Qayb hordhac ah oo ka tirsan ciidamo Ingiriis (British) ah ayaa la sheegayaa in lageeyey dalka Soomaliya. Ciidankan ayaa taageeri doona sida laga soo xigtay dawlada Ingiriiska howgalka AMISOM ee Qaramada Midoobay ay taageerayso ee Somaliya kasocda. 10 askeri ayaa gaadhay magaalada Muqdisho, waxaana xigi doono, 70 kale sida ay dowlada Britain sheegtay.
Ciidankan ayaa AMSIOM ka caawin doona dhinaca caafimaadka, iyo taagero dhinca loojistikada ah ee loo baahan yahay. Xoghayaha gaashaandhiga ee Britain Micheal fallon ayaa sheegaya in ciidamada Britain ka socda ay ka caawin doonaan howgalka Soomaliya. Waxay sidoo kale gacan ka gaysan doonaan deganaanta dalka Soomaliya iyo dagaalka lagula jiro xagjiriinta.
Waxaa xusid mudan inay wadanka Soomaliya ka hawlgalaan ciidamo Afrika kasocda oo nabad ilaaliyayaal ah balse weli ma dagano xaalada amaanka ee Soomaliya. Al-shabaab ayaa ah khatarta ugu wayn ee Soomaliya haatan kataagan, waxayna wadaan dagaalo iyo qaraxyo joogto ah oo xasilooni darri baahsan iyo waliba khalkhal farabadan ka gaystay amaanka wadanka Somaliya.
ONA
An advance unit of British troops is reported to have been deployed to Somalia. According to the British government, this force will support the AMISOM mission in Somalia, which is backed by the United Nations. 10 soldiers have arrived in the city of Mogadishu, and 70 more will follow, according to the British government.
This force will assist AMISOM in the medical field and provide the necessary logistical support. Britain's Defence Secretary Micheal fallon says that the British forces will help the mission in Somalia. They will also contribute to the stability of Somalia and the fight against extremism. It is worth noting that African peacekeeping forces operate in Somalia, but the security situation in Somalia has still not stabilised. Al-shabaab is the greatest threat currently facing Somalia, and they are carrying out continuous fighting and bombings that have caused widespread instability and a great deal of disruption to security in Somalia. ONAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
