Maleesiyadii Ihadhig (Wayaane) sidaan soo sheegnay markay kasoo adkaadeen kana saareen dalka jabhadii xooga badnayd ee Itixaadka ayay usoo gacan banaanaadeen intii ka hubaysnayd ONLF ee xafiisyada loogu talagalay inay ilaaliyaan ama joogay saldhigyo qarsoon oo aan badnayn. Waxay kaga bilaabeen weerar ay ku qaadeen gudoomiyahii ONLF AUN Sheekh Ibraahim oo booqasho ku tagay magaalada Wardheer. Ujeedada weerarkaasi wuxuu ahaa inay gacanta ku dhigaan ama dilaan Gudoomiyaha say u hakiyaan barnaamijkii is-habaynta iyo diyaar-garowga ONLF ay ugu jirtay say ula falgalaan marxaladda cusub iyo dagaalada aan laga fursanaynin ay soo qaadi doonaan Wayaanaha. Taariikhdaa iyo dagaalada say ku bilowdeen waa mid meelo kala duwan lagu qoray, waxaase iyada xusid mudan dagaalkii ka dhacay Wardheer oo noqday astaan kala-guur ah. Wayaanaha waxaa cadaatay inay been u sheegayeen shucabka Ogadenya oo hadafkoodu uu ahaa inay usoo gacan banaanadaan.
Taariikhda shucuubta waxaa jira marxaladu xusuusreeb ah (Turning Point). Tusaale ahaan, dagaalkii Bader wuxuu Ilaahay ku tilmaamay mid xaqqa iyo baadilka kala soocay (Yoomal Furqaan), wuxuuna mushrikiintii Quraysh dareensiiyay inuu isbadal jiro. Sidoo kale, weerarkii Wayaanaha ay kusoo qaadeen Wardheer wuxuu u noqday astaan marxaladda cusub ee halganka shacabka Somaliyeed ee Ogadenya uu galayo. Wuxuu u muujiyay maleesiyadii Ihadhig ee ka soo adkaaday dhamaan xoogagii diiday inay is-dhiibaan, inay jirto qiiradii xoriyad jacaylka iyo awoodii shacabka Ogadenya. Dagaalka Wardheer wuxuu noqday dagaal ay shacabka Wradheer ku difaaceen Gudoomiyihii ONLF iyo goosankii yaraa ee lasocday gudoomiyaha inay ilaaliyeen, arintaasoo ku noqotay argagax Wayaanaha iyo arin aanay sinaba u filaynin inay u dhacdo. Yoolka Wayaanaha wuxuu ahaa inay gacanta ku dhigaan ama ay dilaan gudoomiyaha JWXO. Weerar ay soo qorshaysteen ayay kusoo qaadeen N/hurayashii ilaalinayay xafiiska iyo Gudoomiyaha oo joogay halkaa, waxaana ka dhacay dagaal gacmaha la’isula tagay oo durbadiiba ay kusoo biireen shacabkii reer wardheer oon u kala hadhin yar iyo weyn. Dagaalkaas wuxuu cadawga ku waayay ciidan ka badan boqol iyo dhaawac farabadan oo aanay ku talagalin.
Wayaanaha waxay filayeen inuu shacabka dhex-dhexaad ka ahaado dagaalka iyaga iyo ONLF, siday dhex-dhexaad uga noqdeen dagaalkii u dhexeeyay iyaga iyo Itixaadka, taasoon u dhicin siday doonayeen. Hadaba su’aasha meesha ku jirta waxay tahay, sababta uu dagaalka Itixaadka ugu muuqday shacabka Ogadenya mid u dhexeeya laba ciidan, weerarkii lagu soo qaaday ONLF-na u noqday mid iyaga lagu soo qaaday oo shacbi ah?
Sidaan soo tilmaanay Itixaadka waxay soo galeen dalka iyagoo ciidan hubaysan ah oo kasoo gudbay dhanka Somaliya, fadhiisino ciidan iyo xafiisyana looga sharciyeeyey Ogadenya. Waliba waxaa la leeyahay ujeedada looga soo saaray Somaliya ee loo keenay halkan ayaaba ahayd si lagu tirtiro. Si kastaba, xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo dadweynaha wuxuu la mid ahaa xidhiidhka ka dhexeeya ciidan dawladeed oo meel dagan iyo shacabka. Waxaa intaa dheer inuu Itixaadka ahaa urur qaab-dhismeedkiisu yahay urur diini ah oon aqoonsanayn xuduudaha u dhexeeya Ogadenya iyo gobolada Somaliya.
Meesha ONLF uu ahaa urur dhex yimid shacabkiisii oo ka doonaya taageero iyo dhismaba. Madaxdii ONLF ee dibadda ka timid waxay isla markiiba usoo bandhigeen dadweynahii Ogadenya Barnaamijkii ururka iyo Hiigsiga ururka, waxayna shacabka gudoonsiiyeen inay ka doonayaan maalkii iyo muruqii lagu meelmarin lahaa barnaamijka ururka hadday ku qancaan. Wayna ku qanceen shacabka Ogadenya iyagoon u kala hadhin barnaamijkii iyo hadafkii ONLF, waxayna go’aansadeen inay ku halgamaan oo xuquuqdooda ku raadsadaan iyagoo ONLF ah. Dagaalkay kusoo qaadeen ONLF wuxuu noqday dagaal ay kusoo qaadeen shacabka, waxaana tusaale loosoo qaadan karaa dadka iyo xubnaha ay dileen; Gudoomiyihii magaalada Goday Ugaas Miraad Layli, gudoomiyihii magaalada Qabridahre Mohamed Cumar Tube iyo Ku-xigeenkiisii Deeq Maxamuud Carab. Waxaa kaloo kamid ahaa gudoomiye ku-xigeenkii Magaalada Wardheer C/laahi Ganay iyo Gudoomiyihii Magaalada Qalaafe Diiriye Dhaqane. Hadaba go’aanka ay kaga baxeen madaxdii ONLF magaalooyinka markay soo xidheen xafiisyadoodii wuxuu ahaa go’aan shacbi ah oo la’isugu diyaarinayo in lagu difaaco barnaamijkii iyo hadafkii ONLF ee ahaa Xoreynta Dalka iyo Dadka Ogadenya.
Madaxdii Ihaadhig (Wayaane) arintaa kuma aanay farxin, mana aanay filaynin in xubnaha ONLF iyo shacabka raacsan ay miyiga u baxayaan oo saldhigyo halkaa ka samaysanayaan. Waxay filayeen oo qorshahooda ahaa inay ONLF ka daba tagaan Itixaad, oo Somaliya u cararaan sidii horeyba usoo dhici jirtay (1964 iyo 1977). Laba sababood dartood ayaanay sidaa ugu dhicin. Ugu horeyn dawladii Somaliyeed way burburtay oo ma jirin Dal iyo Dawlad gabaad u noqon kara ONLF. Midda 2aad barnamijka ONLF lagu aasaasay ayaa wuxuu ku salaysnaa in laga madax banaanaado faragalin dawladeed, gaar ahaan Xukuumadihii Somaliya oo qadiyadda Ogadenya u adeegsaday inay ku ilaaliyaan maslaxadooda oy kula gorgortamaan caalamka.
Hadday Itixaadka sidii horeyba u dhici jirtay gabaad ka heleen xeryahay ku lahaayeen Somaliya, ONLF waxay gabaad ka heleen miyiga Ogadenya oo lagu soo dhaweeyey. Hadday maleesiyadii Wayaanaha ugu tageen Itixaadkii Somaliya oy kaga adkaadeen halkaana iyagoo kaashanaya dagaal oogayaashii Somaliya, way isku dayeen sidoo kale inay miyiga ugu tagaan ONLF oy ka saaraan dalka, wayse ku fashilmeen khasaare weyn oo gilgilay jiritankii xukunka TPLF ayayna kala kulmeen sida ku cadayd warqadaha ay is-dhaafsanayeen madaxda Wayaanaha ee lagu soo bandhigay Wikkileaks.
Talaabada ku xigta maxay tahay? La soco.
Noora Afgaab/Jigjiga.
As we have reported, once the Ihadhig (Woyane) militia had defeated the powerful Itixaad front and driven it out of the country, they turned their hands against the armed ONLF members who guarded the offices or were stationed at the few secret bases. They began with an attack on the ONLF chairman, the late Sheikh Ibraahim (may Allah have mercy on him), who was visiting the town of Wardheer. The aim of that attack was to capture or kill the Chairman, and so halt the programme of reorganisation and preparation the ONLF was undertaking to deal with the new phase and the inevitable wars the Woyane would launch. That history, and how the wars began, has been written about in various places, but the battle that took place in Wardheer deserves special mention because it became a symbol of transition. It became clear that the Woyane had been lying to the people of Ogadenia and that their goal was to turn their hands against them.
The history of peoples contains memorable phases (Turning Points). For example, Allah described the Battle of Badr as one that separated truth from falsehood (Yawm al-Furqan), and it made the polytheists of Quraysh realise that a change was under way. Likewise, the attack the Woyane launched on Wardheer became a symbol of the new phase that the struggle of the Somali people of Ogadenia was entering. It showed the Ihadhig militia, which had overcome all the forces that refused to surrender, that the zeal for freedom and the power of the people of Ogadenia still existed. The Battle of Wardheer became a battle in which the people of Wardheer defended the ONLF Chairman and the small detachment accompanying and guarding him, something that came as a shock to the Woyane and that they had in no way expected to happen. The Woyane's objective was to capture or kill the ONLF chairman. They launched a planned attack on the fighters guarding the office and the Chairman, who was there, and a hand-to-hand battle broke out, which the people of Wardheer, young and old alike, immediately joined. In that battle the enemy lost more than a hundred troops and suffered many wounded, which they had not anticipated.
The Woyane expected the people to remain neutral in the war between them and the ONLF, just as they had remained neutral in the war between them and Itixaad, but this did not happen as they wished. So the question that arises is: why did the war against Itixaad appear to the people of Ogadenia as one between two armies, while the attack on the ONLF became one launched against the people themselves?
As we have pointed out, Itixaad entered the country as an armed force that crossed over from Somalia, and military bases and offices were legalised for it in Ogadenia. It is even said that the purpose of bringing them out of Somalia and here was in fact so that they could be eliminated. In any case, the relationship between them and the public was like the relationship between a government army stationed somewhere and the civilians. Moreover, Itixaad was an organisation structured as a religious movement that did not recognise the borders between Ogadenia and the regions of Somalia.
The ONLF, by contrast, was an organisation that came among its own people, seeking their support and help in building it. The ONLF leaders who came from abroad immediately presented the organisation's programme and vision to the people of Ogadenia, and told the people that they wanted from them the wealth and manpower needed to implement the organisation's programme, if they were convinced by it. And the people of Ogadenia were, without exception, convinced by the ONLF's programme and goal, and they decided to struggle for it and seek their rights as the ONLF. The war launched against the ONLF became a war launched against the people, as can be seen from the people and members they killed: the chairman of the town of Goday, Ugaas Miraad Layli; the chairman of the town of Qabridahre, Mohamed Cumar Tube, and his deputy Deeq Maxamuud Carab. Others included the deputy chairman of the town of Wardheer, C/laahi Ganay, and the chairman of the town of Qalaafe, Diiriye Dhaqane. Thus the decision by the ONLF leaders to leave the towns after closing their offices was a popular decision, preparing to defend the ONLF's programme and goal, which was the Liberation of the Land and People of Ogadenia.
The Ihaadhig (Woyane) leaders were not pleased by this, and they did not expect ONLF members and the people who followed them to go out to the countryside and establish bases there. They expected, and planned, that the ONLF would follow Itixaad and flee to Somalia, as had happened before (1964 and 1977). This did not happen, for two reasons. First, the Somali state had collapsed, and there was no country or government that could serve as a refuge for the ONLF. Second, the programme on which the ONLF was founded was based on being independent of any government interference, especially that of the Somali governments, which had used the Ogadenia cause to protect their own interests and to bargain with the world.
Whereas Itixaad, as had always happened before, found refuge in the camps they had in Somalia, the ONLF found refuge in the countryside of Ogadenia, where they were welcomed. Just as the Woyane militia had pursued Itixaad into Somalia and defeated them there with the help of Somali warlords, they likewise tried to pursue the ONLF into the countryside and drive them out of the country, but they failed, suffering heavy losses that shook the very existence of the TPLF regime, as was made clear in the letters exchanged among the Woyane leaders that were revealed by Wikileaks.
What is the next step? Stay tuned.
Noora Afgaab/Jigjiga.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

