Opens in a new tab

Bayaan ay Wada Jir u Soo Saareen Ururka Midnimada Somaaliyeed iyo Ogaden Community ee Karlsruhe, Germany 10.04.2011

ONA17 April 2011
Read in English

 Kulan ay ku yeesheen labadan urur 10kii Aprill 2011 magalada Karlsruhe ee Wadanka Germany kasoo ay kaga wadahadleyeen Xaalada Siyaasadeed iyo Dhaqan ee Qowmiyada  Soomaalida ah ee ku nool Wadanka Germany ayay bayaan wadajir ah ku soo saareen.

 Ururada Ogaden Communiy iyo Somali Union ee Germany oo 2da Jaaliyadood ee Somaalida ku dhaqan Germany kala matala ayaa waxa ay marwaliba ku dadaalaan dhiirigalinta wadajirka iyo iskaashiga Somalida degan Germany.

waxaa kaloo ay xilwayn iska saraan sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa dhibatada daba dheeratey ee ka jirta labada dal ee Soomaliya iyo Ogaadeeniya. Waxay masuuliyiinta 2da jaaliyadood marar badan kulamo ku yeesheen meelo kala duwan, iyagoo ka wada tashada xaalada ay ku sugan tahay ummada Soomaaliyeed meel ey joogtaba. 

Kulanka oo bilowday saacada markay ahayd 4 tii Galabnimo dhamaadayna 8dii Fiidnimo ayay labad Urur isku dhaafsadeen warbixino ay ooga waramayaan xaaladaha ey ku sugan yihiin Jaaliyadaha ay kala matalaan xaga dhaqanka iyo siyaasadaba.

 

Ka dib markii ay warbixinadii dhamaatey oo si mug leh loo falanqeeyay arimahii ajendaha u ahaa kulanka ayaa waxay soo wada sareen bayankan oo ka kooban 3ex qodob.

 1- In labada Urur ey sii wadaan iskashigooda kulamadan oo kalana la badiyo.

2- In laga digtoonaado dadka u adeego gumeysiga Ethiopia ee 2da jaaliyadba ka tirsan oo dhibaatad ba’an ku hayay mudada dheer dadka Soomalida ah ee uu gumeysto iyo wadanka Soomaliya oo faragalintiisa iyo shiqooladiisa ay ka dagi la’dahay. Dadkaa jawaasiista ah ayaa mudadii ugu danbeeysay xaflado wax ay ugu yeerayaan laakiinse loogu adeegayo Ethiopia ka qabanayey meelo kala duwan oo wadanka Germany.

3- In laqabto xaflado iyo Shirar wada jir ah oo lagu muujinayo dhaqanka Soomaliyeed, iyo midnimada ummada Soomaaliyeed meel ay joogtaba. Kulamadaas oo lagu casuumi doono dhamaan dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Germany.

 Minimada Ummada Soomaaliyeed ha waarto, Cadowga Ummada Soomaaliyeed ha dhaco,

 Ogaden Community in Germany and Somali Union Community in Germany

 ONA/Germany

La wadaag