Maahmaah Somaliyeed ayaa ahayd –Nin boka boqol u talisay – hadda Cabdi ilay iyo kooxdiisa waxay sheeganayaan in loo soo raaciyay wafdiga inay khiradda ay yidhaahdeen waxaan u leenahay sida loogu beenguuro banaabaxayaasha ay uga faa’ideeyaan. Wax lala yaabana ma’aha sababtoo ah KT. Zinawi waxaa hadda ku soo hadhay oo uu la tashadaa waa kuwanoo kale un. Marka waa wax dhici kara in dawladii Itobiya ay isku qanciso markay awoodi kari weyday inay shacabkeedii ku kulmiso hal meel in sida ay sheeganayaan Cabdi ilay kooxdiisa ay u beenguureen. Waxaana la ogsoonahay in Sh Shariif oo ka taliya magaala madaxdii dalkiisa in ka yar xaafad inuu isugu yeedhay Somali oo idil oo hall weyn oo la buuxdhaafiyay loogu qabtay shirkiisii London. Waxay arimahan tusaale ka yihiin in Meles Zinawi iyo budhcadiisa ay dalkaa iyo shacabka Itobiya ku xukumaan qoriga caaradiisa ee aanay haysanin kalsoonida shacabka.
Waxay yidhaahdeen kooxda Cabdi ilay khibradii aan u lahayn sida looga dhuunto taageerayaasha xoriyadda shacabka S.Ogadenya ayaa naloo soo raaciyay wafdiga imanaya London inaan uga faa’idayno.
(Masuuliyiinta Deegaanka ayaa haddaba iyagoo adeegsanaya khibradii ay ka heleen Halgamadaasi (oo ah siday sheegeen beenguurka) ayaa hadda u soo jeedsaday inay halgan u galaan sidii ay ururada amxaarada ee qinijit iyo ginboot 7 uga tirtiri lahaayeen wadamada dibadaha islamarkaana ay shirarkaasi ugu qabsoomi lahaayeen si habsami leh.)
Maxay qabteen haddaba oy yidhaahdeen waan kula talinay wafdigii? Waa tani akhri mar 2aad;
(Ururka Qinijit iyo Ginbot 7 oo iyagu u diyaargaroobay inay ku banaanbaxaan shirwaynaha hadda ka socda london ayaa waxaa loo adeegsaday Nidaam cilmiyaysan islamarkaana waxaa la sameeyay in markii hore dadkii oo dhan lagu balamiyay Hoolka Emperial Collage ee magaalada London.)
Dadkii masaakiinta ahaa ee la balamiyay ayaa halkii yimid oo sida ay yidhaahdeen, caalamkana laga daawaday ay kumanaan qof oo ka kooban shucuubta Geeska Afrika ku dhaqan ay ku banaanbaxayaan. Waxay yidhaahdeen;
(.. Balse Nidaamkii loo adeegsaday oo ahaa mid cilmiyaysan ayaa markiiba la sameeyay in dadkii oo dhan si hoos ahaana loo gaadhsiiyo kaararkii ka soo qaybgalka iyo goobtii uu shirku ka dhici lahaa oo ah Safaarada Itoobiya ee Magaalada London oo 15 Mitir u jirta Emperial Collage.). Oo malooga hadhay qalcadii (safaardda) ay soo galeen !!
Khubaradii la socotay wafdiga oo ka koobnaa sida ay sheegeen (..Madaxwaynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Gudoomiyaha xisbiga Mudane C/fataax sh. C/laahi iyo Wasiirka wasaarada ganacsiga Mudane C/raxmaan SH. (guray) .. ayaa waxay ku taliyeen in laga cararo goobta oo la’isku shubo qalcadda. Ma jirto fadeexad diblomaasiyadeed oo ka weyn dawlad ka carartay meeshay u sheegeen dadweynaheeda inay ku shirinayaan. Hasa ahaatee khubaradii la socotay ee aqoonta fiican u lahayd beenguurka waxay ku tilmaameen guul u soo hoyatay Itobiya.
Safiirka Itobiya u fadhiya London isagoo garanaya arintaa ayuu barqiyad u diray wasaaradiisa. Waxaa isaga isqariyay oo aan sooba bixin la-taliyahii safaaradda Cabdirashiid Duulane oo la soo sheegayo inuu ka cadhaysan yahay habka jaahilnimada ah ee Cabdi ilay uu faraha ula soo galay arimaha dibadda iyo safaaradaha taasoo fashilisay intaan wax kaleba la gaadhin qorshihii kala qaybinta ahaa ee ina Duulane uu rabay inuu ka dhex shido jaaliyadaha.
ONA.
There is a Somali proverb – a man who boils leaves has advised a hundred – and now Cabdi ilay and his group claim that they were attached to the delegation so that it could benefit from what they called the expertise they have in how to slip away from protesters by deception. Nor is this surprising, because the only people PM Zinawi has left and consults are people like these. So it is possible that the Ethiopian government, having failed to bring its own people together in one place, would convince itself that, as they claim, Cabdi ilay and his group slipped away by deception. It is well known that Sh Shariif, who governs less than a neighbourhood of his country's capital city, called together all Somalis, and a large hall that was filled beyond capacity was booked for his meeting in London. These matters are an example of how Meles Zinawi and his bandits rule that country and the Ethiopian people at the point of the gun, and do not have the confidence of the people.
Cabdi ilay's group said: "We were attached to the delegation coming to London so that it could benefit from our expertise in how to evade the supporters of the freedom of the people of S.Ogadenya."
("The Regional officials, using the experience they gained from those Struggles (which, as they said, is slipping away by deception), have now turned to waging a struggle to wipe out the Amhara organisations Qinijit and Ginboot 7 in foreign countries and to ensure that those meetings are held smoothly.")
So what did they do, those who said "we advised the delegation"? Here it is, read it a second time;
("The Qinijit and Ginbot 7 Organisation, which had prepared to demonstrate at the conference currently taking place in London, was dealt with using a Scientific System, and what was done was that at first all the people were given an appointment at the Imperial College Hall in London.")
The poor people who were given the appointment came to that place, and, as they said, and as was watched around the world, thousands of people made up of the peoples living in the Horn of Africa were demonstrating. They said;
("... But the System that was used, which was a scientific one, immediately ensured that all the people were discreetly given the attendance cards and the venue where the meeting would take place, which is the Ethiopian Embassy in London, 15 Metres from Imperial College."). And didn't they just stay in the fortress (the embassy) that they had entered!!
The experts accompanying the delegation, who, as they stated, consisted of ("..the President of the Somali Regional State, Honourable Cabdi Maxamuud Cumar, the Chairman of the party, Honourable C/fataax sh. C/laahi, and the Minister of the Ministry of Trade, Honourable C/raxmaan SH. (guray) ..") advised fleeing the venue and piling into the fortress. There is no greater diplomatic scandal than a government fleeing the place where it told its public it would hold a meeting. However, the accompanying experts, who had good knowledge of slipping away by deception, described it as a victory achieved for Ethiopia.
The Ethiopian Ambassador in London, aware of this, sent a telegram to his ministry. The embassy's adviser, Cabdirashiid Duulane, hid himself and did not come out at all; he is reported to be angry at the ignorant way in which Cabdi ilay has meddled in foreign affairs and embassies, which caused the failure, before anything else could be achieved, of the divisive plan that ina Duulane wanted to ignite among the diaspora communities.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
