but the kind caused by humans worsens the situation and is also difficult to recover from. Problems caused by humans include deforestation, soil erosion, and the destruction of waterways and water catchments, such as streams, dry riverbeds, rivers and ponds that become buried by soil washing into them, which leads to severe water shortages that cause many people and livestock to perish from thirst.
So when you look at the drought disaster in the Horn of Africa, it can be said that most of it was caused by humans, which itself can be divided into that caused by poor governance and mismanagement and that arising from the direct actions carried out by the people, and it can be said that the climate has a much smaller share than that caused by humans.
Poor Governance and Mismanagement.
As we mentioned in the introductory part of this article, the Horn of Africa has experienced political instability for a long time, which has caused several issues including the following:
o Insecurity
o Lack of knowledge and irresponsibility.
o Corruption
o Injustice
o Usurpation of power
Based on these six points listed above, which were caused by the general instability in the Horn of Africa, I have concluded that the administrations and governments of the Horn of Africa are responsible for 60% of the droughts occurring in the Horn of Africa. Because insecurity has meant that no development whatsoever can be undertaken, and it has also caused educated people who could have addressed the problems to flee their countries and seek safety in Western countries; a study recently released in the United States stated that the educated people who flee their countries come mostly from Ethiopia, which is one of the poorest countries in the world. Likewise, lack of knowledge and corruption have meant that they lack the capacity to do much about it. Meanwhile, usurpation of power and injustice are the father of the insecurity in the region. The problems caused by civilians include cutting trees, burning grass and trees, the multiplication of villages, expansion of farmland etc.
1. Water Shortage
The Horn of Africa has four distinct seasons, two of which are rainy seasons (Gu and Dayr); it often happens that we hear that in such-and-such a place (X) rains have fallen, killing many people and livestock and sweeping away houses, and a short time later, in that very same place, you hear that there is thirst and water shortage from which many people and livestock are perishing?
It is a matter worth asking whether that place has a lack of rain or a lack of management. I believe that the Horn of Africa region as a whole receives enough water if it is managed properly and consistently, using several methods that have been scientifically established.
a) Harvesting or retaining rainwater :
The water coming from the sky that kills people and livestock must be properly managed and stored for people so that they can use it during the dry season. Likewise, it is essential to obtain information (Data) on water use and the number of people living in the area; this makes it easier to know in good time how much water people have, and whether it is sufficient or not.
b) Improving Water Catchments (Water chatchment improvement)
Rural people usually did not drink from wells during the rainy season but rather drank from ponds and shallow wells; this seems to have declined now, and in my view, though I have not visited the site, I believe it is due to the ponds having been buried and the dry riverbeds having changed, which scientifically I can say are becoming buried, with the bottom of the water catchment rising up.
c) Watershed Care (Watershed Protection)
It often happens that due to deforestation and the change caused by erosion, the old waterways change, owing to the damage done to the watershed. This causes great harm to the streams and dry riverbeds through which water used to flow and where people used to dig shallow wells, as well as to farmland.
Erosion
The erosion in the Horn of Africa is proceeding at a very high rate, and if it is not addressed as quickly as possible, it will lead to the extinction of many living and non-living things (biotic and abiotic) on which the lives of many people living in the region depend. The people of the Horn of Africa in general, and Somali speakers in particular, are more than 85% rural people, and in general the economy of the people, both rural and urban, depends on livestock; therefore, when a livestock drought occurs, a human drought will certainly also occur, because their lives are interconnected. This erosion has been caused by the following issues:
Cutting of Trees (Deforestation)
The people living in the Horn of Africa region obtain an estimated 95% of their fuel from charcoal and firewood; therefore, people never refrain from burning and cutting trees to turn them into firewood and charcoal.
There is also a sharp increase in rural people moving to the towns, who do not have the money to build stone houses, so they in turn cut trees to use as poles and building material.
Rural people, who already had a nomadic tradition, have now increased their movements because of diminishing pasture, and wherever they settle they build a new enclosure by cutting down young trees.
The lawlessness resulting from statelessness in Somalia has led every person to set about taking their share of the damage being inflicted on the environment, which has added to tree cutting a new and very dangerous programme, namely the export of charcoal; the charcoal export programme is truly one of the alarming things increasing across the whole country, especially in the southern regions, including the Jubba regions. It requires action at the international level.
Because farmland production has declined sharply or been abandoned (abandoned) due to the degradation it has suffered, people in many places have begun clearing new land, cutting the trees in order to cultivate it for a short period (Slash and burn cultivation).
I can say that these five points I have marked above are the backbone of deforestation and erosion.
Conclusion (Conclusion)
1. The future situation of the Horn of Africa is very worrying and needs to be addressed scientifically.
2. International intervention in the instability of the Horn of Africa and resolving the political upheavals there is the key to the future of the entire region.
3. The drought situations will continue unless they are confronted in a forward-looking manner.
4. The emergency relief programme extended to the Horn of Africa countries is not a solution that can address either the near or the distant future, unless a long-term Marshall plan is created for the region.
5. The peoples living in the region are the ones who can rid themselves of the trouble they face, but international aid is just a double-edged sword: sometimes it will let you down when you have relied on it, and sometimes it may save you.
6. It is essential that intellectuals born in the Horn of Africa come together in a regional conference to discuss how the people and the environment can be saved.
7. That the Somali people fight to free themselves from the warlords holding them, who have kept them in chains for the past 15 years.
8. That the international community put additional pressure on the governments of the Horn of Africa who hold power by force and have subjected the people to hunger, displacement, imprisonment and killing alike.
Eng. Badal Ahmed HassanAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

