Waxaan ku bilaabaynaa maqaalkeena maanta hadal dhaxagal ah oo laga hayo ninka loo aaneeyo inuu yahay caqliga ka dambeeyay inay shucuubta Yurub ka xoroobaan dulmigii iyo cabudhintii boqorada. Mr. Voltaire ayaa waxaa laga hayaa inuu yidhi: Qofka Wuxuuba Xoryahay Markuu Doonay Inuu Xor noqdo – Man is free at the moment he wishes to be.- Shacabka Somaliyeed ee Ogadenya sidaa ayay ahaayeen oo waligood ma ogolaanin inay u nuglaadaan gumaysiga Itobiya, waxayna lahaayeen qabweyne iyo inay iskala sareeyaan amxaarka dhaqan ahaan iyo diin ahaanba. Waxaadse moodaa hadda in Cabdi iley iyo maleesiyadiisa Liyuu Booliska (Hawaarinta) loo xilsaaray inay hanjabiyaan shacabka Ogadenya oy qasab ku ogolaysiiyaan inay doonitaanka xoriyadda ka hadhaan oy ogolaadaan inay noqdaan Kabaha Itobiya. Inta aanan sii galin faalada maqaalkeena, waxaan idinla wadaagayaa maanta tijaabo ay niman aqoonyahan ah ku sameeyeen shan daanyeer oo meel ku xidhnaa. Tijaabadan waxaa ka dhashay in shucuubta la doonayo in la cabudhiyo ama la guneeyo loo adeegsado. Waxay u dhacday tijaabadaasi sidan;
Shan daanyeer oo nooca (guerilla) ah oo qafis ku jira ayaa meel loo dhigay gacan moos ah. Muddo yar ka dib daanyeeradii midkood aan dhano (D1) ayaa fantay jaraanjaradii suu usoo qaato mooska. Hasa haatee, markuu damco inuu soo goostaba, waxaa la argagixiyay oo lagu furayaa biya qabow afartii hoos ku hadhay. Midkaa markuu soo dago ayuu muddo yar ka dib danyeer kale (D2) isku dayayaa inuu soo goosto mooskii. Isla markiiba, sidii hore ayaa loogu furayaa biya qabow kuwii hoos ku hadhay.
- Markasta oo daanyeerada midkood uu doono inuu mooska soo goosto, waxaa la argagixinayay oo biya qabow lagu furayay kuwa hoos jooga. Muddo markii sidaa lagu waday ayay daanyeeradii waxay bilaabeen in midkii damca inuu fuulo ay intooda kale celiyaan oy qaraacaan saan loogu furin biyihii qaboobaa.
- Ka dib waxaa laga saaray qafaskii daanyeerkii 1aad ee mooska doontay (D1). Waxaana lagu badalay mid aan la soconin xaaladda iyo mashaqada meesha ka jirta. Durbadiiba wuxuu isku dayay inuu soo goosto mooska, hasa ahaatee, waxaa ishortaagay oo qaraacay markastoo uu damco afartii kale ee la socotay xaaladda. Muddo ka dib wuu joojiyay isku daygii markuu ogaaday inay ciqaabayaan saaxiibadii sabab uuna garanaynin darteed markastoo uu damco inuu mooska soo goosto. Mid kale (D2) oo ka mid ah kooxdii shanta ahayd ee la socotay xaaladda ayaa laga saaray qafiskii oo lagu badalay mid cusub oon la soconin arintan. Sidoo kale ayuu durbadiiba isku dayay inuu soo goosto mooska, hasa ahaatee afartii kale ayaa sidii u qaraacaya oo ka celinaya. Waliba midkii cusbaa een la soconin biyaha lagu rushaynayay kooxda ayaa wax ka qaraacaya oo uga darnaanaya kuwii hore sida isagoo ka aargooosanaya midkan qaraacii ay qaraaceen kooxda.
- Danyeeradii shanta ahaa ayaa kolba mid laga saaray qafaskii ilaa la’isugu keenay shan aan waxba ka ogayn biyihii lagu rusheeyay kooxdii hore. Waxaa dhacday inay qaraacaan oy ka joojiyaan isku daygiisa markastoo lasoo galiyo qafiska mid cusub oo uu doono inuu soo qaato mooska, inkastoo aanay garanaynin sababta. Arin la yaab leh ayay ku noqotay dadkii tijaabada samaynayay in koox cusub oon waxba ka ogayn ciqaabtii kooxdii hore loo gaysanayay, inay qaraacaan oy ka joojiyaan midkii isku daya mooska inuu soo goosto.
Waxaa halkaa lagala soo dhexbaxay inay dhici karto in bulshada lagu qasbo inay ka cararaan waxay doonayeen. Hadaad u fiirsato waxyabahii ku dhacay shucuubta qaarkood, sida Eretria, Bosnia, Rwanda iwm, ama weli ka socda meela kala duwan oo caalamka ka mid ah sida Suuriya, Chechnya (Shiishaansya) iwm, waxaad ogaanaysaa in dhibaatada ay Itobiya ku hayso shacabka Somaliyeed ee Ogadenya uu yahay mid gumaysi oo hadafka laga leeyahay uu yahay in bulshada ay qabqabato, sida daanyeeradaa, kuwii doona inay xoriyadooda u raadiyaan. Dhibaatadaa aan ku tilmaanay inay tahay mid uu adeegsado dhamaan gumaysi, ha ahaado mid kula dhahay ama mid kugu soo duulaye, shucuubtii dhibkaa uu soo qabsaday waxay u qaybsameen qaar sidii daanyeeradii is-dilay ka dibna joojiyay gobanimaday doonayeen oo sidaa ugu waaray gunnimada, iyo qaar ka diiday kuwa u nuglaaday gumaysiga ee naftooda ku badbaadinaya inay bulshada ka hor istaagan inay u adkeystaan dhibka gumaysiga say u gaadhaan gobanimaday hiigsanayeen, wayna gaadheen kuwii sidaa doortay. Hadaba;
Shacabka Somaliyeed ee Ogadenya, labadaa ayay taagan tahay inay kala doortaan. Inay la mid noqdaan daanyeeradaa cabsida ay u gaysay inay dhexdooda is-qaraacaan oo siduu la doonayo gumaysiga Itobiya ay ugu abaadaan gunnimo iyo inay ka xoroobaan cabsida oy u dulqaataan dhibka ka sokeeya Gobanimada.
Noora Afgaab/Jigjiga
Five monkeys of the (guerilla) type in a cage were placed somewhere with a bunch of bananas. After a short while, one of the monkeys, which we will call (M1), climbed the ladder to fetch the bananas. However, whenever he tried to pick them, the four left below were frightened by having cold water turned on them. When that one came down, after a short while another monkey (M2) tried to pick the bananas. Immediately, as before, cold water was turned on those left below.
- Every time one of the monkeys wanted to pick the bananas, those below were frightened and had cold water turned on them. After this had continued for some time, the monkeys began to hold back and beat whichever one attempted to climb, so that the cold water would not be turned on them.
- Then the 1st monkey that had gone for the bananas (M1) was removed from the cage. He was replaced with one that was unaware of the situation and the trouble going on there. Right away he tried to pick the bananas; however, every time he attempted it, the other four who knew the situation blocked him and beat him. After a while he stopped trying once he realised that his companions would punish him, for a reason he did not understand, whenever he tried to pick the bananas. Another one (M2) from the original group of five who knew the situation was removed from the cage and replaced with a new one unaware of this matter. Likewise, he immediately tried to pick the bananas; however, the other four beat him as before and held him back. Moreover, the new one who had not known about the water sprayed on the group joined in the beating and was even harsher than the earlier ones, as if taking revenge on this one for the beating the group had given him.
- The five monkeys were removed from the cage one at a time until five were gathered who knew nothing of the water that had been sprayed on the earlier group. It happened that every time a new one was brought into the cage and wanted to take the bananas, they beat him and stopped his attempt, even though they did not know the reason. It was astonishing to the people conducting the experiment that a new group, knowing nothing of the punishment inflicted on the earlier group, would beat and stop whichever one tried to pick the bananas.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

