Geeska Afrika waxaa ku nool dad kala aaminsan labada diinood ee kala ah Masiixiyadda iyo diinta islaamka. Inta la xasuusan yahay wax dagaal diineed ah oo ka dhex dhacay shucuubta Geeska Afrika oo aanay Itobiya masuul ka ahayn laguma hayo taariikhda. Marwalbana xukunka ka jira Itobiya wuxuu u adeegsan jiray dagaalada ay ka dhex oogaan labada diinood inay xukunka ku ilaashadaan ama hantida shucuubta kale ku boobaan sida dagaaladii Imaam Axamad Gurey uu la galay boqortooyadii Abyssinia qarnigii 15aad markay ku soo duuleen inay boobaan shacabka Somaliyeed oy ku gaba-gabeeyeen Zaylac.
Maalmahan waxaa saxaafada qaarkood ay hadal hayaan muslimiintii Itobiya oo burburinaya Kaniisado oo laynaya dadkii masiixiyiinta ahaa ee la daganaa. Arintan oo sida ay sheegeen ka bilaabatay markii dad muslimiin ah oo ka cadhaysan hadal ay yidhaahdeen wuxuu ahaa been abuur loo sheegay ay soo weerareen masiixiyiintii la daganayd. Dadkan muslimiinta ah ayaa ka gadooday sida ay yidhaahdeen markii loo sheegay in masiixiyiintii la daganayd ay jeex-jeexeen kitaab quraan ah oy ihaanee-yeen ka dibna iyagoo ku dhawaaqaya –Alaahu Akbar – ay weerar ku soo qaadeen oy burburiyeen kaniisadihii, dad masiixiyiin ahaana ku dileen halkii.
Sheekadan oy buun-buuninayaan saxaafadaha kaniisadaha u hadla hadana ay soo galeen warsidayaasha qaarkood ee xag-jireenka ah sida Fox News, habka loo dhigayo qofkii caqli leh wuu garan karaa ujeedada ka dambeysa iyo gacanta qarsoon ee fulinaysa. Odhaah caan noqotay ayaa jirta oo tidhaahda – Hadaad aragto dagaal meel uu ka dhacay waxaad baadhaa yay faa’iido ugu jirtaa -.
Maamulka KT. Meles ee Wayaanaha waxay dalka Itobiya ku xukumaan isfaham darida ay ka dhex abuuraan shucuubta halkaa dagan. Qaar la gumaysan jiray waligood iyo qaar wax gumaysan jiray ayay ka kooban yihiin shacabka Itobiya. Marka laga tago qawmiyadaha taariikh ahaan aan ka mid ahaan jirin boqortooyadii Abyssinia, waxaa waligeed ka jiray boqortooyadaa shacab la duudsiyo xuquuqdiisa oo adoon ah iyo dabaqad xukunka haysata oo dalka ku maamusha nidaamka kala sareynta.
Xataa markii ay dhalatay tawradii casaanka ahayd ee Mingisto ee la tirtiray nidaamkii kala sareynta sida ay sheegteen, nolosha shacabka waxba iskama badalin. Qawmiyadda Tigree oo boqortooyada qayb ka ahaan jirtay ayaa ka gadoodatay nidaamkii Mingisto ee Amxaarada ay hogaaminayeen iyagoo halgan dheer oo dhiig badan uu ku daatay ka dib ay la wareegtay jabhadoodii TPLF xukunka Addisababa.
Maxaa isbadal ah oo ka dhacay Itobiya? Inkastoo ay ku dhawaaqeen TPLF-tu inay qawmiyad walba iskeed isku xukumi doonto, qawmiyadii doontana ay ka bixi karto waxay ugu yeedheen Federaalka Itobiya, hadana nidaamka kala sareynta iyo aduunsiga waxba iskama badalin. Hadafka ay ka laahyeen -Federaalka- ood moodo ilaa xad inuu u hirgalay wuxuu ahaa un inay ku handadaan qawmiyadaha aaminsan –Itobiya waa mid- iyo caalamka kalee aan jeclayn inuu qabtolkan xooga la’isugu hayo kala yaaco, markastoo ay xukunkooda u cabsdaan inay qaybtooda goosanayaan ka dibna ay yeedhin doonaan firimbigii kala tagga Itobiya.
Baqdintii noocaa ahayd ayaa hadda soo yaraaneysa ka dib markii ay shucuubta iyo qawmiyadaha ku wada nool Itobiya fahmeen ciyaarta Wayaanaha uu dheelayo oy aamineen inaysan ku sii noolaan Karin cabudhinta iyo cadaadiska iyo adoonsiga Wayaanaha. Waxaa kaloo isa soo taraya caalamka reer galbeedka oo soo fahmaya hadda nidaamkan Wayaanaha TPLF ee shuuciga (Maoism) ku dhisan inuu khatar ku yahay shacuubta Geeska Afrika uuna yahay midka abuuraya qalaaqilka gobolka suu ugu ilaashado jiritaakiisa.
Waxaad moodaa hadda inay u rogeen ciyartii hore in Kaniisadaha caalamka ay tusaan in xukunkooda uu yahay midka ka badbaadinaya malaayiinta muslimiinta ahee ay gumaystaan inay ku gadoodaan xukunka masiixiga ah ee waligeedba ka jiray halkan ee dawladaha Yurub ay badbaadin jireen. Waxayna tahay in ficil –action- ahaan loo tuso. Dhcadadan ayaana daliil u ah.
Sheeka been ah (ama runba ah) ayaa suuqa la galiyay oo ah in quraan la jeexjeexay ka dibna waxaa gadooday muslimiintii oo gubay kaniisadihii oo idil waxayna barakiciyeen intaasoo kun oo masiixiyiin ah. Mana joogsanin dhibkii lagu hayay dadka masiixiyiinta ah ilaa ay Kaniisadaha caalamka ka codsadeen xukuumadda Meles Zinawi inay badbadiso dadkaa. Waxay la mid tahay un barnaamijkii Masarida ay u bixiyeen –Baldajiya- ee xukuumadii Mubaarak uu u soo diray (Maydaanu Taxriir) qaar baangado wata si dadka ay u qoor gooyaan ka dibna dadka ay u dalbadaan Boolsikii ka ilaalin jiray Baldijyada inay soo noqdaan.
Qofka la socda qoraalada ka xogwaramaya dhacdooyinkan la leeyahay kaniisado ayaa la gubay wuxuu si sahal ah u arki karaa inay ka dambayso gacanta xukuumadda oo ujeedooyin dhowr ah ka leh arintan. Inay u hirgali doonto iyo in kalese waqtiga ayaa sugi doona, waxaadse moodaa ilaa hadda inay mucaaradka ka soo horjeeda Wayaanaha fahamsan yihiin dheeshan.
ONA.
The Horn of Africa is home to people who follow two different religions, Christianity and Islam. As far as anyone can remember, history records no religious war among the peoples of the Horn of Africa for which Ethiopia was not responsible. The regimes in Ethiopia have always used wars they stir up between the two religions to preserve their rule or to plunder the wealth of other peoples, as in the wars Imam Ahmed Gurey fought against the Abyssinian kingdom in the 15th century, when they invaded to plunder the Somali people and finished at Zaylac.
These days some media outlets are talking about Ethiopian Muslims destroying churches and killing the Christians who lived alongside them. According to these reports, it began when Muslims, angered by what they say was a fabricated report, attacked the Christians who lived alongside them. These Muslims rose up, they say, after being told that the Christians living with them had torn up a copy of the Qur'an and insulted it. Then, shouting "Allahu Akbar", they attacked and destroyed the churches and killed Christians on the spot.
This story is being exaggerated by church-affiliated media and has now been taken up by some extremist outlets such as Fox News. From the way it is being presented, any sensible person can see the purpose behind it and the hidden hand carrying it out. There is a well-known saying: "If you see a war break out somewhere, look for who benefits from it."
The Woyane administration of Prime Minister Meles rules Ethiopia through the misunderstandings it creates among the peoples living there. The people of Ethiopia consist of those who have always been colonised and those who have always colonised. Apart from the nationalities that were never historically part of the Abyssinian kingdom, that kingdom always contained a people deprived of their rights and held as slaves, and a ruling class that ran the country through a system of hierarchy.
Even when Mengistu's Red Revolution arrived and, as they claimed, abolished the hierarchical system, the lives of the people did not change at all. The Tigray nationality, which had been part of the kingdom, rose up against Mengistu's Amhara-led regime, and after a long struggle in which much blood was shed, their front, the TPLF, took power in Addis Ababa.
What has changed in Ethiopia? Although the TPLF declared that each nationality would govern itself and that any nationality that wished could secede, calling this Ethiopian Federalism, the system of hierarchy and enslavement did not change at all. The aim behind this "Federalism", which might seem to have been implemented to some extent, was simply to threaten the nationalities that believe "Ethiopia is one" and the rest of the world that does not want this capital, held together by force, to fall apart, with the warning that whenever they fear for their rule they will break away their own part and then blow the whistle for Ethiopia's disintegration.
That kind of fear is now diminishing, after the peoples and nationalities living together in Ethiopia have understood the game the Woyane is playing and have become convinced that they can no longer live under the Woyane's oppression, pressure and enslavement. In addition, a growing part of the Western world is now coming to understand that this Woyane TPLF system, built on communism (Maoism), is a danger to the peoples of the Horn of Africa and is the one creating turmoil in the region in order to preserve its own existence.
It now seems they have turned the old game around, to show the churches of the world that their rule is what prevents the millions of Muslims they colonise from rising up against the Christian rule that has always existed here and that European governments have always protected. And this must be demonstrated through action. These incidents are the proof of that.
A false story (or perhaps even a true one) was put into circulation that a Qur'an had been torn up, after which the Muslims rose up and burned all the churches and displaced several thousand Christians. And the harm being done to the Christians did not stop until the churches of the world asked Meles Zenawi's government to rescue those people. It is just like the scheme the Egyptians called "Baltagiya", in which the Mubarak government sent machete-wielding men to Tahrir Square to cut people's throats, so that people would then ask the police who used to protect them from the Baltagiya to return.
Anyone following the writings that report on these incidents in which churches are said to have been burned can easily see that the hand of the government, which has several aims in this matter, is behind them. Whether it will succeed or not, time will tell, but so far it seems that the opposition against the Woyane understands this game.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
